Gabaygan hoose wuxuu la socdaa sheekadii Raage Ugaas iyo Xirsi Boqon oo aan horebba ugu xusnay bogga ah Bi’i Waaye.   Waxaa la yidhi Xirsi Boqon ayaa caado ka dhigtay inuu Raage Ugaas wax ka sheego  golayaashana ka duro.  Maalin maalmaha ka mid ah ayaa war soo gaadhay Raage, warkaasoo sheegaya in Xirsi uu ku af-lagaadeeyey shir la isugu soo baxay.  Raage wuxuu yidhi shirkaa nin Daarood ahi ma joogay? Waxaa loogu jawaabay niman Siwaaqroon ah ayaa meesha marayey.  Oo maxay arrintaa ka yidhaaheen? ayuu Raage mar labaad weydiiyey. Waxba ayaa lagu wargaliyey. Raage haddaba Xirsi Boqon hadalkiisa ma xaalaynin ee wuxuu ka xumaaday in niman Daarood ahi maqleen isaga oo la jaa’ifaynayo, aysanna arrintaa dagaal waa halkiisee wax hadal iyo eray difaac ah midna ka gaysanin. Raage ayaa sidaa daraadeed tiriyey gabaygan:

  • Subxaanyaduba waa halaq hadday surin maraysaaye
  • Senti-taano waa lacag hadday saaran tahay miise
  • Saratoosiyuhu waa wax weyn waana haad suga e
  • Sambab waa cad weyn oo kuyaal sarara hoostoode
  • Sooxaari waa timir Barni yaysan saakumine
  • Siin iyo dhareer waa candhuuf waana shay si ahe
  • Siwaaqroonba waa niman hadday socoto Xaafuune

 

  • Subeer Maxamed, Siin Waaq, Bah Geri, Habar Siciid oo dhan
  • Saddexdii Harti iyo looma tegin Sade Mareexaane
  • Daarood silsiladiisa kore ayaan laysa soo sudhine
  • Saaxiibkayow ma anigaa suqayar lay mooday?
  • Mise wiilku wuu salal-anbaday Siiyahay magane?
  • ….
  • Surgin baan ku jiriqsiin lahaa sidii sagaareede
  • Sanduuqbaan ku aabudhi lahaa soomadaaye ahe
  • Samo aabahaa falay baryaad sado ku maashaaye
  • Samaanteeda Habaryoonis baan salax rogaayaaye
  • Caku reer Suldaan Diiriye iyo Sugulle Caynaashe

 

Beydadkan dambe, sidaan taariikhda ku hayno, wuxuu ku caddaynayaa abwaanku xidhiidh ka dhaxayn jiray Reer Sugale iyo Habar Yoonis oo dhinac ah iyo Raage Ugaas iyo qoyskiisa Reer Ugaas Warfaa oo dhinaca kale ah. Waxaa la wariyey in Raage Ugaas oo gaban yar ah ka habaabay Reerkooda dabadeed Reer Suldaan Diiriye oo Habar-Yoonis ah ayuu ka duldhacay. Reer Suldaan Diiriye ayaa haddaba in muddo ah Raage hayey ilaa Reer Ugaas Warfaa usoo ciidan diray lana soo doonay. Sidaa ayey isku barteen Raage Ugaas Warfaa iyo Reer Suldaan Diiriye, saaxiibbo wanaagsana ku noqdeen. Halkaa ayuu daarran yahay qowlkan dambe ee uu ka mid ka yahay: samo aabahaa falo baryaad sado ku maashaaye. Macnihii waxaan ku ixtiraamayaa Habar Yoonis iyo Reer Suldaan Diiriye ee bari horre ayaan af-weynta kala goyn lahaa ninkan wax iga sheegay.

Soo dhamaystir gabaygan haddii aad awoodo ama garanayso meel laga heli karo, fadlan.