Qore: Cawaale Xuseen

awalle@gmail.com

 

Gabay kasta oo abwaanku unko waxaa ku xambaara dareen ama sabab gooni ah.   Dareenkaa iyo Sababahaa oo badan waxaa ka mid ah qoonsi uu abwaanku qoonsado gabay mid kale tiriyey.  Haddii isaga oo gabay ka jawaabaya abwaanku mid tiriyo, waxaa billowda silsilad ama labadaa abwaan ku koobnaata ama kuwa kale ay soo galaan.  Qormadan waxaan ku dulmari doonaa gabayada taxanaha noqda ee labo gabayaa ama ka badan ay ka qeyb qaataan iyaga oo istixraacaya, gundhacooduna u noqonayo hal dhacdo ama mawduuc.

 

Gabayada silsiladda ah ee rag badani foodda isku daray way ku badan yihiin suugaanta Soomaaliyeed, waxayna gabayada noocaa ahi horseedaan in abwaanadu isdhaafsadaan xikmad dhumuc weyn oo aysan soo daayeen haddii aanay silsiladdaasi jirin.  Inta badan waxay u billowdaan si kadiso ah oo aan qorshe hore lahayn.  Abwaan ayaa qoonsada ummuur taagan dabadeed dareenkiisa ku rogroga duruufaha u muuqda.  Mid kale ayaa dubaaqiisa, lid ama taageero, cabbira oo ama jawaab garaabid ah bixiya ama mid gawrin ah dhiiba.  Kolkaa ayey dhexdooda ka oogantaa oo ay noqotaa “waa Shilaaboo, waa shan xadhiglee, nin walbow shubo.”

 

Qiimo iyo sharaf midna ma yeelato silsiladdu haddii ay qorshe ku dhisan tahay oo inta aysan  wali billaaban lagu heshiiyo mawduucii laga gabyi lahaa, meeshii lagu tirin lahaa, abwaankii soo gali lahaa iwm.  Inay ka filo ka fado tahay oo ay gabyaaga xigi doona kii hadda dhameeyey iyo gabaygiisu sidduu noqon doonaba dadweynuhu, tuhun waa halkiisee, u tooghayaan ayaa qiimaheeda samada ku laala.     

 

Silsiladdaha caan baxay waxaa ka mid ah Guba.  Guba markaan leenahay waxaan ujeednaa Gubadii dhabta ahayd ee Ogaadeen dhexdii ka fuftay ee 13ka gabayaa oo wada qoyskaa ahi ka qaybqaateen.  Waxaa kaloo ka mid ah silsiladdaha caanka ah Rayad.  Rayad waa silsiladdii Cali-dhuux Aadan Goroyo billaabay, kuwo aan xogogaal ahaynina si khaldan iyadna Guba ugu yeedho.  Silsiladdaha kale ee baahay waxaa ka mid ah Haameey ama Halac Dheere, Reer Warfaa vs. Maalinguur, Daba la’, Hurgumo, Deelleey, Olal Reema, iyo kuwa kale, (ikk). 

 

GUBA

 

Guba waxay curatay abbaaraha horraantii 1910aad, waxayna socotay muddo 10 sano ku dhow.  Waxaa ugu magacdheer ragga Guba ka qeyb qaatay Saahid Qamaan Cali, Qamaan Bulxan Yuusuf, Xasan Yuusuf, Cabdi Shinni, Gurraase Xaaji Cali, ikk.  Waxay ka koobnayd ugu yaraan 13 gabay waxayna ka billaabatay Iriirka Siiga Boqorka oo ku yaala banka caanka ah ee Qorraxeey. Waxay silsiladdani mudan tahay raadgooyo dhinac walba ah si gabayadii qaangaadhka ahaa ee la isdhaafsaday oo dhamaystiran loo helo. www.doollo.com gabayo badan oo Guba ka mid ah ayuu isu keenay dhawaana aanu soo gudbin doonaa.  Gabayada aan hadda gacanta ku hayno iyo ragga isugu buntuftay silsiladdaa markii aanu qiimeynay, waxaa hubaal ah Guba taabideedu inay suugaanta Soomaaliyeed xarago iyo maamuus ku kordhin doonto.  Magacu wuxuu ka raacay beydkii Saahid ee ahaa:  “in dhawayd wax igu garaanjiriyo, Guba ma faadhfaadhin.”    

 

Silsiladdani waxay u dhaxaysay niman xayndaab hoose wadaaga oo ugaaskii u arimin jiray iyo xukunkiisii la isku maandhaafay, dabadeed rag la kala dilay iyo aragtiyo is dabamarsan gabayo badan laga tiriyey.

 

HAAMEEY ama HALAC DHEERE

 

Waxay ka billaabatay Bariga Soomaaliya, waxaana billaaby Cali Sharmarke.  Wiilal xidid iyo martiba ahaa oo loo loogay hase yeeshee hadal aan dhaqanka Soomaalida ku habboonayn la maqashiiyey ayey ka kacday. Ragga caanka ka ah ee soo galay waxaa ka mid ahaa Qamaan Bulxan, Xuseen Dhiqle, Cali Dhuux Aadan, Camanje Yogol,  Ibraahin Cayo iyo Faarax Caytame oo ugu dambayntii kusoo af-jaray gabaygiisii wada qafilnaa ee Af-Gudhiye. 

 

Waxay silsiladdani u xuub-siibatay hal-xidhaale iyo in fagaare labadii dhinac ee isku hayey ku kala foodqaadan.   Waxaa ku libaystay oo xujooyinkoodii la furi waayey Faarax Caytame iyo raggii la qeyrada ahaa.  Magacu wuxuu ka raacay tixihii Ibraahim Cayo iyo Nabaddiid Gurraase:

 

“Haameey xaggee jiray markii, Halac la sheegaayey,” iyo “Halac Dheere nimankii sanado, hayn jiraan nahaye” oo asalkeeda Nabaddiid Gurraase lahaa laakiin Cali Sharmarke afaraydiisii ku daray. 

 

REER WARFAA iyo  MAALINGUUR

 

Silsiladan in kasta oo aad looga tiriyo goboladii ay ka fuftay, waxaa la odhan karaa Soomaali Weyn dhexdeeda siddii la rabay uguma faafin.  Waxay dhexmartay laba qoys oo Ogaadeen ah sida cinwaankaba ka muuqata, waxayna socotay muddo dheer.  Wax la isula hadhay iyo maaddo laga gabyi karo oo raggii soo galay carabka la gafeyna lama sheegin.  Labada dhinacba rag tiiri ah ayaa soo gafray gabayo dhammaan boqol lagala bax ah. 

