Cabdullaahi Dhoodaan                                                        Maxamed Cumar Dage
– Nabi Muxamed baa loo jeclaa, jaah mar la arkaaye (csw)

– Isagana waxaa lagu jirabay, inuu jihaadaaye

– Idinkuna xornimo saa jirtaad, jiif ka damacdeene

 

– Darxurmoode nimankii fadhiyay, darar Nugaaleed e

– Demeni iyo baqdini waa miday, dir u lahaayeene

– Dulligaad Dhulbahantoow qabtaan, Doyna laga sheegye

 

–  Dogob iyo gidaar kugu dummiyo, daad ku jiidanaya

–  Naftu waxa dardarayoo dhan bay, dhaax ka durugtaaye

Ka huleeshe Howdkii sarriyo, haatan Caynaba e

– Nimaan Habar Jecliyo Muusayoow, uga hagaagaynin

– Inuu dhoodi hoos ugu dhacoo, haniyo weeyaane

 

– Naftu inay maqnaatiyo inay, mahad ku noolaato

– Maaweelis  weeyaan haddii, mid u dhexeeyaaye

 

 

– Nafta hura iyadoo hadheey, hibasho reebtaaye

– Haddii kale huluulaha ku jira, habi la’aantiine

 

– Wallee in ayna laakiin ahayn, laydha socotaaye

– Libin baa dhow ruuxii jihaad, laabta ku hayoowe

– Doolaabta naagaha xidhiyo, duubcadiyo weerka

– Agoomaha ilamada duugagyiyo, dumarka booyaaya

– Kama diilalyoodaan kuway, duray wadaageene

– Allaa dilay nin aan diin lahayn, oo dariiqo ahe

 

– War duudkaaga ceeb saaran iyo, diilintiyo jaaha

– Waxaaba kaaga duug roon adoo, meyd dafuufanahe

– Inkasta ood difaacdo oo warmaha, lagu daaduunsho

– Siday kuu damqaan nabaradaa, diifta kugu reebay

– Isagab dilkaagaa u dhibiyo, dakaharadaadiiye

– Baqaa door ah hay odhan Cabdiyoow, waa dameernimo e

 

 

Shaybiyo haddaan la layn, Ina Shiraha Jaamac

– Haddaan shaqabka Col-ujoog ka tagay, loogu shalow siinin

– Aararsame shafkii ma aha iyo, shaanki reer boqore

– Hanna sheegannina waxaydin dhalay, baliyo shaydaane

 

– Halgan dhaawac loogama hakado, dhimasho yeelkeede

 

Dab nin kaliya oo shida miyaa, duulka laga waayey?
– Faan iyo bilaash kuma lug go’o, fulayna yeelkiiye

 

– Raas weyn Ilaahow ka yeel, raacday foolxumo e
– Warankaagu ruuxuusan mudin, weedh la marin waaye

 

 

– Dhulka laguma soo koobi karo, socod dharaareede

– Nin afkayga dhawrow adaa, dhibay naftaadiiye

 

– Soomaalina macnaa lagu yaqaan, meel ay joogtaba e

– Oo waa hiddaha noo macaan, malab siddiisiiye

– Mar kastana ma moogaano ee, wuu naga dhex muuqdaaye

 

– Warsangali u mari yaan Hartiga, gabalkii moogaane

– Majeerteen u sheeg xaajadaa, waa mashaqo weyne

– Maxamuud Saleebaan u mari, madaxyo weyntiisa

– Bal inay dhagliga meeriyaan, aad u maqashiiya

 

– Waraabaha ku ruugaaya iyo, aar ku raamsanaya

– Sidday kuugu kala roon yihiin, maad u kala reebtid

– Ninkii rodolna miisaama ee, kiilo raajiciya

– Ee raasamaalkuu helaa, rubuc ka hooseeyo

– Xisaabtaa inuu dib u rogrogo, sow ra’yigu ma aha

– Jilaal abaaraad hadduu, adhigu kaa liico

– Ama khoof diraaceed haddii, lagugu aaheeyo

– Ogaadaay ayaamaha gu’ baa la irkan doonaaye

 

—————————————————

– Aabiga markay ula tageen, ururta Caynaanshe

– Anshigay Gunbuur u edbiyeen, ma u ekaysiiyey

 

– Waxaa murugo iyo qoomamiyo, maanqashiyo ciil leh

– Maskax iyo garaad iyo wixii, muruqba kaa liita

– Markuu adiga sharaftaad mudnayd, kaa maroorsado e

 

– Allay lehe bagaa laysu dilay, Daahiroow sabanka

– Xidid loo daryeeliyo bagaa, darajo loo waayey

– Dagaal aan qarsoonayn bagaa, loogu kala duugay

– Bagaa Dir iyo Daroodba, qiiqu uga duulay

 

– Fadhato u shaqaysaye maxaad, adigu faa’iiday (ama)

– Hooyadii figeeyoow maxaad, adigu faa’iiday

 

– Ooftuu dhigay Ciida Gale, sidii ugaadheede

– Siddii aaran geeloo dideey, ooda jabiyeene

– Mar hadday indhaha jeediyaan, orod ma daayaane

– Mataankaagii ood xaasidaa, murugaday keento

– Carabtii midowdaa og iyo, kii macooda ahe

– Masarba waa wixii lagu qabsaday, gacal la moohaaye

 

– Askar amar ka diidaa kornayl, waa Allow sahale

– Uubuu galaa inan-gumeed, ururta laa caaye

– Aflagaado waa loo dhintaa, eeqo duul gob ehe

 

– Nimankaa siddii dibi lix jir ah, luquntu waynaatay

– Laanjaha markay fuulayaan, lugo ku rooroora

– Barwaaqada intay leefayaan, luusa garawgiina

– Intay labanka daaranahayaan, lebi ku gaajooda

– Iyagaa sariir leexsadee, luumiyaha seexda

– Lafta dhabar siday uga jabaan, laaca waligiinba

– Libaaxdaa koraysaan nahaye, hayna loogina e

– Waagaad laxaadaysataan, lowga kala fiiqa

– War ha u liicinaay Xabashi, waan lagatamaynaaye

 

– Ingiriis ka soo carar hadduu, Cadan ku fiicnaaye

– Cishriin lag baa laga dilloo calankii, soo duubye

– Wuxuu ciidan iyo xoog lahaa, ceejiyaa helaye

– London kuma caweeyaan kobtay, cudud u yiileene

———————————————————–– – Ciqaabna ha kayaabina haddii, Diinta la cusleeyo

———————————————————–

– Bal muxuu asiib baa wadee, Arabna doonaayey?

