Home

Makayte

                                                              Hujuun

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry  

Gabaygii 3aad ee Makayte:

 

  • Indhawayd ha kama aanan tirin, hooyalaay gabaye

  • Ma habaynin maansooyinkii, ugu haboonaaye

  • Hurdiyo jiifna kama dooran iyo, shax iyo huuhaaye

  • Hubsiinaan ku jiray meesha iyo, hogashii Deyreede

  • Hugta iyo higtii iyo markay, hiririgtii yeedhay
  • Agow kama hadhine guushanaan, suhayey Heyboow e
  •  
  • Ma halmaamin Hoodoow sidaad, iila hadasheene
  • Tixdaad hore u fileyseen hadday, ii haboon tahay
  • Sidii aar intuu hayba dilay, laabta ka higooday
  • Hinfidhka iyo reenka iga bixi, fulaygu hayn waaye
  • Hubkaan tuurayaa waa gantaal, cadow ku hoobtaaye
  • Waa hola hanfiyo dabayl, Hoobiyoo kale e
  • Sina ugama hibaysan karo, hoori soo ciyey e
  • Hal-abuurka geeraar haddaan, hogo tusaaleeyo
  • Haramaanyo beertaba haddaan, daaqa laga haamin
  • Hagaag uma baxdoo waxaa la hadhaha, geedka hoos gala e
  • Suugaantuna habkay leedahay baa, loo hawadiyaaye
  • Sidii nimaan habayn hore maqloo, hoobaale ku hadaaqay
  • Layskama hantaataco, sidii hiliblihii jaane
  •  
  • Walba anigu haadaa dhac iyo, hawti ma aqaane
  • Mawjadaha hoosiyo dhexiyo, heer saraa jira e
  • War waa hirarka dhaadheer kuwaan, ka hadli doonaaye
  •  
  • Hakadkiyo haddaan seetadiyo, heegii jarayaaye
  • Sidii samo hilaacdiyo cirkoo, hogo daruureeyey
  • Oo heegadu sii dhaaftayoo, hibitiqlaynaaya
  • Hanqadhkiyo haddan hoorimaad, haw lasoo idhiye
  • Maantayna hareerna u baxayn, Habar Magaadlaye
  • Kol haddii hamigii Ciidagale haystay, lagu beenshey
  • ,,,,,,, gabay ah waa inaan tirshoon, hadiyad geeyaaye
  • Iga hooya caawoo kaluu, haybad leeyahaye
  •  
  • Afartaa ha’iyo waw kordhaban, hilin ma qaadsiiyey
  • Halhalowga iiguma baxdee, ma u halaanbeeyay
  • Hanaankii Qamaan iyo siddii, hebelo maw sheegay
  • Heleeleey haddeer iyo waqtiga, haatan waxa jooga
  • Bal aan idinku haasiwiyee, dhagaha hoogaansha
  •  
  • Warka Hara-Digeed iyo ka yimid, haradka Gaaroodi
  • Ee haatufkiyo ii waramay, haadka lalayaayi
  • Ee xalay habeenkoo badh tagay, laygu soo hoyiyey
  • Ee hiijadii aan qabiyo, hiiftii iga reebay
  • Ee hubanti loo sheegay ee, heerka sare gaadhay
  • Ee hogoshkii Iidoor ahaa, haanka lagu gooyey
  • Ee hooriflihii oomanaa, hoognay kaga siiyey
  • Warka la hufay ee haadsan, een helay ninkii keenay
  • Wax la hubo inuu yahay markuu, igula haasaaway
  • Hanbalyaan u diray Reer Isaaq, hadiyad waayeele
  •  
  • Allay lehe habkii aan la rabay, waw hawadiyeene
  • Allay lehe inay hawl la rabay, noo hirgaliyeene
  • Allay lehe hanna lama rabee, heer libaax gala e??
  • Allay lehe horseed bay noqdeen, hanadadaydiiye
  • Allay lehe hantiye Goosaygay, hor u lahaayeene
  • Allay lehe horweynkiyo ku dhece, halab irmaanayde
  • Allay lehe haleeladii dhashaa, haama loo culaye
  • Allay lehe kuwii horee lahaa, haatan laga qaadye
  • Dagaal laguma horjoogsan karo, labada haaroode
  • Allaylehe mid lagu hoobtay bay, ku hidiwaaleene
  •  
  • Hujuun iyo kolkay weerar iyo, kala hufaay gaadho
