Gabayadan la isugu jawaabay waxaa billaabay 1979kii nin la yidhaahdo
Cali Banfis
oo Isaaq ah. Wuxuu gabayada badankooda ula jeeday
dawladii Maxamed Siyaad, wuuse marin habaabay maxaa yeelay rag dawladaba
mucaarad ku ahaa oo aad iyo aad isaga uga culus: magac, murti, iyo
macnaba oo uu ka mid yahay Cabdullahi Dhoodaan loogana bartay inay
ka gabyaan qaddiyado sare oo Soomaali u dheexeeya danna u wada ah,
qabyaaladda foosha xun ee Cali Banfis iyo kuwa asaagii ah ay
faafiyaana dhagaha ka furaystay ayuu ku af-lagaadeeyey.
Gabayga
Cabdulloahi Dhoodaan ee Garnaqsi la yidhaahdo oo gabayada ay
Soomaalidu tirisay kuwa ugu murti badan uguna qodoba culus ku jira
ayuu is yidhi ka jawaab. Cabdullaahi Dhoodaan gabaygan Isaaq kuma
uusan xusin, masoo qaadin magacooda, ulamana jeedin wuxuu kula
garramayey Maxamed Siyaad.
Maxamed Siyaad iyo Dhoodaan waa laba
nin oo Soomaaliyeed oo reer ahaana Daarood wada ah. Hadday
garramaan iyo haddii ay is gardaraystaanba Cali Banfis
wax door ah oo uu ku leeyahay doodaa majiro. Daaco qudhun uu
caloosha ka huuray kolkii uu dhawr galaan oo khamro ah isdhaafiyey,
edeb darro iyo aqoon xumo ayaa ka hadlisay. Ninka la yidhaahdo Maxamed Sheekh
Axmed Oogle oo ku magac dheer Makayte isagoo la yaaban Cali iyo
duulduul badnaantiisa waa kii lahaa:
- Orgiyahow adoo waalidii,
alamba duulaaya
-
Aar miciyo dhaadheer adaa,
galay afkiisiiye
- Adhaxdiyo hadduu kaaga dagay,
oofta feedhaha e
- Haddaad ee’ataan sida riyaha,
kaa aqbali maayo
Mar
kalena isagoo la yaaban itaal gaabnida iyo garasho hoosida Cali
Banfis waa kii Makayte lahaa:
- Aqli iyo aqoonxumo darteed,
inamadii heesay
- Ee or iyo jiib lama filaan,
uunka maqashiiyey
- Misna oobarayn kale galow,
laydinku ogaaye
- Inyar iyo in badan toona,
khayr laydin ka idleeye
- Abdayahay adduun laga
gudbaad, idinku joogtaane
Yuusuf
Colaad oo isna laba gabay ugu jawaabay Banfis oo aad ula yaaban bal
ha gabyo hadduu rabee waxa uu Dhoodaan afka lucluca ah ula gaadhay ama uu gabay
uusan jawaabtiisa lahayn, karinna ka jawaab ugu dheelalaabay waa kii gawriyey Banfis ee
lahaa:
- Dhoodaan Duquu la hadlayey
iyo, wuxuu dareemaayey
- Dana sheegadkoodii adoon,
lagu dubaaqaynin
- Bal inaad Doxore waalan
tahay, waxaa daliilkeed ah
- Meel aan laguu diranin yaad,
soo dafleedahaye
Cali
kaligii mucaarad kuma ahayn dawladii Maxamed Siyaad. Rag badan oo maanso
ruugyo ah ayaa had iyo jeer gabayo iyo geeraaro mucaarad ah ku
haalufayn jiray dawlada. Laakiin raggaasi waxay ahaayeen rag yaqaana
gabayga iyo qodobadiisa, xilliga ay haboon tahay in la tiriyo, cidda
ay tahay in loo tiriyo, iyo haddii gabay lagugu maago waqtiga ugu
haboon ee ay tahay inaad ka jawaabto.
Cali
Banfis ragga u jawaabay oo dhan waxay caddeeyeen
daba-dhilifnimadiisa iyo inay Itoobiya ku adeegato, qaranka iyo
midnimada ummadda Soomaaliyeedna uu lid ku yahay. Raggaa waxaa
hormuud ka ahaa Yuusuf Colaad oo in badan ku waaniyey Banfis inuu
fidnada umadda Soomaaliyeed kala dhex baxo kalena saaro Siyaad Bare
iyo qaranimada Soomaaliyeed siddiii ay Dharbaaxo Jin, Maxamuud Dheeg,
Cabdille Raage, iyo Cali Cilmi Af-yaraba ugu waaniyeen Khaliif
Sheekh Maxamuud oo isna isla xilliyadaa Itoobiya daba
socday inuu fidnada daayo ummaddana uu qoys qoyska iyo qabyaalada ka
dhaafo. Cali Banfis iyo Khaliif Sheekhba rag wadaniyiin ah ayaa si sharaf leh
u aamusiiyey.