– Danbaaburiyo gaaraabidhaan, fiid is daba yaacay

– Danbas iyo wax nool kay yihiin, daa’imaan garane

– Dab iyo qiiqna waan kala aqaan, saa duqbaan ahaye

 

– War waa laysku soo raran yahee, hoos ha ii ridine

– Inta reerka lay isugu imaan, haygu rogin Faafan

 

– Makaahiilna jeerbaan ahaa, mini Abraahiine

– Ina Macallin baa la i yidhaa, nin u muraad loo

 

Rabboo caynsha mooyee ninkaa, saanad lagu ciirye

 

– Daaqiyo dulaha ceelashiyo, doogga iyo rayska

– Wax kuu diidan oo durug leh, oo dibadda kuu saari

– Waxa kaaga daran eed ogtahay, eed la dirirayso

 

Xarbi Ismaaciil Samatar

Kolkii curaddadiisii la jaray, ees cidla istaagay

Cali Dhuuxba daya eega wuu, soo calaacalaye

– Cabdi Gaab caruurtaadii laa, cududna kaa roone

– Maxay caydu kuu qaban kartaa, waad calyocalyeyne?

 

– Qof walaalkii gaday meel shishaa, laga ganaaxaaye

– Gacal uu xigaalkood hagraday, gocosho dayn waaye

 

Maxamuud Cali Beenaleey
– Doqontiyo intuu ruux damani, noo qabsado daalac

– Danbigooda yey nagu dacweyn, garasho deelqaafe

 

– Dadba haybso mooyee ayaan, sii hundo ogaanin

– Hebaloow ma nabadbaa ayaan, horay u weydaaran

 

– Dhay baan lisaayee haddaan, dhoobo qodayaaye

– Dhalinyaradii rooraysay baan, dhaca odhan geele

– Labadii is dhuun goyn lahayd, waa isugu dhiibe

 

– Luqmo dheerahaan helay hadday, laqanyo kaa hayso

– Anigguba markaan kaa lalmaday, iima loodsamine

– Lubigii walaalnimo ninkii, laalay baad tahaye

– Gablan lexo-jecloy waa wiixii, lumiyey Ayjeexe

 

– Ku danqaday mid kibir diidsanaa, wuu la diriraaye

 

– Nin i xooray maantaan xumaa, aniga oo xaas ah

– Ku xiltiray xanaano iyo wanaag, aniga oo xoog leh

 

– Dadkayagu kadaab uma badniyo, reer ma kaadsade e

– Cilmi korodhsadkiisiyo xikmadi, naguma koobnayne

– Maskaxdu kaamil inay noo tahay, kumaan hayeen qaare

 

– Uma baran bahdey iyo inaan, bi’iyo Daaroode

– Shisheeyaha kolkaan baratanaan, badin aqaanaaye

– Marsada uu cadaawuhu degee, lagu malaynaayo

– Ilaalada ku meermeeriya oo, ha iska miriqshaanto

– Shanqadhooda goortii mugdi ah, maala dhagihiina

– Maalintiina muuq iyo bidhaan, milicsadoo eega

– Mutux yuu ahaan kiinuye, waa inaad magoogtaane

– Ragna maqaalufaa toosisee, mihindis foolaada

– Ismaan raaca towfiiqdu waa, lagama maarmaane

 

– Laba’ caanaheed iyo anoo, labanka fuudaaya

– Wiilal baa i looyaamiyoo, ii lalabay fiide

– Libinna yaana geyninee haaddaan, kaa lug baxo maanta

– Walee aniga oo ladan Buslooy, kuguma soo laabto

– Qamaan iyo siday sheegayaan, qodobadii Raage

– Qofka cune qadaadkiyo la raba, gawrac luquntiisa

– Mindiduu qoobka kula soo baxaan, qoorta kaga goyne

 

– Indha-badane nimankii lahaa, ududsan maayaane

– Waxaa geela aanaysan jiray, ubaxa Daarood e

– Kolkii horeba kuma aaddanayn, adhi-fadh Iidoore

– Ri isnuugtay meel uga ekaa, nin is amaanaaye

 

– Afloow nimuu jidhxaayiyo nimuu, ubadkii weer laayey

– Iyo nimuu aboor xaganayaa, uurkutaalo lehe

– Damiin macalinkiisiyo isagii, ha is dacweeyeene

– Ninba dawgu leeyahay kolkii, dooda aan u dhawro

– Ardaygii da’ loo yeedhiyee, diminta miim saaray

– Kol hadduu tacliin doonayayoo, deel xafidi waayey

– Garta haddaan la daahayn isaga, saw danbigu ma aha

 

– Nafyahay baxaysaay intaan, adiga kuu booyi

– Baasahaa dhacaayiyo haddaan, baajin karo mowdka

– Teydaan bilaad laga koriyo, gelin lahaa buure

– Daabaana qaadka ay matali, dowlada Af-weyne

– Ogaadeen damiin kama dhigtee, yow dirsaday howsha

 

– Beentiyo runtuba waa dhaw bay, kala baxaayaane

– Aan baxnaansho xaajada halkii, badhida loo saaro

– Tukashada iblays kaa duwiyo, toobadkeenimadu

– Ma taqaanid mooyee ileen, kheyr ma tabantaabsho

 

Sayid Maxamed Cabdille Xasan
– Heeryada ninkii kugu raree, hoygii kaa bixiyey

– Iyo kii ku hoosaasiyaa, waa isla halkiiye

– War how kala habaynina dagaal, haayirkiyo tuuga

 

– Allahayoow Ferenjigii muxuu, nacas fariideeyey

– Faa’iido laawiyo muxuu nin ragga, feyl ka wada yeedhshay

– Nimaan aabihiis fuuli jirin, faras muxuu saaray

 

– Duunyada ragii kaa dhacaye, dowrshay xeradaada

– Ogoow daalinkaad aamintay baa, kaaga sii darane

 

– Naakhuudayaal iyo kufraad, nabiyo moodeene

– Nacaluhu kuwuu fuulay baad, daba nashlaysaane

– Nasab haddii aad tihiin gaaladaad, nici lahaydeene

 

– Soomalidu ma kala daah adkayn, deyro iyo deeq

– Diif hadduu badh qabo reer ma jiro, darayo beelaaye

– Inta qaar la daayacay miyaa, gobol la baardaajay

 

– Ninkaad dilli, ninkaad dagi, ninkaad dabin u qoolaysid

– Waa laysu kala daadiyaa, yuunu kaa didine

– Maroodiga hurdaa geedka, uu jiifo hadhaciisa

– Hiyigiisu daaq buu jeclaa, taana hidin waaye

– Hanqaloocsay oo gaadhi waa, xiid haraadanuye

– Kaasaay Hangaralihii dhulkiyo, Habasna laaceene

 

