Gabaygan Hami la yidhaahdo, sida aad midhahiisa ka dhadhamin karto, wuxuu gabayaagu ku fasirayaa riyo uu ku riyooday.  Haddii aad hayso qisadan oo dhan noo soo gudbi fadlan.

  • Xalay Isniintii waxaa i helay toban umuuroode
  • Asal gama’na ways idhi hurdana uurka kama seexan
  • Indhahana makala qaadihayn, aragna way muuqday

 

  • Afka kama dhawaaaqayn hadana, aamus ma aan yeelan
  • Ogaan uma qoslayn oo hadana, iligyaday muuqday
  • Aradkana dad kuma weheshanayn, ururna waan joogay

 

  • Albaabada dibada baan ka iil, aqalna waan jiifay
  • Istanbuuli cadar layma marin, udugana waydaaray
  • Oon baa idilay oo biyaan ku agwareegaayay

 

  • Onkod iyo hilaac roobna waa, nagu itaaleeyay
  • ufo dhibicdu may wadin hadana, ooduhuu lulayay
  • Awaartii manabin oo hadana, wuu anfacay kaynta

 

  • Anfariir xaluunbaan hurdada oog la sookacaye
  • Ilinkaan talaabada ku waday, kol aabaarahaaye
  • Meeshaan abaarada kutago, aakhir bal aan eego

 Gabayga waxaa nasoo gaadhsiiyey Cabdi Xiis. Mahadsanid.