 

Waxaa ka mid ahaa raggii caanka ahaa ee ka qeyb qaatay Maxamed Cumar Dage, Xuseen Hudle, Buraale Cali Ubaxle oo dhanka Reer Warfaa ahaa iyo Baarleex, iyo Aw Faarax Jibriil oo dhinaca Maalin Guur ahaa.  Rag kale ayaa jiray.  Waxay silsiladani u baahan tahay baadhis qoto dheer.

 

Waxaa kale oo xusid mudan Maxamuud Cali Beenaleey oo aan labadaa qoys midna ahayn inuu gabay dhexdhexaad ah ku darsaday kadib markii niman shirqool waday ay isku dayeen inay kusoo jiidaan hardankii maansada.  Ninka rabay inuu Maxamuud soo galo gabayga labada dhinacba waa lagu sheegaa, waxayse u badan tahay inuu Reer Warfaa ahaa.  Baydadka ninkaa cidduu dooniba ha ahaadee waxaa ka mid ahaa:

 

–  Inta Bari degtiyo Reer Warfaa, ha is bahaysteene

–  Balanqabaha Doolaal Jiciir, haysku badiyeene

–  Bar hadduu u tari Muumin Cali, ha isku biirsheene

 

Maxamuud Cali Beenaleey wuxuu tiriyey gabay dheer oo kusoo caano shubtay beydadkan hoose:

 

–  Basarxumo inuu Reer Warfaa, budulka qaadsiiyey

–  Iyo inay bacdii Maalin-Guur, baanisanhan keentey

–  Beentiyo runtuba waadhow bay, kala baxaayaane

–  Aan baxnaansho xaajada kobtii, badhida loo saaro

 

RAYAD (Dadka qaar ayaa Guba si khaldan ugu yeedha silsiladdan)

 

Waxaa billaabay Cali Dhuux Aadan Gorayo isaga ayaana soo af-jaray.  Ragga caanka ah ee ka qeyb qaatay waxaa ka mid ahaa Qamaan Bulxan, Maxamed Fiin, Maxamed Cumar Dage, Salaan Carabeey, iyo Maxamuud Bidhiidh.  Waxay ka billaabatay Doollo.  Sheekadani waxay salka ku haysay Ingiriis iyo Talyaani ku hardamaya geyiga Soomaaliyeed oo qabaa’il xurgufi dhextaalay isku hubeeyey sida gabayadaba ku cad. 

 

Waxay socotay mudo dheer waxaana aakhirkii bud-dhige u noqday Maxamed Cumar Dage oo habeenkii ay bil kowsatay waa wiil la yidhi.  Maxamed wuxuu tiriyey gabayo dhawr ah oo Cali Dhuux ku qasbay inuu calanka cad taago silsiladdiina dabro.  Dadka Guba silsilladan ugu yeedha waxay maqleen beydkii Qamaan ee ahaa:  “geeraarka iyo faanku saw, Guba la xeer ma aha”, dabadeed iyagoo warmoogayaal ah Guba uun iskaga dhawaaqeen. 

 

Silsiladdani waxay ka mid tahay kuwa ugu magac dheer suugaanta Soomaaliyeed xilliga ay socotay, deegaanka ay ka curatay, raggii soo galay, mawduuca ay ku saabsanayd, iyo sababo kale awgood.  Nasiib darose been abuur badan, eex, iyo nin jeclaysi ayaa lagu dheehay soo gudbinteeda sidaa daraadeed dhacdooyinka sheekadan la xidhiidha iyo taariikhdeeda oo badhax la’ dadka hayaa ama og aad ayey u kooban yihiin.

 

CAMANJE, GEELE, BEENALEEY, IYO DHUUX

 

Silsiladdan waxaa kiciyey neef geel ah oo ay niman Camanje (Abasguul) ku eedeeyeen inuu ka dhacay.  Camanje ma arag, halna sida dhaqankanagu yahay ma xadno ee haddii aan dhac u badheedhno geel kii Lafa-Ruug iyo Hiil Weyne oo kale ah ayaan mooraduugnaa ayuu ku dacwiyey, hase yeeshee nimankii warkaa way qaadan waayeen.  Wuxuu haddaba codsaday inay u yimaadaan si uu kitaab baallaha u jaro.  Way usoo shireen iyagoo isleh ha idiin dhaarto. Kolkii dhaar laga sugayey ayuu gabay tiriyey.  Waxaa ka mid ahaa:

 

–  Nimanyahoow hashiinii ma arag, waana la hubaaye

–  Waa taan hudheelaha galaa, hogoga Iidoore

–  Waa taan hariirsade gubaa, dhuxuli hoos taale

–  Waa taan makhaayado hurshaa, halow i leefaaye

–  Haweenkaygu waateey midgaha, hilib ka iibshaane

 

Nimankii tu xunbaa ka raacday waxayna ku baaneen inay qeylo-dhaan degaankoodii ku dhex tuuri doonaan, gabay jawaab ahna soo diri doonaan.  Orda oo waxaad doontaan soo dira ayuu Camanje isku koobay.  Muddo ayuu sugay hase yeeshee waxba wuu ka iman waayey haddii uu toydayna waxaa loo sheegay in nin gabya oo qurbaawi ah oo dhoof ku maqan lala sugayo.  Bal ha iska yimaado oo wax uun hasoo diro ayuu yidhi Camanje.  Muddo kale ayuu sugay oo sugay.  Markii cid fariin baan ku wadaa dhagta u saarta uu waayey ayuu mar kale afkiisa furtay oo uu tiriyey gabay ay ku jirtay: 

 

–  Gabay haw yidhaahdoo ku dhaca, Cadan hagaageeda

–  Oo hamug yidhaa oo Isaaq, daartii wada heensha

–  Oo halaha kii raaci jiray, kaga hayaay siiya… wuxuu ku dhameeyey

–  Hadduu aar hal dilo oo dhurwaa, hilib usoo doonto

–  Hungurina ka geyn waa kalyana, kuma hagaajaane

–  Huuhdooda unbaad maqliye, lay hor iman maayo

 

Cali Geele (Arab, Isaaq) ayaa gabaygii Camanje maqlay oo muddo ka dib go’aan ku gaadhay inaan Camanje dhawrasho dambe lahayn, in cid kale lala sugana aysan daw ahayn.  Mid jawaab ah ayuu soo laliyey.  Waxaa ka mid ahaa:

 

–  Abasguul Isaaq inaan la simo, igama eegtaane

–  Aanada rag kale haw dhintee, eray yar baan baanay…

–  Waa taan Ogaadeen noqdaa, aharta diidaaye

–  Waa taan agoon xooleheed, ku intifaacaaye

–  Waa taan adduunkoon la dhicin, ka aradnaadaaye…

 

Cali Geele halkaa haddii uu ka bud yidhi, Camanje ayaa la yaabay sababta Cali gabayga ugu jiiday Ogaadeen.  Wuxuu haddaba sida la wariyey ku xawilay abwaanadii qoyskaa oo uu yidhi “ama way iga baqeen nimanku ama way i balfeen ee u jawaaba.”  Maxamuud Cali Beenaleey (Ogaadeen) ayey saddexdii tixoodba gaadheen dabadeed wuxuu ku darsaday gabay ay ka mid ahayd:

 

–  Waa taan makhnuud iyo noqdaa, makhawad Iidoore..