– Mustaqiimnimaa loo hadlaa, muranku waa ceebe

– Nin waliba maroor iyo qasiyo, muran haduu keeno

– Goortii markhaatigu dhacaa, mowdku ka adeegi

Muxumed Yuusuf Xasan

(Gabay Howle)

– Wax walba wow huraayaa ninkii, ii walaal noqone

 

– Wax badan baan hoggaankiyo jeclayn, inuu

hagaagaaye

– Waynaan helaynine Xirsuu, kaga habboonaaye

– Hayin nimuu ka jiifsaday wax uun, hilayga saarsaarye

– Faratoon aan haaramannee, inaga heeryeeya

 

– Danbiguu falaayaa Uweys, loogu dowgalaye

– Candho dogoble goortaan dillaa, roobku noo da’aye

—————————————————-

 

– Rabboo ku caynshiyo anoo ku cafa mooyaane

– Walee caafimaad uma fadhidid, Caliyoow Buuhoodle

– Oo caadhkii weynaa gabdhihii, ku catiraynmaysid

 

Raage Ugaas Warfaa – Cidlaa laga kaxaystaye miyaa, cudud la ii sheegtay

 

– Aboodigu ma lalo garab hadduu, iin ku leeyahaye

– Orod uma holodo ooglihii, adhaxda beelaaye

– Sargaalka iyo Hindiga waa dilaan, uma sujuudaane

– Surkana waa ka gooyaan dadkii, saaxirka ahaaye

– Soomaalidii uma turaan, saaruqa ahayde

 

– Bus xagaa ah jiilaal baryaday, qaranka oo biifay

– Barqin doog leh nayluhu gugay, banana rooraane

– Lag baruur leh bowdiyo shanshiyo, badhi hadduu waayo

– Baraar habartii loog kama furtoo, gowrac kama baajo

 

– Ha lays dilo dagaal waxaan ahayn, daawo lagu waaye

—————————————————

– Haddaan lays jikaarayn dunida, jeex anaa rogaye

– Baajiri jarkeed waa bukurin, laba bikuuroode

– Binjaday lahayd saan hadday, ugu bilkaynayso

– Buluskii biyaha ceel ma sido, mana baqool daayo

 

– Odayaal gaboobaa marbay, gaban ahaayeene

– Guxushaaga aan kicin marbuu, gaananaan jiraye

– Nimaan guuyo abid yeelan baa, geelal foofsada e

 

– Geeluba ugaasoow hadduu, ayda miranaayo

– Abeerkiisa naaxiyo hadduu, aaranku is waayo

– Isaguba ma kala aamusee, waysu ololaaye

– Haddaan ina adeereey ku idhi, sowma urugootid

 

– Cudud ma leh col kula weerar gala, ciidan iyo xooge

– Inkastey cid kuu soo diraan, waa cidloo kale

– Caloosha iyo madaxay sidii, dumar cantuugaane

– Maandhoow cayaayirka iga daa, Carabi waa naage

 

– Rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin, talo lagaa reebay

– Meel aan lagaa rabin indhaha, lalama sii raaco

– Layskuma ridaan rido haddaan, ruuxu ku arkaynin

 

– Haddii madal la waco uunku, waa nin iyo maankiiye

– Nin waliba waxaan madarta qaban, meel is kala taagye

– Mid baa ma aha odhan oo runtaa, mowdku ka adeegi!

 

– Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil, qaran ku waydaaye

– Qaabiilba Haabiil intuu, qoonsaduu dilaye

– Qar ha dumo qiyaamana ha dhaco, qoysna yuu hadhine

– Qacda waaga labadeena qolo, ha isu qaateene

– Walee Faarax qooqaan ku dilay, qoomamayn mahayo!

 

– Ma cirkaa la gayn oo dhulkaa, laga gawdiidsan

– Geydhooy maraakiib miyaa, gurada loo saari

– Aakhiro raggii tagay haddaan, Eebe ka aqoodo

– Ina adhi jireed iyo nimaan, habartii awr goynin

– Sow waxaan iloobaba nin xumi, ima ogeysiiyo

– Ninka yidhi wax baan gani anoo, Gol iyo Cayn jooga

– Ee yidhi badii Garacad baan, gudub u weydaarin

– Godka lagu cadaabyow muxuu, go’uhu been sheegay

 

Qamaan Bulxan Yuusuf

– Waxaad aadamoow maagan tahay, adiyo maankaagu

– Iyo meel Ilaahay ku marin, kala mid weeyaane

 

– Mar haddaan wadaad aayad diin, ila ekeynaynin

– Ama aan aniga lay odhan karayn, tanu ahaan mayso

– Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubeysta

 

– Cawl baa midgaan soo gasbaday, jeer gabraar tagaye

– Isagoon wax lagu gowraciyo, gowdhisaba haysan

– Golxobtiyo lawaa tooriday, Gurey ku noolayde

– Jeenay gabsiisoo markaa, qodatay garaaye

– Adiguna gaddii baa tahoo, ways gunaanadiye

 

Kumaa yidhi intanna?– Lacagtaan maqdarad geynayee, magac ku doonaayo

– Alla magane maan hooyaday, maro u soo siiyo

 

– Waxaad adigu miihaalatiyo, malaba waa beene

– Waxaad mooday mowd baa sokada, kaaga soo maraye

 

Maxamuud  Axmed Cali (Bidhiidh)
– Baadida ninbaa kula daydaya, daalna kaa badane

– Oon doonihayn inaad heshana, daa’in abidkaaye

– Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne

– Dala malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayeye

 

– Haddaan dhimano geeridu kolbay, nolosha dhaantaaye

– Dhaqashiyo marbay kaa yihiin, dharagtu xaaraane

– Rag dharbaaxo quudheed dugsaday, dhaqayadeed maalye

– Dhashaadeey sugtaa xaajadaad, dhawrataa abide

– Fara waa Daraawiish waxay, falina waa khayre

– Kun fuusha oo dab lihi waa qabiil, laga fogaadaaye

– Sayidkoon fasixin geel ninkii, foofiyaa dagane

– Tar qabaale duulkii qaldamay, kugu qasaarowye

– Wixii jeer ku qaabilay gadaal, kuu qadarin waaye

– Muslinow bal maqal xaajadaas, layku malaq siiyay

————————————————————-

– Sune kama ansaxo nimuu, tagay faralkii saaraaye

– Isku qayrna ma ahayn dadkuyu, gaal qasaa yimide

– Kolkuu inan-gumeedkii qoslaa, gobi qamuunyoone

– Quwaddiyo markii uu dhisnaa, xoogga qarankaygu

– Qormo nalama soo yeelin jirin, duul qayuucsanuye

– Qaskaan hilibka kaa siin jiriyo, qalanbi xaabxaabe

 

– Waxaan heli waxaan haaban karo, iyo waxaan haysto

– Hiyiguba wuxuu doonayaa, inaan hibeeyaaye

– Iyagaa intay hilib qashaan, heesi dabataale

– Oo ku hilbo qaybsada waxay, hor Alla gaysteene

– Ma Hartaynu nahay soorta, maad hadal la’aan dhiibtid?

