The largest
online collection of Somali poetry

Gabaygii hore, Dood Waayeel, ee waanada, wax-u-sheega, iyo
tusaalaynta ahaa markuu Cali Banfas dhag u dhigi waayey, dacdaradii
uu Yuusuf uga digayna markii ay ku habsatay Cali iyo haybtiisiiba,
ayuu Yuusuf Colaad gabaygan Sagooti la magac baxay tiriyey.
Yuusuf wuxuu leeyahay in badan baan war ka daa u idhiyee ka
naasnaasi wataa ku sidata ee. Mar labaad Yuusuf Colaad wuxuu
yidhi:
- In dhawayba deelayda gabay, kuma dadaalayne
- Wakhtigaa igu daadihinayee, doon is ma lahayne
- Marse haddaan dawaarka u qabsado, daalay ma aqaane
- Aan daleeyo waa taad murtida, igu dareenteene
-
- Duulkaad kicisay Caliyoow, muxuu dano ku gaadhsiiyey?
- Dabkaad ololiseen soo ma gubin, dagalka reerkiina?
- Duunyo iyo waxaad maal lahayd, sow ma kala daadan?
- Iskuuladii dareereed Jigjiga, daabulka u gaysay
- Daroogiyo khamradii aad barteen, sow ma dabar goynin?
- Dalka madaxdii kuu joogtay ee, dibada kuu saartay
- Ee aan damiirkaba lahayn, soow wax duwan ma aha?
-
- Taa wax lays kuma daree, deel maka higaadshay
- Ma dareeyey maansada intaan, diiradda u eegay
- Degdeg hadalku iigama baxee, daalac ma u yeelay
- Ninkii doonayaba ka maqlee, dibadda ha u dhoofo
- Ha dalxiiso waa taan wax badan, daaya ku lahaaye
-
- Dood kalana waa reerka yidhi, dunidda aafeeya
- Iidoor wuxuu damacsanaa, diirka ka cadeeye
- Kii dibada joogiyo midkii, duunyo dhaqanaayey
- Dukaamiyo dilaal iyo xamaal, dumar wuxuu haystay
- Dawar wuxuu kusoo helay, intuu dunida meeraayey
- Isticmaarku wuxuu soo dariyey, dab iyo gaadiidba
- Dad iyo duunyo wuxuu maal lahaa, doolar iyo xoolo
- Waxay docanayeen tobonka sanno, soo diyaarsade e
- Wuxuu dilay kun daaduuban, iyo kuman daroogaysan
- Iyo kuman intay dabar go'een, duraydu yeedhayso
- Iyo kuman amxaarku u dawaro, daafidii Adari
- Iyo kuman xabsiga loo diroon, ciddi danaynaynin
- Iyo laba kun oo duurka galay, ooy raadco daba joogto
- Intaasuu dadkaagii noqdiyo, doxorkii Iidoor e
- Haday dibintii huurada lahayd, deeray ku hayaane
-
- Lafaha daadsan, daaraha burburay, dumarka ooyaaya
- hablihii darafta laalaadin jiray, diilalyada haysa
- Waa kuwaa siddii adhi dibjiray, dooxa yuurura e
- Darxumiyo rafaadkay qabaan, dacaska loowaayey
- Adigaa qaxooti u diraye duxi, ma kaa raacday?