–  Waa taan mindiyo uus leh iyo, malafsadaa dhiig e  

–  Margiyada iyo waa taan garbaha, malax ku yeeshaaye

–  Waa taan middaan dhalay idhaa, maydhan yaa gadane

–  Waa taan nin aan maaganayn, maro u saaraaye

–  Waa taan maryamo luuli iyo, magacyo sheegaaye

–  Waa taan mushtaro baayacaa, suuqa mariyaaye

–  Waa tii Maxooliga Kufrigu, igu maraacshaaye…

 

Maax Dhagoole (Ogaadeen) ayaa markii ay gabayadii ay is dhaafsadeen Camanje, Cali Geele, Beenaleey loo geeyey wuxuu isna ku darsaday gabay ay ka mid ahayd:   

 

–  Abtiyaashay anigaa aqaan, nimanka Iidoore

–  Ha ka aamusnaadeen Absame, waan abhinayaaye …

–  Aroortay yimaadeen iyagoo, awr faruur xidhane

–  Irriduu yaxoobaa siddii, ood fadhiisin ahee

–  Uurtuu ka reemaa siddii, igadh cayuumeede  

–  Cirka oo unkadi buu yidhaa, adhiga ii looge

–  Aqal aad ah buul ooraluu, ka ag samaystaaye

–  Aagaamuhuu kala yaqaan, ta u iniin roone…

 

Cali Dhuux (Dhulbahante) ayaa maqlay oo isna isagoo dhinaca saaraya Camanje iyo Maxamuud xagga Galbeedka usoo diray mid ay ku jirtay:

 

–  Waa taan wan weyn dhinacii iyo, dhabarkii tuujaaye

–  Waa taan intaan kala dhigdhigo, dheriga heenshaaye

–  Waa taan middii ii dhexdayoo, dhowri kariyaaye  

–  Waa taan in soo dhibicsadaa, dhaahiyaha fuud e

–  Waa taan fartaa dhuuban iyo, dhuraha leefaaye

–  Dhab calool ah waa taan wadniyo, dhabano iibshaaye

–  Waa taan dharkaygii xarago, dharas ku laabtaaye

 

Silsildaddan cid magac u bixisay ma maqal, rag intan ka badan oo soo galayna dadka qaar ayaa sheega.  Baadhis ayey mudan tahay.

 

XARBI ISMAACIIL iyo QOWDHAN DUCAALE

 

Waxaa dhacda silsilad laba nin kaliya dhex marta oo aan cid kale soo galin. Waxaan isleeyahay kuwa noocaa

ah waxaa ugu caansan Xarbi Ismaaciil Samatar iyo Qawdhan Ducaale lagatan xagga maansada ahaa oo u

dhexeeyey. Labadaa nin oo midkood walba af-hayeen u ahaa qoyskiisa waxay is dhaafsan jireen gabayo badan

oo dhaadasho iyo goodiba isuga jiray.

 

Xarbi Ismaaciil ayaa bari gabay digasho ah dhinaca Qawdhan iyo qoykiisa u diray.  Qawdhan ayaa gabaygii dhibsaday oo tix kaga soo jawaabay.  Tixdaa waxaa ka mid ahaa:

 

–  Xarbiyow gabaygu waa kaa tasaqay, wuuna kaa tagaye

–  Waana kaa tawaawacay haddaad, toosi leedahaye

–  Adigiyo tumaal beentu waa, mid aad taqaanaane

–  Ma adigaa tubtii geela iyo, tagay awaarihiiba

 

Xarbi ayaa is weydiiyey sababta adiga iyo tumaal beentu, waa mid aad taqaanaane Qawdhan gabayga ugu daray

Kalmad tarbiico leh in gabayga laga dhawro sawtay muhiimka ahaan jirtay. Deelqaafka iyo gebidhacu saw

gabayga cadowgii ma ahaan jirin. Qawdhan ayuu haddaba arintaa ku gawriyey oo wuxuu Xarbi mariyey tix ay

ka mid ahaayeen beydadkan hoose.

 

–  Tisqaad ma laha gabay uu nin kale, eega tiriyaaye

–  Waxaase tayda loo wada hayaa, waa tamaamnimo e

–  Tabtaasaan ahaa eega iyo, toban jirkaygiiye

 

–  Ha yeeshee nin taliyaa afxumo, sooma tooxsado e

–  Waadse iigu tagi cay haddii, layga tiigsado e

–  Tagoogtii fayoobayd siddii, turuqu kuu duulay

 

–  Labadii tacshiiroodba saan, kuugu wada toogtay

–  Toorida siddii loola dhacay, tima caddii daashay

–  Tafdheeriyo Ciroolaba sidaan, uga talaadaystay

 

–  Ma tummaatidaan kugu dhuftaad, toosi waligaaba

–  Tolse waxyeeladiisu ha jirtee, aniga yey taabtay

–  Tifbaa ugu yaroo maydinkaa, naguba soo tuuray

 

–  Ma taqaashan baan idinku jirin, na laga taabraaco  

–  Mise waad noo turteen saw, xaggaa lagama taag waayin

 

DEELLEEY

 

Waxay ka billaabatay Xamar, waxaana billaabay Maxamed Gaariye.  Ragga caanka ah ee soo galay waxaa ka mid ah Maxamuud Singub, Axmed Iidaajaa, CabdiQaadir YamYam, iyo Maxamed Hadraawi.  Dad badan ayaa Deelleeyda u haysta silsilad khatar ah, laakiin waxay ka mid tahay silsiladdaha suugaanta Somaaliyeed soo maray kuwa ugu tayo liita sababo dhawr ah awgood. 

