Waxaa la wariyey in Xirsi Boqon uu tixo gabay ah tiriyey isagoo ardaaga waqti fiidnimo ah ku cawaysimaya.  Haweenay uu qabay oday adeerkii ahaa ayaa tixihii maqashay markaas ayey inta kor usoo baxday ku tidhi Xirsi “War ama sida inanka Raage Ugaas u gabay ama caruurta hayga toosininee cawcawda iga daa.”  Hadalkaa ayuu ka xumaaday Xirsi oo uu qaadan waayey bal cid kale iska daayee in aayadii ay u qiri waydo gabayaanimadiisa.  Wuxuu haddaba halkii ka mariyey tixdan hoose.  Kama war hayno inay intan ka badnayd iyo in kale.

  • Hadda Raage oday buu noqdoo, ka amar weynaaday
  • Ardaydaan ka tagay buu ahaa, alif bilowgiiye
  • Al-baqrana ma gaadhine hadduu, dhigan idaajaaye
  • Halka Ina-Jadeer ka unkadaa, awrta loo rariye
  • Aan ardaayo wada oodanee, waa inoo idhanka

Raage Ugaas ayaa tixdii gaadhay wuxuu kaga soo jawaabay gabay dheer oon hadda ka hayno halalkan hoose.  Wuxuu ku lee yahay Xirsi war hooy wiilyahoow yaanay fardo isla kaa jiidhinee meel fadhiiso af iyo adin midna iguma gaadhidee.

Wuxuu yidhi Raage:  

  • Bus xaggaaya jiilaal balyaday, qaranka oo biifay
  • Barin doog leh nayluhu gugay, baqalyo rooraane
  • Baakiro tarkeed wow bishaa, laba bakuuroode
  • Bintadii lahayd dhaan hadday, uga buseylayso
  • Birisku biyaha ceel ma sido, mana baqool daayo

 

  • Baaluqe ismood wiil hadduu, buuryo-goys yahaye
  • Bisqinbaa nin weyn kugu dirtoon, biidna kuu tarine
  • Shansho iyo baruuriyo hadduu, badhi wan weyn yeesho
  • Baraar habartii loog kama baxshoo, gowrac kama baajo

 

  • Buulalaydh maraakiibta waa, lagu bidhaanshaaye
  • Intaan baxar sitiin kula galaan, kaaga soo bixiye
  • Badda hooy ka joog moolka, yaa bahalo jiifaane
  • Bi’i waaye Habar Yooniseey, baadidaa cesho

Ina Jadeer oon jeclaysan gabayga Xirsi Boqon iyo soo qaadka uu magaciisa soo qaaday lana yaaban isku dhererinta uu Raage Ugaas isku dhereriyey ayaa isna tix kale oo aan ka hayno halalkan hoose tiriyey.  Wuxuu yidhi:

  • Adduunyadan inkaarta iyo ishiyo, aakhir saban joogta
  •  Ee aqalba aqalkuu u xiggay, ka ololaynaayo
  •  Ee ubax cadkeedii lumayee, obalasku uu muuqdo
  •  Ninka Awr u soo raranayaa, mid aan ogayn weey

Ma haysaa inta ka maqan sheekadan iyo gabayadeedaba?