  • Abidkoo qabiil ay heleen, dib uma heelayne
  • Hiddiyo dhaqanba waa loo yaqaan, haybka aan nahaye
  • Horraysiyo dhacdaba goob dagaal, kuma hungoobaane
  • Allay lehe hammigii Ciidgale haystay, been noqoye
  •  
  • Afartaa ha’iyo waw kordhaban, hilin ma qaadsiiyey
  • Halhalowga iiguma baxdee, ma u halaanbeeyay
  • Hanaankii Qamaan iyo siddii, hebelo maw sheegay
  • Heleeleey haddeer iyo waqtiga, haatan waxa jooga
  • Bal aan idinku haasiwiyee, dhagaha hoogaansha
  •  
  • Cabdi Ciisihii heesi jiray, heybadiyo faanka
  • Tacshiirtii horree lagu rideey, kala halaabeene
  • Baasuukihii hamug ku yidhi, heej ka wada siiye
  • Hog dhurwaa nafbaa tii badeey, kaga huleeleene??
  • Ciidgalaha hoos uga yar bay, u hanqal taagaane
  • Hanjabaad wax kaga qaadayaan, kuna huruufaane
  • Haddaan ka hor nimaad waxay noqdaan, haydhaf taag darane
  •  
  • Hangal bay xidheen naagihii, horinta Guuyoowe
  • Huqdi iyo calool xumo u dhimay, baaqigaw hadhaye
  • Horaa loo gumaystaye, maxaa halista keenaayey
  •  
  • Nin halkaa ……… iyo, wiil u hanaqaada
  • Halyeygiyo waxaa geesigiyo hanadada u diiday
  • Cabdi Ciise unbaa handaday, oo halkaas dhigaye
  • Wankii lagu hor gawracay, ninkii hoosta ka xariiqay
  • Ee yidhi kan haysoo mid kale, hore usoo qaada
  • Ee sooryadoodii hufnayd, hilib caruureeyey
  • Siday maanta ugu hiiliyeen, waa habnaba seege
  •  
  • Hulunbaaga baa hadamasha iyo, huubadii ururrtay??
  • Hadhcad maalintii laysku riday, hollaca Aakeega
  • Halhayskoodu waa kuu ahaa, dee hayaay jabaye
  • Miyaan kaga hadhaayaa baraan, heego soo kicine
  •  
  • Gaashaanbuurtii way kala hadfeen, waana kala haybe
  • Hareeraha markii laga maree, hugun ku soo beegmay
  • Siddii Kadaf hoggii waayey bay, u hanqaraafeene
  • Huyucsane hadh joogsaa la yidhi, higil jabkoodiiye
  • Miyaan kaga hadhaayaa baraan, heego soo kicine
  •  
  • Hala waxaan u diray Reer Gobdoon, hoog Allow dayaye
  • Heer foolxun bay soo mareen, oo hanaan darane
  • Humaatiyo dhibaatay qabeen, hoos-ka-tuur badane
  • Anigoon hafrayn Ina Gahayr, hadaladuu sheegay
  • Hilayga iyo markuu heeryadiyo, haamo idin saaray
  • Horweynkiyo irmaankiyo markuu, halihii kaa qaatay
  • Higladiinii balaadh iyo, bankaad uga hayaanteene
  •  
  • Haddaba ma joogteene waad, hoyan lahaydeene
  • Hanfafkiiba kama aad bogsoon, boogihii hore e
  • Hanabadiyo agoontii maxaa, hadiyo kaa geeyay?
  • Hadaladii Gahayr iyo maxaad, hawshii ku ilowday?
  •  
  • Afartaa ha’iyo waw kordhaban, hilin ma qaadsiiyey
  • Halhalowga iiguma baxdee, ma u halaanbeeyay
  • Hanaankii Qamaan iyo siddii, hebelo maw sheegay
  • Heleeleey haddeer iyo waqtiga, haatan waxa jooga
  • Bal aan idinku haasiwiyee, dhagaha hoogaansha
  •  
  • Walow hadafkii guud ee uu Eebe huray, lagu heshiis qaatay
  • Oon hoos dhaqaalaha ognahay, heerka bixinaaya
  • Bal haddana hubsiinaa la yidhi, hal iyo neefsiiye
  • Heeriga Isaaq waa inaan, kala hanbeeyaaye
  •  
  • Habar Awasha iyo Arabba ways, hilib naqaanaaye
  • Hawaar iyo huruuf nama dhex yaal, oo kalgacal waysu hugunaaye
  • Haweenkiyo safraha kama dhacaan, halabadoodiiye
  • Hillimada intay joogsadaan, ma harkawaaxaane