 

1)   Waxay ku billaabatay si kaftan iyo war aynu heeso silsiladda tirino ah.  Wax hadaf ah oo hoose iyo dareen macno leh kuma dhisnayn.  Sidaan kor ku xusnay, maanso lagu sii heshiiyey waxay noqon doonto oo aan qalbi wax qoonsaday kasoo hoorin mid macno badan leh ma aha.

2)   Dhammaan waxay ahayd heeso.  Heestu waa nooca ugu sahlan ee maansada waxayna u badan tahay qof kasta oo isku daya inuu alifi karo.

3)   Waxay heesuhu dhammaan ku socdeen xarfaha Af-Soomaalka ee lagu heeso midka ugu sahlan oo ah “Deel” ama “D.”  Waxaa jiray abwaan tiriyey maanso aan aad u faafin oo 6,666 beyd ahayd

4)   Waxaa hamboori isugu tuuray qof kasta oo dhawr beyd isku xidhi karay oo xilligaa joogay, gadaalna meel ay u jeedo iyo meel ay ka jeedo toona waa la fahmi waayey.  Inay ujeedo la’aan ahayd waxaa caddaynaya beydadkii heestii Yamyam ku jiray ee ahaa:

     

     –  Nin waliba dan kaa lehe

     –  Duqdu yey i raacine

     –  Deelleeydu waa shaxe

     –  Aniguna hogbaan degey

 

Bal u fiirso, Yamyam oo ahaa ninkii afraad ee heesa ayaa xataa ku wareersan ujeedadii Deelleey ee sida raadka gaadhiga dhinac walba u jeeday.  Waxaa caado ahayd rag door ah oo dhinac kasoo wada jeeda ama isku afkaar ah oo aan waxba isku diidanayn inay isku xigaan oo ay kaliya isu marxabeeyaan.

5)   Ilaa maanta dadka qaar ayey Deellaydii u dararsan tahay oo kolba heeso cusub ayey gadaal kaga tidcaan iyagoo tixraacaya kuwa hore.    

 

Dhawr abwaan oo Hal-abuur wanaagsan leh ayaa ku jiray.  Ujeedada qoraalkani ma aha inuu si gaar ah u qiimeeyo Deellayda oo waxaan aaminsanahay in qoraal gooni ah qiimaynteedu mudan tahay, waxaan uga dan leeyahay intaa yar inaan xuso inaan Deelleeydu, in kasta oo ay baahday, ahayn silsilad culus sababahaa aan dulmaray iyo kuwa kale awgood.  Xusid iyo magac silsiladeed ha joogtee, uma dhawa mid qudha kuwan kale ee aan kusoo qaatay qoraalkan.  Waxay, aragtidayda, u soo jiiday sooyaalka suugaanta Soomaaliyeed waji-gabax balaadhan.  Magacu wuxuu ka raacay tixo badan oo erayga “Deelleey” maray, xarafka deelka ahna way ku qotantaa dhamaanteed

 

DABA LA’

 

Daba La’ waxay ahayd silsilad aan aad u firdhin oo ka billaabatay Xamar, rag badan oo dhammaan deegaanka Soomaalida ee Geeska Afrika ku kala baahsanaana ay isku xinjiro-fajaaseen.  Ninkii billaabay wali ma hayo, laakiin ragga caanka ah ee soo galay waxaa ka mid ah Cabdullaahi Dhoodaan, Yuusuf Dheere Maxamed Sugaal, Gen. Siyaad Daa’uud, Maxamuud Ciise, Cabdi Sheekh Biixi, Yuusuf Colaad, iyo nin kale oo aan magaciisa koobaad oo kaliya hayo, Cabdi Wali.  Dhoodaan gabayga uu silsiladdan ku leeyahay ayey magacyada abwaanada ka qeyb qaatayi ku dhan yihiin.  Waa kii lahaa:

 

–  War maansooyinkuu diray Siyaad, amuu dabayl raacshay

–  Ragga dookha Ina Ciise lee, dumarada u heesa…

–  Maansada dhulkii daraf ka daraf, Yuusuf kaga daalay…

–  Cabdi Walina aan kuugu daree, tuu dareerinayey…

–  Baqaa door ah hay odhan Cabdiyoow, waa dameernimo e

–  Ina Biixi hooskii dayacay amuu, kasoo dayrshay…

–  Yuusufna waaba dow inuu yidhaa, da’ Allay badaye…

–  Dubaaqiinu suugaanta maag, walise diimoone…

 

Silsiladdan waxaa gunaanaday Cabdullaahi Dhoodaan oo kusoo gaabiyey gabayga magacu ka raacay ee Daba La’.  Waxay ahayd mid abwaano si gooni ah isu yaqaana, isku raasna kasoo jeeda oo is hadal fahma u dhaxaysay.  In kasta oo aanan gabayada kale badankooda arag, haddana waxaad ka fahmaysaa midka Dhoodaan in abwaanada kale isku aragti dhawaayeen, Dhoodaanna aragti tooda ka duwan ku doodayey.  Magacu wuxuu ka raacay beydkii Dhoodaan ee ahaa:

 

–  Haddaad Deyr rimaysiyo haddaad, been durdurinayso

–  Daba laay inaad gugan dhashaa, hadalkii loo daystay (Dabaayna waa la akhriyey)

 

HURGUMO

 

Hurgumo waa silsilad 1970aadkii uu shiniyeeyey Khaliif Sheekh Maxamuud.  Waxaa la xaqiijiyey in Khaliif Carabaha joogay markii uu gabaygii ugu horeeyey mariyey.  Waxay ahayd silsilad dawladii Maxamed Siyaad mucaarad ku ahayd.  Waxaa soo galay rag dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen Dharbaaxo Jin, Cali Cilmi Afyare, Laba Go’le, Dheeg iyo kuwa kale.  Khaliif oo dhinac ah iyo intooda kale oo dhinaca kale ah ayey ku socotay, waxaase ugu cadcaddaa ragga Khaliif geed walba ka saaray Dharbaaxo Jin oo aad moodo inuu si gooni ah ubbada ugu biyeystay inaan Khaliif kala nabar dambayn.  Dharbaaxo Jin wuxuu gabay-hayeen u ahaa Soomaalida inteeda kale Khaliifna qoyskiisa.  Waxaa ku jiray abayadiisa midkood:

 

–  Mar unbaa mid lagu meelmariyo, maahir noo kiciye

–  Mar unbaan rag wada miigan iyo, miiddi soo bixine

–  Mar unbaan malkada CabudWaaq, Miig kusoo dagiye

 

Cabdi Galayax ayey intaasi si gooni ah u dhibtay oo jawaab ka bixiyey.  Wuxuu yidhi: 

 