 

– Qeylyahow haddana qeylku dhalay, ee qurjiga dheer leh

– Addunbaa noo qeyshadaye, waan ku quudhsadaye

– Ingiriis markaan quusinaan, qoorta kaa xidhiye

– Qisaas maalintaan kuu dabrado, qabasho waa duufe

– Sidii maganta jeerkii Qardhood, yaad qanbiyi dhaaxe

– Awalbaad qaraabana gabtiyo, Reer Qandhicileeye

– Qunyar kaadso oo dhawr sidaan, kuu qabiran doona

 

– Daabaca ninkii kugu dhuftee, daabna kuu celiyey

– Iyo kii duleedshaay ku yidhi, wax isma doorshaane

 

– Qudhaanjaa u yaroo meel hadday, kugu qaniinayso

– Qaarkeed ayaantaa hurdada, kaaba qadiyaaye

– Kolkolbaa qaniinyada duqsiga, lala qayuucaaye

 

– Sad u dhigo Isaaqow nabsigu, kaama soomana e

– Soofkana badh celi waan arkaa, saad u gaal laliye

Maxamed Macallin

– Nin indhala’ mid kale oo indhala’, oon waxba arkaynin

– Ileen oodda kama leexiyoo, hilin ma aadsiiyo

______________________________________________

Haddii timaha Daarood wax uun, igu tabiineeyo

– Amay tuugooda uun iga dhacshaan, toobinka i saaray

– Wallee tuuryo kaagama hadheen, daba tuxaalow e

– Tollaahaan ku dhaartaye inaad, tagi lahayd Xeebe

 

– Hadii aad inaad taajir tahay, tuhunto uurkaaga

– Toodowga xoolaha ninbaa, tulud ku sii dheere

– Walee inna raggow talo aduun, taada uun ma aha

 

Maax Dhagoole

– Ummul daahatoo meel daycan, daba fadhiistooyin

– Jeerey mandheeraha dubtaan, kama dareerooyiin

 

– Nimay qaaxo feedhaha gashoo, malaxi gaashaysay

– Gux hadii u dhaho maydhaqaan, gocosho daynaynaye

– Wad gudoonsay saadkana ninkaa, guraya weeyaane

– Aniguna gaddii baan ahee, gogosha hay gaynin

Ducaale Dheere

– Siddeeddii cishaba waa intii, sahanku laalnaaye

– Waa soo sidnaa xeedhyihii, saabka loo tolaye

– Iidoor sal fududaa wuxuu, sugayo muu dhawro

 

Naagtii ganbada taabatee, gacanta loo maydhay

– Ee galisay meeshii haddana, gabaygu sow ma aha?

Ismaaciil Xayd Xirsi

– Eeboow geyiga Aakhariyo, dunida guudkeeda

– Mid unbay galladi noo ahayd, inaad na geysaaye

– Goodaaddo dhexe waa halkaan, galabta joogaaye

Cali Odey Kuluc Cali Wacays
– Gadhka xiira gaashaandhig bay, gobi u aydaaye

– Geerida ha diidina ninkii, go’ana yeelkiisa

– Girigirada naaguhuna yey, idin galiilyeynin

– War guntada Ilaahbow garnaqa, gaal iyo Islaane

– Warmihiina ganna goor dhaw bay, gooshii soo celine

 

– Nin kuu xigga naxliga kuu galaa, nudiga kaa gooye

– Mar haddaanan naaskii walaal, idinla nuugaynin

– Nuugaalna aan u kacee Reer Xirsow, nacay agtiiniiy

 

– Lix meeshaad ku joogtaan dagaal, laabta ka ogaada

– Haddii luqunta kore laydin jaro, lugaha meermeersha

– Luxdanaanta kama soo hadhee, laliya duulaanka

– Lalabaha sidaad ugu waddaan, laba jibaar geeya

 

– Kismaayo iyo Luuq waxay jiraan, laba kabaal qaade

– Kalyo nimaan lahaynbaan u kicin, kalligii meel dheere

– Allahayow kacaamaye lugaha, hayga kala reebin

 

Khaliif Aw-Axmed

– Ogaadeen dal dheer iyo wuxuu, wabiga daanshoodo

– Hadduu dirir xigaalkii og yahay, igama daaheene

– Damta iyo dinnaaqada horruu, kaa dul dhacayaaye

– Haddii dalandal kaa fiigo, waa dooxanahayaaye

 

Faarax Muxumed Xirsi

– Haddaan marada dacalkeeda iyo, deysto gacantayda

– Oo anan la degin Reer Ugaas, kama duwnaadeene

– Dabadaalis laygama dhigteen, waan u daadsadaye

-Waryaadhaay billaa laguma degin, dabinkan saynsaaban

– Oo yaa aniga dabadey ku dhicin, webi duraabaaye

– Dadba yaa u noolaan Xaashi oo, la isuku soo daayey

Cabdullaahi Badel Cabdi  

Xuseen Hudle

– Shanta qaaradood waxaa ka riday, qayladiyo buuqa

– Waxaa qamarka guudiyo hawada, qaraxa loo saaray

– Waa quud nin haystiyo mid raba, inuu ka qaataaye

– Ama qaab uu gumaytuhu bartiyo, waa qoqoba riixe

 

– Haddaadse ciil ka bixi Xaajigii, kama cadhooteene

– Ciyaar sow shalay looma dilin, curaddadiinii dheh

– Laba Axad wax kala gaadhay, bow kala ufootaane

– Kamana uur gubyootaan wixii, geesi iil galaye

– Aqligiyo Soomaaliyeey, waaya-arageenu

– Aqoontiyo garaadkeenu, sow eber ma soo dhaafo

 

Cali Dhuux Aadan– Gunbaan ahay ganbo-cad baygu xidhan, iyo gar naagoode

– Gaashaantimaha sidoodoo kalaan, guur u sugayaaye

– Aniga iyo hablaha loo galmoodo, waan gudboonahaye

– Jeer oon ganboolka iska rido, guudka iga saaran

– Ogaadeenka noo soo gabyoow, waa gar xaajaduye

 