-
- Waa taan wax badan kuu digay, eed diidday waanada e
- Waa taa dubihii kaaga dhacay, duudka feedhaha e
- Duufkiyo ilamada kaaga taal, daamankiyo laabta
- Dacalada ka leef waa waxaan, daaya ku lahaaye
-
- Dagmo kibirtay abidkeedba waa, inay duloowdaaye
- Reer Caad dabkii lagu rogaad, idina doonteene
- Deeqlihii ku uuntaad afxumo, ugu dadaasheene
- Inaan Sayidku kugu soo degdegin, waxaw daliilkiiye
- Intuu kuu dulqaataad ogayd, daalin baad tahaye
- Dulqafaar kuwii lala dhacay yaad, duray
wadaagtaane
- Diintii Rasuulkiyo sharciga, waad ka durugteene
- Wax badan baad dad iga iibisay, duunyo iyo maale e
- Afrikada raggii laga diree, dibada loo qaaday
- Idinkaa dilaal yahoow ka gaday, duulkii Reer Yurub e
- Danbi kama xishootaane waad, dalaq tidhaahdaane
- Wax dhaaxaa dadaal iyo wanaag, deeq laguu furaye
- Dakadaha wax badan baa ascaar, kaaga soo dagaye
- Dadka deyrka yaalana adaa, ugu dan roonaaye
- Deeqii la xaasido Alluhu, waaba dumiyaaye
- Maamaahda duuga ah haddaan, dacal kasoo qaado
- Qalbigaa dabool laga gashaa, duul hadduu lumiye
-
- Shinbir duulis badanoow haddaad, dagi aqoon wayday
- Mar unbaad libaax labadii daan, dalaq tidhaahdaaye
- Duul kuwaa ka dhigan waaw eg yahay, Daba Cayuunkiiye
- Soomaali oo rag iyo dumar, gees isugu duuban
- Dawlad qaran ah reer baan ku dumin, taa caqligu diidye
- Damaacigii is gaysaba miyaa, diifka ku cunsiiyey???
- Haddii aad duqoow leedihiin, dowga garanaysa
- Dugsiguu fadhiyey waalidkiin, kuma duqayseene
- Haddii aadan dad kale eersanayn, dan iyo yeelkaaga
-
- Nimanyahoow af laba daan leh, baan muranka daynayne
- Hadba dunida duulbaa iblays, dacal ka taabtaaye
- Wax badan baa dadaal iyo wanaag, deeq laguu furaye
- Wax dhaaxay dirgado kuu dhiseen, dawladii sare e
- Intuu odaygu daayaba hayey, yaad
Dalal is moodeene
- Dagaalkii sokeeyeed jeclayd, daadku ku xambaarye
-
- Dunjigeedba Soomali oo, ul iyo diirkeed ah
- Dadkoo nabad ah waataad xumaan, ugu dadaasheene
- Samaroon dacaayad iyo cay, waw dudubiseene
- Daaxuur baa dagtood dinbadnihii, daalku kuu dagaye????
- Degmo kama jeclide kusii, dalagi beertiiye???
- Waa kuwaa dibtaba kaa jariyo, saynta dabadiiye
- Sida doogsin roob kaaga dharag, dumarkii Reer Nuure e
- Ma inaad ergo usoo dirtay, dani ku yeelsiisay?
-
- Danqashada Hawiye haatanay, dibinta ruugaane
- Xarar Dheere duulkii fadhiyey, maqal dareenkiiye
- Iyaguna dakanadooda way, daba galaayaane
-
- Dadka kale
sidii la arki jiray, yaad u dagaasheene
- Ninka
seedigii dilay haddana, daabcadda u qaday
- Ee
qoodhihii dadab u jaree, dacal ku soo qaaday
- Ee walaashii soo dul dhigay, oo ilmada duugi
- Ee yidhi dantaadii bal qabo, dooxay inankiiye
- Waa waxaan dalkeenaba ka dhicin, doorkan ka horoow e
- Ka
dumaali ama guursanow, dan iyo yeelkaaga
-
- Daarood waqii kuuma shirin, kuma doonayne
- Wax dafiic ah buu kuu arkiyo, tuulo dabayaale
- Mid haddaad is dagaashaan ka kale, kuma dareemayne
- Maantana dalkuu kugu arkaba, wuu ku dilayaaye
- Danbigaana adigaa leh ee, dan iyo yeelkaaga
-