–  Mar haddii malkada Cabudwaaq, miig cagaha saaro

–  Iyaba Qandala iyo Caluula, ciiddu wey gubane

–  Cidihiinu meeshey dagaan, yaa ka celin doona

 

Dharbaaxo Jin isna waxaa gabay gabayadiisa ka mid ah ku jiray tix middaa jawaab u ah:

 

–  Inkastood Colaad maamushood, wax is muhiimsiiso

–  Inkastood Kufriga Moosko iyo, Mililik soo raacdo

–  Inkastood hub magac weyn leh iyo, Miigba lagu siiyo

–  Inkastood magaalada Qandala, oohin kula meerto

–  Ma adaa Malkada CabduWaaq, Miig ku tagi doona

–  Saw inaan mataanaha ku jari, miimka kuma taalo

 

Khaliif wuxuu ugu dambayn dagaal ooge ka noqday Jabhaddii SSDF waxaana, gabyaagu waa afku leeblee,  sida Dharbaaxo Jin ku goodiyey, Laba Go’lena ku hubaaray lagu dilay degmada Galdogob dagaalkii Xabashida iyo Soomaalida ku dhexmaray.   

 

Waxaan si gaar ah uga helay sida Khaliif iyo Dharbaaxo Jin iyagoo isu jawaabaya ay haddana u kala  faanayaan ee uu midba ka kale gabay liita iyo beyd gaabnimo ugu tuhmayo.  Waxaa ka mid ahaa beydadkii ay isdhaafsadeen:

 

Khaliif

 

–  Nimankii aan la maansoon lahaa, mahayo maandhoowe
–  Hadduu Qaasim soo muri lahaa, kama masuugeene
–  Masalooyinkii Reer Gahayr, iima soo marine
–  Waxay dib ugu maageen talay, madal ku gaareene
 

 

Dharbaaxi Jin

 

–  Raggiise aan la maansoon lahaa, aakharo u meerye
–  Raagihii mudnaa iyo Qamaan, mawdki baa helay’e
–  Seyidkii murtida sheegi jirey, meel fog buu tegaye
–  Masalooyin Cali-Dhuux lahaa, iima soo marine
–  Ismaaciil Miriyo Cumar Dagaanan, kaga masuugeene
–  Mujiibtuba khasaaray ku tahay, badaw Majeerteene

 

OLAL REEMA

 

Silsiladdan waxaa 1979 furay nin lagu magacaabo Cali Banfis oo reer Hargaysa ah laakiin xilligaa Xamar joogay.  Waxaa soo galay rag badan oo laba dhinac kala ahaa oo ay ka mid ahaayeen Maxamuud Maxamed Fidhin, Yuusuf Colaad, Maxamed Gandaal, Cumar Fakad, Axmed Makayte, Maxamuud Dheeg, Bashiir, iyo kuwo kale.  Tusaale ahaan bal beydad ay is dhaafsadeen Banfis iyo Fakad aan kuusoo dhufto.

 

Banfis ayaa ku horeeyey oo wuxuu yidhi:

 

–  Goobtii Mandheeriyo halkii, gaadhka lagu toogtay

–  Saw buuralaydii aan galay, gacan libaax ma aha

–  Gariirshaha qalalan saw wadnaha, kaan u galay ma aha

–  Giddigiiba Daaroodku saw kaan, ganbiyey ma aha

 

Fakad ayaa la booday oo ku jawaabay:

 

–  Ma garaabayahow Eebahay, gooyey xadhigiisa

–  Guushaad ku faanayso iyo, goolka aad dhalisay

–  Asgari jeelka aad ugu gashayoo, gaadday saw ma aha

–  Saw laba nin ood gawracdayoo, gama’sanayd ma aha

–  Gashi aanu kugu yeelaniyo, godob xun saw ma aha

–  Geesaha markii aan kaa mareen, gaadhka kugu meershay

–  Saw buuralaydii aad gasheen, gacan libaax ma aha?…  

 

Waxaa ku noqday Banfis oo yidhi isagoo qoyskiisa la hadlaya: 

 

–  Dawladii aad tuurtaa nabsigu, kugu dilaayaaye

–  Walaalkaad lahayd nagu dar, eed igu dayuucaysay

–  Waa kaa dameer kaa dhigtaye, duudka kaa raraye

–  Dadkoo wada hayaamaaya baad, ugu dambaysaane

–  Duqdu waa shan madaxleey, haddaad dili karaysaane

–  Calaacalaha darandoorigii, duubka ka idleeye

–  Doqontaa Ilaah baa i baday, digigixoonayne

–  Marduufkaa laguu duubayaa, dunidii kaa reebye
–  Dabbaal iyo mirqaan lagu jiraa, door ma kaafiyo e

–  Magaaladu hadday durugto, waa daris qalaadeede 

–  Waar damqadoo kakaca meeshan unbaad, dalab ciyaartaane

 

Waxaa u jawaabay Yuusuf Colaad oo waxaa ka mid ahaa jawaabtiisii. 

 

–  Danbarkeeda maandeeq adaa, maalay darartiiye

–  Dibjirna waa ilaashaa ku qada, dibadihiisaaye

–  Dubai iyo Sucuudiga intaad, dollarka eryeysay

–  Waagii dilaacaba ragbaa, cadowgu dooxaaye

 

–  Waagii dad-weynuhu kacay, iyo doonistii calanka

–  Afartii kacaan ee dalka, ee is daba joogay

–  Dadkii lumay wixii duni burburay, amase dhiig daatay

–  Dubkay adag haddii aadan u hadlayn, ama is daaxuurin

–  Dagaalada halkaad kaga jirteen, maad dadka u sheegtid?

 

–  Inta kalaba daayoo halkan, aad dad ugu faanayso

–  Adigoo Riseef baa la dagay, dunida gaadhsiiyey

–  Doolaab cad adigoo xidhiyo, dun iyo weerkeeda

–  Nimanbaa Ilaahay u diray, dawladihii Yurub e

–  Dagta calanka Biixigii ku siday, waad la dirirteene  

–  Lixdan sano dib noo dhiga kuwii, doonayaad tahaye

–  Maantana diyaar waxaad u tihiin, saad u dumisaane

–  Allaaba waa difaac aad gasho, iyo dirirtii maandeeq e

–  Dabar iyo luggooyaad ku tahay, daa’inkaa abid e

 

–  Dumarkaa hinaasee nin rag ah, docosho wow u ceebe

–  Haddii hadalku kaa daaran yahay, madaxnimaan dooni

–  Ninba maalinbaa lagu dayaa, laguna daayaaye

–  Waadigii dilaalyahoow ka gaday, janankii Diigoole

–  Dibna inaan laguu aaminayn, gali dubaaqaaqa

 