Murriya Cali Ibraahim– Waa karaahi Cali Aadan oo, waayay laba koobe

– Kalwin maayo haasaawahoo, ways kanbalayaaye

– Kurka intuusan seef igaga jarin, aan u kululeeyo

————————————————————-Maxamuud Tanaade

– Waligey gadhoodh adhi ma dhamin, umana gaajoone

– Caanaha Gobbaad baan aqaan, inaan gobsheystaaye

– Kac u geeya wixii gaaden jirey, wayga garanuuge

————————————————————-

Maxamuud Cabdullahi Ciise (Singub)

– Madaxdii Afrikaay,  Mabda’a gumeysigu
– Magacood be’ wuxuu yahay, Wanka macasha ii qabo
– Adigu gawrac ii mari,   Dhiiggana aan muudsado

Aniguba gankaasaan ahoo, way gablamiyeene

Gadhcaddiyo Casayrow maxaa, reer la guban waayey

Giddigood Ogaadeen maxaa loo, gondoli waayey

Gaar ahaan Abraahiin maxaa, loo ganbiyi waayey

————————————————————

– Anigaba cidlaa looga tagay, curadadaydiiye

– Ragga cudduda weyn liyo, haddaan Caliyo soo waayey

– Cabdi Gaabku iigama dareen, Cumar Abraahiine

————————————————————

– Cad hadduu carada kaaga dhaco, amase ciidoobo

– Caqli nimuu ku weyn yahay ma cuno, calafka qaarkiise

– Anigana caruuraha yaryari, waa iga caynkaase

– Maxaan Aadan Carab kala hadlaa, caaqil baan ahaye

Ismaaciil Mire

– Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado

 

Aw-Yuusuf Barre– Isu gaadhay gabadhaad tidhaa, meel unbaa go’ane
– Anagu Gaaniyow gacalka dhacan, waaka gubanaaye

– Gankaa naga xanuunsada wixii, gaadha Reer Hagare

– Gadhka iyo wadnaha buu nagaga yaal, gabiga Daaroode’e

– Uma gabayno maantii Islaam, gaalku weeraro’e

 

– Nin cirro leh cadaabkiiba waa, lagala ceesaaye

– Rag caddaaday baa nagu jiree, geela noo celiya

Saahid Qamaan Xuseen Dhiqle– Af qashuushle goortuu dhintuu sii qataabsadaye

– Qambaruursi iyo oohinbuu, qoon dunuunucaye

– Masalaha ninkaan ii dhigayn, midig masaaraayo

– Ninkii aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho

– Muska Ina Afeey galo arlada, kama miciin moodo

– Labadii qofee igaga hadhay, qaafadii dumarka

– Tii qurux badnaydiba haday, Cali la qooqayso

– Tana qaado Naadaba ragbay, qaac u shidataaye

– Nin mud-muday dharkayn hoosna maray, mudhuxyay

shaaleeye

– Mugii weel ma dhaafee Allow, mooska yaan jabinin

Oomaar Faarax Carab

– Qaraf baa horeysay iyo wixii, jeer la ii qoraye

– Anunbaa qudhayda u dhintee, qaybsan xooluhuye

Cabdi Saahid– Afar sano iyo dheeraad ardadii, looxa dhiganaysay

– Abjad dhaafi weydaye maxaa, ubadka loo laayey?

Dhoonyacab– Aqal labadii daah baan nahoo, kala danbayn mayno

– Anigana i dila idina way, daba galaysaane

– Dan ha looga baxo reer Cilmaa, doonay aakharo e

 

– Sirta iyo siyaasadda haddaan, saa u garanayno

– Wallee anigan Ina-Saahid ahaan, sidan ku noolaanin (ama)

– Wallee Ina-Siyaadoow anagu, kuuma sacabayno

 

Maxaamuud Ararsame– Waxaadan  lahayn wiilkayoow, laguma waynaado

– Waxaad waaayo maashabaa nin laa, weel isugu gaystay

– Waa meheradiinii haddaad, quule mirataane

– Raggii maali jiray baa qabsaday, sidigtii may ley’e

– Tubaakadiina muudsada waxaad, moodaysaan dhimaye

 

Yuusuf Maxamed Sugaal (Yuusuf Dheere)– Ninna gabay ayey kama dhaxlee, odoyo mow sheegtay
– Ogaadeenku waa mowd hadday, niman is maagaane

 

– Ragna Aadan maantuu dhashiyo, aminkiyo haatan

– Ka umuliya mooyee ma jiro, waxaa asaabayne

 

– Guuguulihii iyo intaan, galow la haasaaway

– Garanuugta yaacdiyo waxaan, goodirka u raacay

– Ileen maba gu’weyniye cirradan, madaxa gaashaysay

– Waa nasiibkan iga gaagixiyo, gocosho owgeed e

 

Cali Muxumed Gaas– Nin saboola iyo awrba way, sahal dhaqaaqaane

– Labadaba haddaan seeto celin, socod ma daayaane

– Muslinkoo israaca iyo haddii, codowga la is maago

– Murtadka iyo ninkii macatab leh, bay midigta siiyaane

– Maslaxada Islaamka iyo sharciga, ma ogolaadaane

————————————————————-

 

– Inagana dadkeenii dhintaa, dhaama saan nahaye

– I dhegeysta caawana halkii, dhaan wadaan ridane

 

 Yuusuf Colaad

– Heshiiskuu Amxaarada la galay, hoog ma laga qaaday

————————————————————-

– Idinkaa dabaasha oon afxumo, deynin waligiine

– Dibnahayga uma quudhi karo, cay dadweynaha e

– Dul badnaanta waa lagu yaqaan, qolada Daaroode

– Duud iyo cag dheerow intaad, igu duqaynayso

– Haddaan Dabacayuun odhan lahaa, anigu kaa daayey

 

Maxamed Cali Good – Haa kaale maantaba haddii, haraga loo tuuray
– Salaaad iyo maxaa iiga dan ah, subax is qoyn-qoynta

– Sako iyo maxaa iiga dan ah, geel nin kale siinta

– Soon iyo maxaa iiga dan ah, caana subax diidka

– Gobonimada waad neceb tahay, oo waad ka gubataaye

– Geestaad ka joogtaa kufrigu, guul ka dhaliyaaye

– Kol haddaan gumaysiga aqaan, gacan inaad siiso

– Wallee gaal-la-joog yahoow anaan, garab ku waydiisan

 

– Ninkii sahalo guur moodiyow, waa sun naaguhuye

– Sac bal waayey weeyiyo libaax, saabka ka higoone

 

– Ninkan Xayle soo daba socdoow, dan iyo aashaada
Af-Dur Dur– Wax la xiisoo maalaba markay, xaganto laabteedu