- Dadkoo nabad ah waa taad, dafaha duni ka qaadeene
- Dacawada godkeedii raggaad, dubuq ku siinaysay
- Eegay ku daydayahayaan, ooy ku dabayaane
- Dabac kama sugaysid iyo inuu, diirku kuu naxo e
- Danbigaaga adigaa iska lahee, dan iyo yeelkaaga
-
- Aftartaa
wax layskuma daree, deel ma ka higaadshay
- Ma daleeyay maansada intaan, diiradda u eegay
- Degdeg hadalku iigama baxee, daabac ma u yeelay
- Ninkii doonayaaba ha maqlee, dibada ha u dhoofo
- Ha dalxiiso waataan wax badan, daaya ku lahaaye
- Dood kalana waa ciidamada, daafaca u jooga
-
- Cabdi Casiis dagaalkii Togdheer, daalinkii jabiye
- Intaan laba tuke is dayin yey, dabada taageene
- Waataa Jigjiga loo dawaro, duruqlahoodiiye
- Darbaddii labaad baad ku timid, damashii weyneyde
- Daakhilkii Hargaysaad tagteed, daaqadahaad furatay
- Haddaad mooday mid dowrtay, aan ciddi danaynanin
- Ragbaa calanka inay daafacaan, loo diyaar saday e
-
- Dalka haddii nin khaa'imo ku kaloo, daacadaa jira e
- Qaar duca qabaa nooga yimid, dowladii sarre e
- Dayax aan dhacayn baan Allana, uga duraantaaye
-
- Kolkii Jananku siddii aar wax dilay, kugu dinaahyeeyey
- Ilaahay hadaayee kolkuu, amarka deqsiiyey
- Ee kaarayaashii la daday, daaha laga qaaday
- Dagaal galiyihii Jees kolkuu, garabka duubaayey
- Diigaanyo ciidan ah kolkuu, idinku sii daayey
- Daloonada iyo sheedaha kolkaad, dadab u rooraysay
- Ee koore saanyani dul baxay, waan ku diirsadaye
- Ma inaad qoryaha daadiseey, dani ku yeelsiiasay?
-
- Danbaab lama
hadlee Maxamed Sheekh, daafac magaciiye
- Darajuu bilayskii ku helay, shalay dagaalkiiye
- Saldhigay u dalandoolayeen, dacarta leefsiiyeye
-
- Dakhariyo daraawiishtii way, wada dadaaleene
- Doqon ma waaye iyo kaalmihiyo, dacaladii baanka
- Meelahay rabeen inay degaan, daadshe meyd badane
-
- Duli lama amaanee Cabdoow, ciidankii dirirye
- Iidoor beenta
ha daldalo, dibadihiisaase
- Dayax gacmeedyadii baa sawiray, diray Maraykaane
- Damaashaadka waa kii shacbigu, daaraha u koraye
-
- Haddii aad dagaal la hortimaad, amase duulaanba
- Dalka inaad ka tagi waad ogayd, Dabacayuunoow e
- Nin waliba wixii dili lahaa, yuu dib uga yaabaaye
- Ayaxaad dareenteen miyaa, digada kaa yeelay
-
- Diintiyo shareecada haddaan, dib ugu soo laabto
- Abidkiinba gaal dooralaaad, daba ordayseene
- Dad horraa
ku sheegiyo Sayidkii, daacada ahaaye
- Haddaad Maxamed diideen, anaan kugu dukhuulayne
- Maantana masiirahaygii dafire daalimiintaniye???
-
- Dulucdeeda maansada haddaan, dib ugu soo laabto
- Waan kula dardaarmiye Caloow, maqal dabuubtayda
- Oo daacad baan kuu ahaye, duuba hadalkayga
-
- Dhaaxaad degaan iyo kufriga, daris ahaydeene
- Dabcigaaga nimankii yiqiin, amase dookhaaga
- Dilaal iyo khamriba waad ka heli, duulkii Reer Yurub e
- Dusuuda
u xashaa iyo si kale, kuugu dabacyaaba
- Ingiriiska kuu doodayaa, meel uun kuu dirane
- Dibadaha u dhoof howshii kale, laysu dacareeye
-
- Dumarkiyo caruurtana ka taga, waanu daadihine
- Haddaad diido ama yeesho, waa dan iyo yeelkaaga
- Dibse haddaad usoo noqoto, waa dabar go'iinii dheh
|