Gabayada Raage Ugaas Warfaa  waxaa ka mid ah gabaygan tixdan hoose aan ka hayno.  Wuxuu Raage gabaygan ka tiriyey geeridii xaaskiisii uu aadka u jeclaa, Xaddiyo Nuur Yey oo libaax qaaday iyadoo habayn madow soo dheelmad ah.  Waa gabay baroordiiq iyo weyneyn isugu jira oo ina dareensiinaya qiimaha ay afadu ninka agtiisa ka lahayd.  Wuxuu yidhi:

  • Sida koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ah
  • Ama geel ka reeb ah oo nirgaha, laga ka xaynaayo
  • Ama beelo keynaan ah, oo kor u hayaamaaya
  • Ama ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafay
  • Ama habar kurkii iyo wadnaha, lagaga kaw siiyey
  • Ama kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhaal yaabis
  • Shinni kaaluf galay ama siddii, koronkoroo oomi
  • Xalay kololo’aygii ma ladin, kaamil reeruhuye
  • Kunbulkiyo ardaagii miyaa, laygu kaliyeeyay?
  • Wixii laygu kuunyeeyay miyaa, igu karaamoobay?
  • Kunbiskii miyaa layga qubay, kolayo ii buuxay?
  • Maantana kataantii miyaa, layga kala qaaday?
  • Kob abaar ah oo dhexe miyaa, koore ila meeray?
  • Kub miyaan ka jabay biixiyaan, kabayo loo haynin?

Soo dhamaystir.