|
|
The largest
online collection of Somali poetry

- Hindisaha Mareexaanka iyo, hooda xumadooda
- Abidkood horseekooda waa, lagu hungoobaaye
- Hogaankii Siyaad lagu jab iyo, habartii waalayde
- Hawiye iyo Iidoor kolkuu, hoygii soo galiyey
- Hantidii dadweynaha kolkuu, hoosta uga dhiibay
- Daaroodna kala haadiyey yey, heedhay boqontiiye
- Hubsadkuu Majeerteen la dhacay, hanadaduu laayey
-
Anigana habeenimo igaday, horarku waagiiye
- Heshiiskuu Amxaarada la galay, hoog ma laga qaaday
-
- Habar Yoonis iyo Ciida Gale, labada haamoodba
- Goortaan hadhuublaha ku daray, habar magaadloo dhan
- Ee aan habkay gobi lahayd, halisaha u jiidhnay
- Ee aan dhulkiiba hantiyey, ii hanjabadooye
- Waa kii Absame haaligee, hees ma lagu qaaday
-
- Waa kaa hudheeluhu qabsaday, halabadiisiiye
- Habartiyo tumaalkii miyaa, hiil u gali waayey
- Hangashtiyo baroonkii dabeed, holac ma leefsiiyey
- Hadadaamadii faalka iyo, hadalkii beenoowye
- Habar Gidir, Xawaadliyo, Abgaal waw hanjabayaane
- Habar wacadka Daarood muxuu, haatan uga yeedhan?
-
- Aminkaa hogtuu nala ashaday, lagu horeeyaaye
- Eeguu siddii habar dugaag, howdka xulayaaye
- In kastoo halaagii ku dhacay aniga haybkayga
- Haa kaale maantaba haddii, haraga loo tuuray
|
|
|
|
|
|