– Ee gabadha xaluskii ka baxay, xaydhu ka idlaato

– Iyadaa xadhaadhaan sidii, xabag dhunkaaleede

Maxamuud Dalab– Qaruumaha waxaad uga hadheen, qooshka daafida e

– Qudhunkiina nacallaa ku yaal, qurux ma haysaane

 

– War ninowna duq iyo reeruu dhalay, haysu kala daadin Maxamuud Cabdi Kaadheeri– Anna waranka aan liiliyaa, in uusan soo laaban

– Looxa dunida taariikhda waa, layga helayaaye

 

– Dib baa xaajo loo dhagaxguraa, tay u dhaadhiciye

– Dhiiqay miskaha kuugu ridi, dheregta qaarkeede

– Ragow hays dhabaan dhabin, adoon xeradu kuu dhoobmin

– Gabdho iyo rag way siman yihiin, guul aan siday weeye

– Gacan saydhka culimadii la timid, iyo gumaadkeeda

– Godad loo qarqooriyo markuu, iilka wada geeyey

– Cuqubada galshada buuxisee, gayiga saamaysay

– Guulaamadii soo kacdiyo, galowgii eedaamay

– Mar uunbay gadoodkeedu, iman guluf colaadeede

 

Aadan Faarax Bari (Aadan Waal)– Mar haddaan Axmed Dhoof iyo, Dhawr caruura ka reebay

 

– Haween waa dhirta Faafoo, Habeen loo dhixi maayee

 

– Aniga Dhool ha i dhaafto

– Layliga ma qayrsado aan baran, laaxinkii galaye

– Lufad kii lalaba caytamee, laashinna ismooda

– Waxaan kala lalaa toban lag oon, liimbiyaa halise

– Luquntiyo afwayntaan jabshaa, sidda libaaxiiye

 

Aw Magan

– Aduunyadan sidii luqunta diin, laabatiyo hooya

– Goortii an laacaba haddii, layga lalinaayo

– Oo ayan lugi lug ii raacahayn, ma aniggaa laylyi

 

– Haddaad idinku wada dhuuqsateen, naago dhex xidhkoodii

– Dhabahoodii idinkaa maroo, dhaclihii qaba e

– Dhaddiggiinu dhinacay u kici, waabad dhaxasheene?

 

Cali Cilmi Afyare

– Car-i-kari Casiisow maxaa, Cadan ka soo dhoofshay

– Kolay Cali Jibraa’iil ku tahay, uunku wada caye

 

– Guuldarooyinkaa rimani marbay, geli shinkoodiiye

– Girgirahan istaamayi marbuu, gaadhi qarixiiye

– Geedada balaadhani marbay, golongol dhuubnaane

– Guryo dabaq ah kii lihi marbuu, geed dugaashaniye

– Ninkii godob lahaan jiray marbay, goosan aanaduye

Faarax Nadiif– Dad abaal ma gudo waxaadse tahay, Dagayow Iidoore

– Waxaad dooni een daar ahayn, duga e yaa sheega?

 

Kumaa yidhi intanna?

– Nafta waxad u yaabtaa markaad, naago mudataaye!

 

– Gardarada cadaanka ah haddii, guudka loo fidhayo

– Geesigii itaal daran haddaan, garab la siinaynin

– Isaguna hubkiisii gurtoo, gummuca soofaysto

– Oo kii xaqiisii ganbiyey, gawrac ugu jiido

– Ooy nabadii geed sare kortooy, gaabatooy orodo

– Gorgorkii habaynimo kacee, guuray saw maaha

 

Kala-Rogan– Abidkaa tog iyo webi unbaad, kala dhextaagnayde

– Ma tufbaad qabtaa maad maryaha, teydh iskaga maydhid

– Dhaddig iyo labbood baa tihiin, wax u dhexeeyaaye
Mursal Kaahin– Ragguna geedka ways tirinhayaa, goor iyo ayaane

– Galmada uun la dhaca reer tolkay, gaabiskow darane

Cabdullahi Suldaan Tima-Cade– Nin qalbi la’ qur’aanka u akhriye, qaaf dheh ku haraadye
Shariif Laate– Halkii aar libaax uu fadhiyey, dawac ka uugaanye

– Atoor waliba geesaha u fidhay, amar ku taagleyne

– Garbaduub haddii loo xidhood, gaadhna ka ahaato

– Gacantii nin lihi goynayaa, waa gumudantaaye

– Nin walaalkii geed ugu jiraa, geesi noqon waaye

 

– Nin shisheeya raacoo dhan baa, qaba rafaadkaase

– Waxaa ani la ii reebayaa, reer kalaad tahaye

– Siddii wuxuu dirays wada sitoo, danabka eegaayo

– Markuu duudka simo geelu waa, duunyo gooni ahe

 

 Ina Xassan Dari– Badda jeexayaa iyo bariga, jaanta mariyaaba

– Walee geel jacaylkaan u qabo, waw jirabi ruuxa

Xuseen Qoys

– Waxaan ahay nin gob ah ooy nin guna, gacal wadaagaane

– Geed geed ku maran baan ahoon, ciddina goynayne

 

Cabdullahi Sagal Magan– Cirka meel dushaada ah ileen, dooxid lama gaadhid

– Ileen laguma doogdhabo hadhuudh, roobaan kugu daadan

– Ileen meel aan dani kaa wadayn, kama dalxiisootid

Axmed Dirir Nuur Adaan (Ina Talaabo-Nijaasle)

– Nin ambaday halkuu aaday waa, ula ekoonayde

– Amarkii Ilaah iyo wakhtigu, waa wax kaa adage

– Anigoo arkaayaan wadada, eyrigoo xulayee

 

Cumar Cigaal

– Sagalkii guduutaba miyaan, sarar hayaa buuran

– Soomaali rubuceed miyaan, siin karaa hilib wan

 

Aadan Faarax Jaamac (Daba-ka-eri)

– Danaakiraba waa laga helaa, naag la daawado e

– Allahayoow dad lama caasiyee, dumar xumaa Ciise

 

Lama yaqaan ninkii yidhi

– Rag haddaad colaad leedihiin, ciidanse u weydo

– Hadba waxaad ku ciil bixi kartaa, kuu cawo adduuna

 

Xirsi Diihaal Xalane 

– Saddex neef kollay ku tahay, wuxuun sacabka ii saara

– Mise waa samaraa waa adduun, suu ahaan jiraye

 

Salaan Carabeey– Hanas iyo abaar kulul adoo, habaqle soo guurey

– Caynaba hadhuub kama dartaan, hoga kaliileede

– Ka hulleele Hagar Aadankii, hoobalayn jiraye

– Adunbaa hayaayda u guntane, heeryo lagu saarye

 