  • Huudheeda iyo dharkii kama furtaan, hooyo socoteene
  • Habwanaagsan bay ula dhaqmaan, ruux hoyaatin ahe
  • Iyaguna hadday ka cabayaan, horadii Ooyoode
  • Oo ay heetigii Bulaaliyo nimcadii, ka hirqanaayaane
  • Ninna ma hungureeyoo ma dhaco, maganta hoostaale
  • Heshiis baan ku nahay nabadda guud, labada haamoode
  •  
  • Huuhaadan Reer Ciidgale waa, huf iyo beene
  • Sidiinuba hunguri waalan iyo, hadadaf mooyaane
  • Hayaay qaylo buuq iyo nacaad, huriso mooyaane
  • Harkaha iibintoodiyo dilaal, habacsan mooyaane
  • Hilib inaad qashaan iyo, huteel karintii mooyaane
  • Habla siisayaa iyo si kale, ula heshiisaaba
  • Amxaarada inaad hoos gashaan, hanaqa mooyaane
  • Hanaan gobonimiyo sharafba, waad ka hiddo guurteene
  •  
  • Bal waayahay adunbaa ku hadhay, meel habaas badane
  • Hungurigu wad ma arkaa la yidhi, haddimo mooyaane
  • Habar Yoonis iyo Habar Jeclaa, hoday naftiiniiye
  • Iyaba guul ma haysan ee aday, ku hadidaayeene
  • Haye unbaad tidhaahdeen waxbaa, la iska hubiyaaye
  • Hogbay kugu tuureen libaax, soo hamaamsadaye
  •  
  • Wax idiin hantiya waa caqligii, hoos u fooraraye
  • Waa kaad Bullaalaan ku hori, ku hamiyeyseene
  • Idinkoo higaariyo dhibkiyo, hilaygii soo qaatay
  • Waa taad harada soo degteen, goor habaynimo e
  • Hab wanaagsan Reer Fiqi Cigaal, holoc ku leefsiiye
  •  
  • Reer Cumar Qudhaad ku hafateen, kuna hungowdeene
  • Haweenkaba qaar sida hubkay, kaala hadhayeene
  • Wacaysbaa ku heemaarsadayoo, haadda kuu wadhaye
  • Hoobiyaha Bahaa kaaga riday, meel hareerta ahe
  • Hayrarkiyo markii Faysalkii, huray lasoo dhaafo
  • Ee Caliyo Haaruunba yimid, hoorin mahaysaane
  • Haad baad rabteen inaad biyaha, ka haqab beeshaane
  • Herdi kulul markii Reer Isaaq, hoosta kuu galiyey
  • Idinkoo hamuuntii qabaad, ka hududuusheene
  •  
  • Dhaawaca halkaad kaga tagteen, holoqii baa yaale
  • Halac Dheere sarartiisii buu, Dacawgu hiigaaye
  • Hororkiyo Waraabuhu ka dhereg, hilib rag waaweyne
  •  
  • War taariikhdu waa huban, haddii aan cidi hilmaamayne
  • Hudhudka iyo beenaalihii Qadar, kasoo heesay
  • Hargayseey baqihii reer tolkaa, horay u dhaafeen dheh
  •  
  • Heyhaata waa kii ku lumay, habaqlihiinii dheh
  • Is haaraamis baad goor la jabay, dib isu hiifteen dheh
  • Habarwacasho nabar kugu dhacaa, kaaga hadhi waa dheh
  • In kastooy halaagmeen kuwii, had iyo mowd keenay
  • Oo ay habraha oohintii, hibitiqlaynayso
  • Wali heerkii aan rabay waxbaa, kaaga sii hadhay dheh
  • Hoorimaad yar baa idinku helay, meel hadoodila ahe
  • Heelkii Nogbeed iyo Godey, Herer kuwii yaalay
  • Ama NFD ku hadhsanaa, amase Haadaamo
  • Halooyo taarkaan u diray, haatan wada gaadhye
  • Ogaadeen Hundiyo Faafan iyo, Hilo kasoo guurye
  • Hilaac la mood wakaa soo socdoo, la is hortaagayne??
  • Lafaruug habkaad ugu jabteen, halisba ma ahayne
  • Maantaynaan hareerna u baxayn, Reer Hugaadhsane e
  • Nabad uu hogaankeedii go’ay, haw hiloobina e!
  • Heshiis hayga filan inaan, colaad huriyo mooyaane  

 

Banfis I

Banfis II

Yuusuf Colaad I

Yuusuf Colaad II

MakayteI

Makayte II

Fakad I

Fakad II

Fakad III

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.