Home

Cumar Fakad

                                                              Gantaal

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry  

Gabaygii 2aad ee Fakad

  • Sidii Goodirkii geela iyo, gaani rimi weyday
  • Oo awr garuun ahi habeen, gunuca soo saaray
  • Oo Eebahay u guntayoo, goojo la amaartay
  • Oo geesigii maali jiray, gudimo weyn qaatay
  • Oo ganaha laga gaga tiray, gurina loo diiday
  • Oo meel aan geed daaq lahayn, garagaraynaysay
  • Oo guga gugeedii galayoo, kurusku giig beelay
  • Oo waxay u gaadgaatisaba, galab ku fool qaaday
  • Oo meel gabbood ahoo banana, gilin yar soo tuurtay
  • Oo gudaha uurkii ku jira, gorofka loo qaaday
  • Ooy soo godleen wiilsahii, gaydha celinaayey
  • Oo gorafka weyn iyo markaa, abur ku geyngeyntay
  • Oo gaajadii lagaga baxay, yaan gadeed ahaye
  • Iga gura gufaacadanu waa, goboladaydiiye
  •  
  • Geeraraday soo direen, labada guuguule
  • Garranka iyo isyeelyeelku waa, gad ay yaqaanaane
  • Garaadxumada waa lagu yaqaan, goxoshka Iidoore
  • Abidkoodba gaal urahayey, daba gucleeyaane
  • Geediga halkaanu u rarnaye, gibilka loo taagay
  • Guga da’ay gudgudahaa unkaday, galalka doogoobay
  • Bal inay gartaan baan lahaa, godolka Maandeeqe
  • Kol hadday Gamaareey noqdeen, goysay ibaheeda
  • Gaar howga joogeen bulshada, gaajo iyo oone
  • Waxa maanta loo gabagabayn, galabsigoodiiye
  • Gafuurka xun day waa kaan, wax badan gaabsadaay idhiye
  •  
  • Afartaa garnayl kugu dhiciyo, gumuc rasaaseed dheh
  • Gebagebada meel laysku helay, gaylan dirireed dheh
  • Gudcur dam’ ah habaynkoo galiyo, galab colaadeed dheh
  • Good iyo mas meel ay galeen, godo abeesaad dheh
  • Gebi dumay waraar kugu gu’iyo, geylo soo gabay dheh??
  • Geeraaradaan tirin jiriyo, gabayadaydii dheh
  •  
  • Caliyow Garrida aan tuntiyo, guuxa iyo faanku
  • Gacmo madhan adoo taagan baad, wali galaydhyeyne
  • Horta eeg aan googaatanee, laba godlow heedhe
  •  
  • Ma garaabayahow Eebahay, gooyey xadhigiisa
  • Guushaad ku faanayso iyo, goolka aad dhalisay
  • Asgari jeelka aad ugu gashayoo, gaaday saw ma aha
  • Saw laba nin ood gawracdayoo, gama’sanayd ma aha
  • Gashi aanu kugu yeelaniyo, godob xun saw ma aha
  • Guuguulayhow saw rag aydun, u gafteen ma aha
  • Gacanqaad xun ood eeday ood, gubatay saw ma aha
  • Geesaha markii aan kaa mareen, gaadhka kugu meershay
  • Saw buuralaydii aad gasheen, gacan libaax ma aha?
  •  
  • Goobtaad ku ceebawday eed, gorortay saw ma aha
  • Saw haadka gooraamayaa, meydka gegan ma aha
  • Gulufkaydun nagu weerarteen, galalaf saw ma aha
  • Saw geenyadiinii xumayd taa, galgalan ma aha
  • Gaashaamo Habar Yoonis, saw taan ganbiyey ma aha
  • Gaagaabantii Habar Jecliyo, Arab go’een ma aha
  • Guryahay dageen Ciidagale, galangal saw ma aha
  • Sacad Muuse saw kaa gudban ee, gaal u tagay ma aha
  • Gariirkaad maqlaysaayi saw, geeshkayaga ma aha
  • Soomaali waad kala gurtaye, saw gobtii ma aha
  • Gantaalooyinkay ridahayaan, gacaladay ma aha
  • Saw geesiyaal ila dhashoo, gaani wada ama aha
  • Gaashaanbuurta Waarsiyo Amxaar, geed xunkii ururay
  • Garba-rogane Iidoorkiyow, gubaya saw ma aha
  • Galaayuuska qayladani saw, ii gurmada ma aha
  • Gabaygaagu oohin saw, go’e baroor ma aha
  • Kayguna gantaal kugu dhaciyo, gumacyo saw ma aha

 

Banfis I

Banfis II

Yuusuf Colaad I

Yuusuf Colaad II

MakayteI

Makayte II

Makayte III

Fakad I

Fakad III

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.