Lama yaqaano ninkii yidhi

– Sidda harag wan weyn laga baxshoo, waafi noqon waayey

– Waayeelka xaajadu mar bay, weyd ka noqotaa

– Shansho adhiba shirixaa dambaa, shuuqa abidkiise

– Shahwo oday ka qaaliban abtiga, shaashadii xumiye

 

Maxamed Ismaaciil

– Haddii adhi qamaamoo qatimay, helo qabaal buuxa

– Qaraabiyo wuxuu ehel lahaa, waa ka qabar dare

– Qoortoo la jiidiyo dhagtoo, la qabto mooyaane

– Nina qeylo kuma yaacin karo, doon qabowsadaye

– Inkastoo habkay gobi lahayd, haddiyad loo daadsho

– Huunbaaqsigu uma ekeyn, Habar Majeerteene

– Hubsa dhaha Hartigu waa og yahay, haarihii Muduge

 

Faarax Gabay

– Naftu waa maqnoow amase waa, mahad ku noolow e

– Waa maanta saan ahay haddii, mid u dhexeeyaaye

(Sayidka tiisii ayuu garab dhigay)

– Inkastoo habkay gobi lahayd, haddiyad loo daadsho

– Huunbaaqsigu uma ekeyn, Habar Majeerteene

– Hubsa dhaha Hartigu waa og yahay, haarihii Muduge

 

Weerar Cali

– Timir iyo raggiisii miyaa, Toomo lagu laayey

– Ma intaan qaxwaha tuugayaa, Teeyo la xaabaray

– Tobankii Abraahiin miyaa, naga tol roonaaday

 

– Kol unbuu hilawluhu u tumay, heello iyo jiibe

– Dadka kale tashiga waa hojaa, kay hadhaw noqone

– Waxaanu hubsan reer Cali Geraa, haa dhawaan jiraye

 

Jaamac Dayuurad

– Heeryada isaarani tolkay, hagartii weeyaane

– Ninba howshu kali bay ku noqon, haatan dabadeede

– Nin walaalkii ii hiili yidhi, hoog Allaa badaye

– Intii lay hogaan bari lahaa, waan harjadayaaye

 

– Waxba yaanu xeerkay i marin, xoolona i siine

– Xaashee nin libin kaa xistiyey, xumihi waa yaabe

—————————————————-

– Dumarkuba xublada foosha way, xanaf wareeraane

–  Balse inay xusuus daran yihiin, xaylka kale mooge

 

Guuleed Dhoola-yare

– Waqti bay hayee tadamiyoow, kuma wareersheene

– Walaal kuma idhaahdeen intaan, wiiqa soo dhigo e

– Walaayo iyo baadi is radi ah, ciirsan kari waaye

– Nin wanaag ku waaraba marbuu, waayir xidhayaaye

 

– Afku wuxu la xoog yahay magliga, xawda kaa jara’e

————————————————————-

– Lammaanan xadhig loo tidcay, lugi ka doogtaaye

– Lufanbaa ka hadha dawliskii, liilsamaan jiraye

 

Jawaabtii Tadami

– Hadduu qiray ninkii geela qabay, inuu ku qaamoobay

– Asuu qoray ismiidaan qoday, waa qar soo dumaye

– Halkeen hiilka kaga soo qabtaa, waa qisiyo yaabe

 

 – Lafta dhabar laxaadka i debciyo, laafyihii gacanta

– Lubbigeygu leyl xalay ma ledin, laadadyiyo taahe

– Waa taas lanleemada indhaha, aragu liitaaye

– Liiqliiqad baan ahay sidii, lulo dabayleede

– Haddaan luqunta beri taagi jirey, liicday adhaxdiiye

Yuusuf Caalim Nuur

– Rodoloow nin rabid maalay, waa raaxada adduune

– Raganimiyo geelii haddii, la isu kay raacshay

– Sow haatan waxaan raadiyaa, raanta boqor ma aha

 

– Dahabooy waxaad iigu dudi, waan ku duungaranne

– Dabro oday ma laasimo hadduu, dooxanaa rido’e

– Dedaalkiisu waa kol iyo laba, inuu kuu dukhuulaaye

Maxamuud Cabdi Shoorshoor

– Ilaahyadu hadday dhowr yihiin, lama dhaqnaadeene

– Dhiif iyo collaad iyo kolkay, dhiilo kala gaadho

– Dhawaaqooda kaliyey nafluhu, dhiman lahaayeene

– Gabadh waliba waa hooyadeed, tay u gurataaye

– Goonbaartu waxay caasidaa, midaanay gaadhayne

– Ma gudboona gaarida sariyo, gibirta naaxdaaye

 

– Qarbadkuba haddii la aslo wuu, qurux badnaadaaye

– Alla qiimo daranaa fartuu, qori yaqaanaaye

 

– Sacba waxa gunnada loogu dhigay, yuu gardiiddamine

– Haddii aan gandaal lagu sabayn, gocay ma buuxsheene

– Nin gargaari jirey naagahaa, gaba abiidkoode

—————————————————-

 

– Gaardiga sarkaalkuba ma ledo, gaadh habeennimo’e

– Nin Isaaqa godobtii bartaan, gaadhka ka hayaaye

– Gujiskii baddaan uga dhignahay, gebiga Daaroode

Faarax Nuur

– Qadhabo iyo lucaaf iyo xeelad, laysku qabanaayo

– Quruf oodan shabaq laysu qubay, qoolad iyo xeelad

– Qosol been ah   qoor wada qayaxan, qiiq aan garanaayo

– Qoodaan afkii laga qabilay, qarafna hooseeyo

– Doqonbaa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane

– Ma anaa mindiyo lay qarshaa, laygu qali doono

 

– Caddad maleh rijaal ladan intay, calal ku duubeene

– Oo ay meel cabbaar loo qodqoday, kaga carraabeene

– Oon camalka mooyee qabriga, cid uga yeedhayne

Ina Xasan Dari

– Hadday dunidu tiir leedahoo, lagu tanaadaayo

– Oo niman ku taajirahayaan, taaladan aan joogno

– Toolmoonihii Maxamed baan, laga taxaabeene

– Maxaan tobon riyo ah uga welweli, tay u weel li’iye

 

Abokor Cawad

– Geel iyo ninkii adhi dhaqday, gaajo qabataaye

– Jiilaalku wuxuu gaadayaa, gaban haagaasleeye

– Geediga ha looyaamiyeen, sidda gabraartiiye

– Girir kuma qadeeyeene, haddan guriga noo oole

– Nirig horteed daarcad bay, gogoshu ii taale

– Gadhka waxaan u feedhaa siddii, goodharka Cadmeede

 

