• Haddaan ooyo naagaan arkoo, wax uma aaboobin
  • Haddaan aamusnaadana qalbigu, ii askummi maayo
  • Haddaan igadhyo maalana anfaco, ku il samaan maayo
  • Haddaan ilaxidh seexdana hurdada, alalad bay dhaafin
  • Haddan Eegi dheer fuulo aan, ololo oon reemo
  • Oon uubateeyana raggii, iigu iman maayo
  • Abjac diday uluuli aan jid galin, agabar shay diid ah1
  • Hadduu timaha oogtaa ka dhigo, adari boodhboodh leh
  • Ardaal nacas ah naaguhuba, wayska ogolaadaane
  • Ina adhi jireed iyo mid aan, habartii awr goynin2
  • Aakhiro ragii tagay haddaan, Eebe ka aqoodo
  • Haddii uun la dayn Nabiyadii, lama idleeyeene
  • Saw waxaan ilaawaba mid xumi, ima ogeysiiyo

1)Agab ba’ay aleela aan jid marin, agabar jaan guuray

2) Ina adhi jireed iyo mid aan, habartii awr loogin (dadka qaarbaa akhriyey)

Soo dhamaystir oo soo sax ileen adigaa aad u xiiseeya gabayada Raage Ugaase oo dhamaantood ku jixaastay guntiga hoostiisa ee.