–  Dalka lagaama xigo ee naftaad, dib u dhigaysaaye

–  Waxaad dooni waligaa rag uun, kuu dagaalamo e

–  Ood waliba dood iyo af-xumo, ugu daraysaane

–  Dalkii waan xoraynaye ragbaa, loogu dow galaye

–  Daba-dhilif sidaadaa Caloow, waa dareemada e

 

Magacu wuxuu ka raacay beydkii Makayte ee ahaa:

 

–  Ujeedada murtidu daaran tahay, waa in la arkaaye

–  Aqoonyahan waxaa loo ogaa, ubaxa Daaroode

–  Agafaaradii iyo hadday, adhi-jirtii heestay

–  Awr dabar la’aan dhacay libaax, aano waw yahaye

–  Ey waliba maansada hadduu, nagu ataagaayo (attack)

–  Olol Reema waa inaan tirshaa, uubo kala jeexe  

 

ERGO DAAROOD iyo  DURAAQSI

 

Horraantii 1980aadkii ayey ururo mucaarad ahi ku kaceen dowladii Maxamed Siyaad, jabhadihii gobonimo doonka

ahaa ee Soomaali Galbeedna dhaliileen siyaasadii arimaha dibada ee Jamhuuriyadda.  Arinbaa ku ciirtay, dabadeed

wuxuu is tusay in sidda kaliya ee ay dawladiisu ku badbaadi karto ay tahay in uu Soomaalida iska horkeeno oo uu

qolo iyo qoys u qeybiyo iskuna diro.

 

Goloyaashiisii ayaa abaabulay dicaayad ah in dowladu qoys tahay, dadka ku kacsanina qoysas kale yihiin.  Wuxuu

yidhi qoysyahow dawladda ah waa laysku kiin diray, waa laydin falay, waa laydin asmeeyey, oo idinka unbaa

duulaan laydinku yahay oo waad baabi’ doontaan.  Wuxuu haddaba isugu yeedhay abwaano dhawr ah oo inay

gabyaan amar ku siiyey, gabayadaa oo ay ku raad-goobayaan midnimada qooyskooda.   

 

Waa kaligii taliye iyo gaddiisiiye, wuxuu damcay inuu shacbiga Soomaaliyeed isku mashquuliyo oo uu dabadeed

isagu dhex ku bari noqdo.  Rag dhawr ah oo gabya ayaa arintaa ka maqsuuday oo gabayo badan tiriyey.  Gabayada

ay tiriyeen waxaa kamid ahaa saddex ay u kala bixiyeen Deyro Abwaan, Dood Nin Leh, iyo Durbaan Dhiilo.  Ergo

Daarood ayey wadajir ugu yeedheen gabayadaas.  Cajalad ayey  ku duubeen, dabadeed mashriq iyo maqribba u

duuflaaliyeen. 

 

Abwaan Cabdullaahi Dhoodaan oo mudo dheerba mucaarad ku ahaa dowladii Maxamed Siyaad, gabayo badan oo

cambaarayn ahna ooda kaga qaaday ayaa cajaladii loo geeyey isagoo jooga Diri Dhaba.  Haddaba halkaa ayuu

jawaab kasoo dalwiyey.  Gabaygiisii jawaabta ahaa wuxuu u bixiyey Duraaqsi.  Duraaqsi wuxuu Dhoodaan ula

jeedaa  dhibaato kale Soomaaliya kama jirto, xukunkii Maxamed Siyaad oo cantatabay dhinac uu u ciirsadana la’a,

Soomaali inuu isku habaabiyo oo uu jeesas yar yar iyo wax noocaas ah u qaybiyana rabba ma ahee.

 

Haddii aan halal kooban kuusoo qaddimo, waxaa ka mid ahaa Ergo Daarood:

 

–  Daarood Ismaaciil sidii, deero kala yaacye

–  Marre lagu dareershiyo falbaa, deegta loo sudhaye

–  Waryaa Daarood Ismaaciil aheey, durugtay ceebtiiye…

–  Falastiin halkii lagu dagaan, daaqad ka arkaaye

–  Iyaguba darxumaday qabaan, dar Alla ma ahayne

–  Dukaamadiyo beertii kolkii, daarti laga iibshay

–  Ee dalkiiba laga saaray bay, dibad u yaaceene

–  Yaa Daarood Ismaaciil aheey, durugtay ceebtiiye…

 

–  Haku darina diraceena go’ay, kaa dudada taagan

–  Intii laysku kiin diri lahaa, idinku daaweysta

–  Dubaaxdaad shisheeye u kadeen, siiya doqonkiina

–  Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye…

 

–  Nin rag ahi dudii kalama hadho, geel hadduu dido e

–  Anna dooda maansada tolkay, baan ku dumayaaye

–  Inuu daawo yeeshaan rabaa, ubadka Daarood e

–  Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye

 

Duraaqsaygii Dhoodaan ee Ergo Daarood jawaabta u ahaa waxaa ka mid ahaa beydadkan hoose.  Eeg sida hufan ee

uu u gawriyey.  Wuxuu ka dhawray qadaf, beyd dalab leh, iyo wax kasta oo anshaxa iyo dhadhanka gabayga dili

kara, islamarkaana wuxuu nimankii u raddiyey si aysan kasoo waaqsan karin.  Dhoodaan wuxuu isticmaalay fan

aad u heersareeya oo Afka Carabiga lagu yidhaahdo “Al Nafyu wal Ithbaat.”  oo ah inaad dooda lidkaagu soo

qaddimay ama xujaystay waxba kama jiraan kasoo qaado oo aad baabi’iso, dabadeed aad sida wax u jiraan ee

xaqiiqda ah sugto.  Bal u fiirso saddexda beyd ee ugu horeeya wuxuu kaga jawaabay afartan hoose.

 

–  Markuu didayo Daarood sidii, deeradiyo cawsha

–  Dhaqankiyo dabeecadu ma ridin, dayradaa culuse

–  Waxaan daayinkood horay u dhalan, yaa dorraad curiyay?

–  Diilintiyo maxaa gubad ka dhigay, dagaladii beesha? …

 

Shanta beyd ee xigta ee ay abwaaniinta kale Falastiin kaga hadleen wuxuu Dhoodaan kaga jawaabay 10 kan hoose. 

Jawiga siyaasiga ah ee dhabta ah ayuu hi saxar la’ u cabbiray dabadeed Falastiin xaal mariyey.

