Waa mar kale iyo taxenihii ahaa “Rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi.”  Waxaan maanta soo qaadanaynaa Raage Ugaas iyo geeraar uu ka tiriyey geela gaar ahaan hasha iyo caanaheeda iyo ritiga iyo waxtarkiisa.

Geela oo ah lafdhabarta ummadda Soomaaliyeed, ayey in badan  abwaanadu gabay ama geeraar ku muujiyeen qiimaha uu leeyahay iyo sida uu lama huraan ugu yahay noloshooda.  Quruxda, qaanbax-mageedda, quwadda iyo qaadka aan wax culaysiyaa jirin, iyo qatinka uusan bil ku dhawaad biyo u baahan,  intuba waxay kamid yihiin qiimaha gaarka ah ee uu geelu kaga mudhbaxay xoolaha kale, kuna mutaystay hadal haynta faraha badan. Geeraarkan hoose ee Raage ayaa inoo ifinaya qaar ka mid ah sababaha uu geelu uga mudnaaday giiryarta iyo geesoolaydaba.

Waxaa darsiga usbuuca inoo soo diyaariyey Xadiis Axmed Caabi.

Wuxuu yidhi Raage:

Gugucdeeda arooryiyo

Isku gaagixinteeda

Away gooha wanaajaay

Gurxankii habilaad?!

 

Haddii giirku dareero

Barqin loo ganbaraasho

Adhina bowdka ku gaabto

Guduudkeeda arooryo

Indhaha waa gashinkoodee

Away reera gobeeyaay

Xeryihii ginginnaa?!

 

Cirka oo geddawaamay

Dayaxoo galka diidey

Dhulka oo gasariiray

Dhirta oo gabalkeed iyo

Garaskiiba hadh waayay

Caanahii gaasir noqdeen

Iyadaa la gumriyoon

Qareenkeeda gabayne

Away geedaha laacaay

Xunbadii gedfaneyd?!

 

Gabxo daalalliyaad oo

Gaasaar looga hayaamay

Kolka waagu guduuto

Koronkeeda la gaato

Haddaan soo garbadduboo

Ganka loo kabadeeyo

Anbaalkii gudbanaa iyo

Gantaalow udubkii

Xadhko loogu guntaayoo

In gaadanliyo dhiil iyo

Garaddii waxartii iyo

Gurboodkii yaryaraa iyo

Gardhaalay nirigtii iyo

Midka gaadha tolaayiyo

Kan gamuunka duleeshiyo

Gaallefay mindidii iyo

Intaasaan guradiisa

Gaarba gaar u dhigaa;

Dhigihii godgodnaa iyo

Lammadii gedfanayd,

Haddii aan geb ku siiyoo,

Xadhkihiisa u giijo

Asaan heegga ka gooyo

Galow buu u kacaayo

Haddii wiilku gadh qaado

Gurguurtow lama gaadhee,

Away gaatamahii?!