Faarax Daad

– Adduun gaban ah ubad wada habla ah, oori kululaatay

– Waa waxaan sidaa ula engagay, urugadoodiiye

– Ilma-adeeradaaa geela way, igu ag maalaane

– Ayaantii kastaba boostadaanm ku ag wareegaaye

– Haddaan aradka gaalada fadhiyo, kuma ilaaweene

– Haddaan aabahaa ahay maxaad, ii anfici weday

   

Cilmi Boodheri

– Sidda ay go’aygii tihiyo, macawis aan goostay

– Ama ay godkii aakhiriyo, geeri iga baajin

– Gardariyaa maxaa Hodan Cabdaay, kaaga go’i waayey

– Xamdi mahad Allaa igu xawilay, walad xalaaleede

– Xami mahad anoon xoogsan baan, xayn ka buuxsadaye

– Xamdi mahad xigaalo iyo tol iyo, xidid haddaan yeeshay

Cali Xamaali

– Goodiga ban cowl buu fakhrigu, geed ku leeyahaye

– Wax dhan baan ka gabangaabsadee, waa i galiyeene

– Gaajada hugeedii miyaa, galabta la i saaray

Fooleey Aadan Cali Hareeri

– Cirku waa daruuraynayaa, gooruu di’i yaa og

– Waa la ii dardaar warinayaa, darajaday yaa og

– Anigiyo daraawiish midkii, dhiig ka di’i yaa og

Cabdulle Raage

– Camuuduba halkii laga guro, waa ka godataaye

– Rabbiyoo gargaariyo naftoo, gudubta mooyaane

– Gacan taagan lama buuxin karo, goor iyo ayaane

Faarax Xuseen

– Daliil gabay ah diin iyo xikmad, daacad iyo waano

– Dorraad iyo midaan shalay lahaa, duug hadday noqotay

– Inaan dhagaba hadal deeqahayn, baan isaga daayey

   

Cabdi Khaliif Indhoole (Hurre Aadana badhbaa ku sheega)

– Micno maleh walaalkaa miyi iyo, naag magaalaba e

– Labaduba markay kaa madhshaan, moodka iyo noolka

– Lama moodo in aad maalin qudha, meel ku kulanteene

– Shinbir duulis badan oo dhulkii, dagi aqoon waayey

– Kol unbuu libaax labadii daan, dalaq yidhaahdaaye

– Inay edebtu shay door ah tahay, baan isaga daayey

 

Yuusuf Maradoon

– Wax yaqaan haddaad tahay asaan, ciddi ku waydiinin

– Nacas ,,,,,,,,lagu waabay waa, kaa wardheer yahaye

– Kaa wacan wadaadii la yidhi, ii wad Cowra le’e

Cabdi Gahaydh ama Qowdhan Ducaalana

– Haddii culimo maalkeed la dhaco, magan Ilaaheey ah

– Miinshaar wax goysiyo hadday, malaha xoog weydo

– Sow inay maqraha soo akhrido, lagu malayn mayo

 

Kumaa yidhi intanna?

– Inkastuu dhabcaal go’an yahuu, kuu dhadhamo diido

– Isagoo dharaar maqan koluu, dumar wax kuu dhiibo

– Dhan aad uga dhacdaba maal tolkaa, waad dhadhamisaaye

– Waa dhaawac kugu yaal bahdaa, dhaqasho weydaaye

– Marka horeba guur waa milkiyo, maaro kala waaye

– Haddaan lala mashaawirin tolkaa, adiga oo maal leh

– Oo lagama maarmee tashiga, odayo loo miirin

– Ninkii keligii maalootiyaa, meel xun waw halise

 

Axmed Busur

– Wax kuwaabiyaan lagu ogayn, wadarta Ceelgaabe

– Wax ma dhaaftid wiil iyo ciyaal, amase waayeele

– Waqtibay anfaco leedahaye, waadan garanayne

– Waji yeelo weeryohow midgaan, waalan baad tahaye

Lama yaqaan kii yidhi

 

– Cagtii joogsan weydaa marbay, ceeb la kulan taaye

– Carabkaan la waabinini xumuu, caasha geliyaaye

 

Nin xaraaro dishay baa yidhi, kee ahaa?

– Awal buu qaldamay shaah ninkii, koobabkow qoraye

– In qiyaamo loo sii ceshaa, ma ahan qaynuune

– Qalbiguu wax yeelaa markuu, qaar madow yahaye

– Qarka jooji maandhey hunguri, qaadan bay wada e

Lama yaqaan ninkii yidhi

– Ilaahoow waxaad nagu ganbiday, gali Ogaadeenka

– Oo waa ii godob haddaad, gabadh ka reebtaa

 

Cismaan Keenadiid

– Laan dheere gob ahaan jiroo, gocoshadii hayso

– Iyo kii ka gaabnaan jiroo, haatan garab taagan

– Geda kaasi yahay yaa kan kale, gaadh is leeyahaye

– Labaddaa garaad oo gudboon, yow garnaqi doona?

Ugaas Nuur Ugaas Rooble– Allhayoow nin ii daran maxaan, daafta hore seexshay

– Nin ii daaqsanayaana maxaan, daafidow kariyey

– Jidhku nimaan doonayn maxaan, hadalka deeeqsiiye

– Ma degdego xaajada maxaan, rag u dulqaad yeeshay

– Markuu dabinka ii galana maxaan, kaga daryaansiiyey

 

Xassan Kharaab wuxuu ku jawaabay

– Anba deeble geel iyo marabo, lo’ iyo deeq weyne

– Dantay waa waxaan labada daan, dalaq ku siiyaaye

– Duli buu ku dhacay nimay midgaan, soor ku diriraane

– Anse daayey deeqdii yaroo, qaylo daba joogto

Tarabi Xasan

 

– Safar iyo socdaal iyo Subeyr, saan isku helnaaba

– Walee Samatarow waxaanu nahay, laba adduun saaran

 

Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle)

– Duulaan aroornimo la baray, Doollo iyo Hawde

 

Xuseen Yogol Furre (Camanje)– Hadduu aar hal dilo oo dhurwaa, hilib usoo doonto

– Hungurina ka geyn waa kalyana, kuma hagaajaane

– Huuhdooda unbaad maqliye, lay hor iman maayo

 

– Adduunkii nagaa idinka iyo, naagahaa rogaye

– Nasabkiinu meel buu ahaa, nuridu waa iine

– Nacallaa Majeerteen ku yaal, nolol ma haystaane

 

Kor u noqo
Iyo qaar kale oo badan oo iman doona

 

 

Recommend to friends
  • gplus
  • pinterest

About the Author

Leave a comment