 

–  Soomaaliya intaynaan u dagin, teedi daakhiliga

–  Nimankiina darandooriyee, gabayga soo duubay

–  Falastiin gumaysigii dafaad, uga daraateene

 

–  Dalkan Yurub Israa’iil dajine, xoog duldhige Naato

–  Uma dixan-dixaysaan agow, waad ku digateene

–  War xoolaha damaankiyo, sidii qalab dukaan yaala

–  Danbiil lacaga iyo doolariyo dahab, ma gooyaane

–  Dhulkuna ma aha daaqada dhariyo, daas qof leeyahaye

–  Umadaa cayda loo diiqayaa, ma aha dawgoode

–  Ha iskana dulqaateen anaa, xaal degdega siine

 

Wuxuu si dhaxal gal ah u difaacay Soomaalida kale ee nimanka gabyey ku xadgudbeen.  Wuxuu leeyahay Soomaalinimo iyo dawlad loo siman yahay waatay joogtayee maxaa keenay in qoys sheekadu siddii shinbir malabtii ku gaaf wareegto.  Haddiise abwaan walba tol’ayey iyo qoyskiisa ka dhamaan waayo maxaad faa’iideen qabyaaladii unbaad kabo hor leh u galiseene.  Dubaaqiinu sidee arintaa u yeelay.

 

–  Dad Soomaliyaa wada lahaa, calanka dooga ahe

–  Maxaa keenay Daarood haday, dowladnimo joogtay?…

–  S-du haday dabbuur tahay, D-dana eega lagu doorsan

–  Soomaaliya dabeed lagu badalo, magacan Daarooda

–  Ma qabyaalad baa dami kolkaa, sow dallici mayso?…

 

Haddaan uba daayo dooda sida aad u dhigteen saw dullinimo ma aha in qoys kale kiina isku diro oo maylinka isugu

kiin dhiibo.  Bal doodaa liidatana eega ayuu leeyahay.

 

–  Dibindaabyadii laga cawdiyo, dawgalkiyo eeda

–  Markaan dayey ujeedada ku dahan, tiina dulucdeeda

–  Saw malihid Irrir baa isku dira, qoladan Daarooda?

–  Hadalka qaar diciif kaa dhigiyo, dawdar baa jira e!

 

Afarta beyd ee ugu dambeeya gabayada abwaanada kale wuxuu Dhoodaan kaga jawaabay dood ay ka mid ahayd

todobadan beyd ee hoose.

 

–  Xeradii dugsiya een lahayn, diga xajiimaysa

–  Ardaagood dab weyn ugu shiddiyo, dogob la soo jiiday

–  Haddaan neef libaax kaga dhex dilin, amaan col duubaynin

–  Sidee nimanka deydey lahow, geelba uga daatay?

 

–  Kolse haduu dilaamihii kacayo, sii dardaro bowdka 

–  War geelii dudada jeexayee, dibadaha u yaaca

–  Ninka soo dabaal yidhi miyaa, saamo dabo jiiday?

 

Aad kasta oo ay u furan tahay halabuurka inuu badda maansada ee la isku harqinayo is daadraaciyo, haddana waxay u badan tahay inay abwaanadu kolba say ugu kala ehelsanyihiin u jawaabaan.  Abwaanku wuxuu eegaa sababta iyo qiimaha gabayga, ninka tiriyey iyo culayskiisa, iyo ku habboonida waqtiga iyo waayaha uu ka hadlayo.  Sifooyinkaa iyo kuwa kalaba markii uu qanciyo ayey ama la qurux badnaataa inuu jawaabo ama ay la ahaan weydaa inuu dhexboodo.

 

Silsilad walba ragga isagu dhibidhacsada ayey la heer tahay oo ay aragtidooda iyo garaadkooda suugaaneed ka tarjuntaa.  Qofka suugaan aqoonta ahi markii uu arko gabayo isku xidhan oo isu jawaab ah, wuxuu markiiba garan karaa ragga ay ku haboon tahay inay ka qeyb qaataan isaga oo la kaashanaya kalasoociisa ku dhisan abwaan walba heerka uu ka gaadhay maleega iyo curinta gabayga. 

 

Waxaa dhacda in abwaan xiribo dheeri iskala weynaado ama ka faano inuu maansooyinka qaarkood ka jawaabo, ama laba maqlo magaciisa oo ku lammaansan hebelo kale oo aan la heer ahayn.  Tusaale, Cabdulaahi Dhoodaan ayaa isu quudhi waayey inuu u jawaabo Cali Banfis marar badan, Qamaan Bulxanna waa kii yidhi: “maansadu inay ugu baxduu, ii maxooliyiye” isagoo diidan inuu u falceliyo mid kale.

 

Maxamuud Cali Beenaleey ayaa jeer niman ay isku raas ahaayeen ku qoddeeyeen inuu Silsiladda Rayad ee aan kor kaga hadalnay uu mid ama laba gabay ku darsado.  Waxay yidhaahdeen war maad jawaabtid guul iyo gobonimaba waa adigaa raarta dhigtayee.  Maxamuud inkasta oo uusan dhaliilsanayn badanka ragga isu afceliyey haddana wuxu liiday mawduuca guud, gaar ahaanna dhawr nin ayuu guryo-noqosho ku tuhmayey.  Wuu ka dhaartay inuu laba isku xidho, wuxuuna xujaystay beydad gabay silsilad kale ku jiray kasoo jeeda.  Wuxuu yidhi Maxamuud:

 

–  Uma baran bahday iyo inaan, bi’iyo Daaroode

–  Shisheeyaha markaan baratanaan, badin aqaanaaye

 

Cabdullaahi Dhoodaan waa kii lahaa isagoo caddaynaya guud ahaan in gabay iyo geeraar ama gar iyo gorfayn kolba kay joogtaba qofka iyo aragtidiisa la isku astayn karo, si aan dhib badnayna loo odhan karo Allay lehe qawlkaasi qawlkii hebel waayahay:

 

–  Ardaal xun iyo ay-garad midduu, Eeba kaa dhigiba

–  Adduunkiyo arlada Eebahay, uumiyaha jooga

–  Rag iyo orri reer oday niniyo, ooga ku cirroole

–  Qof waliba ujeediyo markuu, hadal abbaaraayo

–  Aqligiiseey meel uga ekaan, odhaahtidiisuyee

 

Suugaanleydu markii ay hubiyaan in habka iyo hanaanka gabayga ka muuqda yahay kii hebel lagu yaqaanay, waxay isla dhex qaadaan hadalo xigasho ah iyagoo leh wuxuu yidhi sidaa iyo sidaa.  Raggu af-shaxanimada uma sinee ninbaa lagu aqoonsadaa  murti miid ah, hadal qafilan oo maahmaah, halqabsi, xus, iyo hummaag miidhan ah.  Mid kale ayaa lagu dhaliilaa beyd jaban, deelqaaf, hadal aan haboonayn, dood guracan, qodobka laga hadlayo oo uu dhinac ordo, garawsho xumo, indha-cadays iwm. 