Guud
ahaan, gabayada isu jawaabta ah ee Soomaalida dhexdeeda ku
faafay kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah Silsiladda Rayad. Gabayadaas abwaanadii ka qayb qaatay ninba marbuu gabaygu usoo gali
jiray marna wuu ka xidhmi jiray. Marka uusan gabaygu usoo
galin ninna iskama tirin jirin wax darooryan ah oon meelna haysan.
Waa kuu Qamaan Bulxan ku lahaa Maxamed Fiin oo uu tuhmayey inuu ku
degdegay gabaygii uu tiriyey, Qamaan oo damacsanaa inuu Cali Dhuux
meel cidla ah kaga soo hadho haddii Maxamed afkiisa ka adkaan lahaa
waa kii lahaa:
- Hadalka waad gaftaye Maxamedow, kuuma soo geline
- Gam inaad tidhaahdaan damcoon, Cali garaaxaaye
- Naagtii ganbada taabatee gacanta, loo maydhay
- Ee galisay meeshii haddana, gabaygu sow ma aha?
Sidoo
kale Salaan Carrabey Silsilada Rayad kuma jirin mana rabin inuu
soo galo. Wuxuu u arkayey diradiraalaha Cali Dhuux inuusan mudnayn
in waqti kaga baxo hase yeeshee markii Cali Dhuux qoyska Salaan
gabay qadaf ah u mariyey ayuu Salaan soo galay oo tiriyey gabaygiisii
ahaa Haadaaqsi. Cali-dhuux tixda uu yidhi ee Salaan ku kaliftay inuu
soo galo taxanta waxay ahayd:
- Nimankaan
haraadkiyo aqoon, Hawdka mariddiisa
- Kolay Habar
Jecliyo Ciise tahay, waw handanayaane
- Nin waliba
hadhuub buu toshiyo, haamo gooniya e
- Haweenkuna
hadday doonayaan, inay hidiidaane
Haddaba
haddii uu ninku gabayaa macno leh yahay waa inuu u miidaan dayaa
gabaygiisa si uusan dhibaato usoo jiidan. Banfis intaa wuu garan waayey,
wuxuu soo dhoofiyey dhawr gabay. Waxaa kolka u jawaabay rag
dhawr ah oo iyagoon is ogayn midba saacaduu maqlay gabayadiisa
jawaab degdeg ah ka bixiyey. Nimankaa kuwa aan gabayadooda
aragnay waxaa ka mid ah
Xasan Garabey
oo aan inyar uun ka helay,
Yuusuf Colaad,
Makayte,
iyo Cumar Fakad oo
aad gabayadooda
kor ka dooran karto. Waxaa ragga silsiladdan soo galay ka mid
ahaa Maxamuud Maxamed Fidhin, Axmed Nuur, Maxamed-daahir Xasan iyo kuwo kale. Dhinaca Isaaqa waxaa gabyey ilaa saddex
nin: Cali Banfis, Bashiir Ismaaciil, iyo Muxumed Dheeg, Qaasim,
Caynab iyo kuwo kale.
Iisoo dir haddaad gabayadooda wax ka hayso.
Dhoodaan wuxuu u arkayey Cali Banfis wax ay isaga daadsan tahay oo
dayeysan sidaa daraadeed ma xaalaynin warkiisa. Waxaad moodaa
inuu raacay falsafadii
Maxamed Cumar Dage
ee ahayd:
- Afka nin isku
weynaynayoo war iga doonayaa
-
Oon waalidkii ila sinayn, sii wadwadi maayo
-
Wacadkii Illaah baan maroo, waafiyeyn mahayo
Waa tii uu Quule
Indhoole ku yidhi.
Silsilada magac uma bixinin nimankii isagu jawaabay sidaa daraadeed
doollo.com ayaa si ku meel gaadh ah ugu wanqalay oo ugu yeedhay Olol
Reema. Olol Reema waxaa la yidhaa gabayga Makayte isagaanan
ugu magac darray.
Haddii
aad og tahay rag kale oo ka qeyb qaatay taxantan nala soo socodsii.
Banfis I
Banfis
II
Yuusuf Colaad I
Yuusuf Colaad II
MakayteI
Makayte II
Makayte
III
Fakad
I
Fakad
II
Fakad
III |