 

Ninkaa dambe waxaa magac ugu baxaa beyd gaab iyo goray ciil, waxaana lala mataaniyaa macallin qoryaale iyo kitaab gaab aan Todobada Mingaliyo iyo Suddamada dhinacna u dhaafin.     Abshir Nuur Faarax (Bacadle) isagoo ninkaa u digaya ama tusaalaynaya waa kii lahaa: “mar haddaan lagaa xigan karayn, xaabo kaa noqoye.”  Wuxuu leeyahay xagal-daacada u diid maansadaada si jiilalka dambe magacaagu uga dhex yeedho.

 

Qamaan Bulxan isna waa kii labada geed kala booday Maxamed Fiin markii uu ku guuldaraystay inuu arko

hadafka iyo habboonaanta maansada Maxamed.  Wuxuu jeclaa Qamaan inaan Cali Dhuux iyo isaga la dhex marin,

gabaygan uu Maxamed ugu jawaabayna wuxuu arkayey inuu kaga haboonaan lahaa inuu Cali jawaab u noqdo

marka uu mid kale soo celiyo.  Wuxuu yidhi Qamaan isagoo gabay malagii galay ka dhigay kii Maxamed:

 

–  Hadalka waad gaftaye Maxamedow, kuuma soo geline

–  Sow magani tii gaabsateen, gabay lahayn ma aha?

–  Geeraarka iyo faanku saw, Guba la xeer ma aha…

–  Gam inaad tidhaahdaan damcoon, Cali garaaxaaye

–  Naagtii ganbada taabatee, gacanta loo maydhay

–  Ee galisay meeshii haddana, gabaygu sow ma aha?

 

Waxaa dooda Qamaan ka mid ahaa oo arimaha gundhaca gabaygiisa u noqday ku jiray tixdan hoose:

 

–  Labadeenna gobol xaajadeer, la isku guubaabshay

–  Haddaydaan guddiyin oo ciyow, gunno la noo keennin

–  Wallee inaan tix laysugu go’oon, gaagna hadhin sheegi

 

Nasiib xumo tixdaa uu balan qaaday wakhtigu kuma simin inuu na soo gaadhsiiyo oo isaga oo aan wali tirin ayey tii Alla u timid.

 

Cabdi Iidaan gabyaa la odhan jiray oo ay dawladii Maxamed Siyaad ka dhex hadlayso ayaa gabayo isaga iyo niman kale u direen Cabdullaahi Dhoodaan.  Gabay jawaabihii Dhoodaan ka mid ah beydad ku jiray ayaan tusaale ahaan usoo qaadanayaa.  Waxaan aad uga helay sida hufan ee Dhoodaan u dhaliilay garaadka Cabdi Iidaan iyo gabayga kasoo yeedhayba. 

 

Afarta beyd ee ugu horeeya ra’yi gaabni uu ku matalay qarandidii dayax 15aad ah bil kow mooday ayuu kasoo

qaaday.  Afarta xigta rag qosol been ah maqashiinaya hoosna ka minja xaabinaya, doqon qufacday wixii asiibayna

garaad ay ku qiyaasto aan lahayn, qof qanaaco xumo iyo quus yaraan wax walba seejisay ayuu ku sifeeyey. 

Wuxuu xidhmadaa kusoo afjaray inuusan isaguba qummanayn haddii uu la yaabo ninka noocaa ku sifoobay. 

 

Shanta beyd ee ugu dambeeya wuxuu Dhoodaan ku qeexayaa in aanu la caytamaynin, ee uu ilaalin doono anshaxa iyo asluubta gabayga, inuu iskala weyn yahay oo uusan la qasan doonin laba nin oo isqabatana aysan ahayn.  Bal u fiirso sida hufan ee isaga oo aan caraatamin uu digada uga dhigay nimankii gabayga soo dhoofiyey.   

–  Gudcur qammah habaynkoo qafillan, qeybta fiidnimada–  Iyadoo bil sii quluulatayoo, qiro yar moodaysa–  Sida Qarandidii kow dheh tidhi, qammar caways kaahay–  Qof la mid ah horaan ugu qadaray, ma aha qaangaadhe 

–  Ragga qoodan ee kaa u qoslina, ugu qalaalaayo–  Doqontaa qufici een aqoon, meeshii lagu qoomay–  Ma qanciyo wax kama quustahaa, qaayo kale seegay–  Ma qummani qudhayduba haddaan, kaa qallooc bida’e 

–  Qolqol laga caytamo sidii, qaafadii dumarka–  Wax la qaab ah qoonkii shubaa, ima quseeyaane–  Af-qadoodi jaariga baraan, weedhuu qaayibine–  Ka qab weyni oo lama qastee, waaban quudhsadaye–  Isma qabano iimana qalmaan, oo ma qayrsado’eGuntii iyo gabagabadii, gabayada silsiladda ah waxaa la odhan karaa waxay ku leeyihiin suugaanta door muhiim ah

oo aan dhaliilsi ogolayn.  Halqabsi iyo odhaahyo badan oo maanta bulshada dhexdeeda caan ku ah ayaa waxay ka

baxeen gabayo taxane ah. 

 

Maansada silsiladda ahi waa kuwa loogu dhagaysi iyo xiisaba badan yahay.  Waxay suugaanleydu ku mashquulaan

oo ay in badan xiskooda ku gedgediyaan baratansiinta abwaanada isu jawaabay.  Waxay ku faanaan hebelada ay ku

aragtida yihiin mawqifkoodana u dooday, kuwa kasoo horjeedayna dhaliilo ayey huwiyaan.  Waxay bulsho weyntu

goloyaasha kaga haasaawaan hebelo waqti hore isdhaafsaday xikmad qaali ah. 

 

 

Ninka gabay dhaadhiga ah iyo inta dhexdhexaadka ah wadar ahaanba waxay si hagar la’aan ah ugu raaxaystaan

qardoofaha gabayga iyo qodobada aan kala dhicin ee la is weydaarsaday.  Guud ahaan iyo gaar ahaanba, gabayga

silsiladda ahi wuxuu udub dhexaad u yahay, una ahaan doonaa  guyaal badan oo iman doona suugaanta Soomaaliyeed.

Recommend to friends
  • gplus
  • pinterest

About the Author

Leave a comment