The largest
online collection of Somali poetry

Abwaanku gabaygan iyo midka kale ee isna la baxay Sagooti wuxuu ugu
jawaabay nin la yidhaahdo Cali Banfis oo SNM ahaa oo gabayo dhawr ah
oo uu Soomaali oo dhan gaar ahaan Daaroodka ku af-lagaadeeyey
tiriyey. Gabayada Cali Banfis waanu soo galin doonaa dhawaan,
idam Alla. Waxaa kale oo silsiladan gabay ku leh
Makayte. Wuxuu yidhi Yuusuf Colaad:
- Da'da gabayga waayadan ma rabin, inaan ku daalaaye
- Dahrigayga waataan ka xidhay, toban diraacoode
- Hadba aniga oo daayey yaa, la i danqaabaaye
- Daandaansigaan nacebnahee, dad uma sheegeene
- Aan daleeyo caawana ragbaa, diiday nabadiiye
-
- Caliyoow danbiga aad gashiyo, gabayadaad duubtay
- Soomaalidaad damacsan tahay, kala dareerkeeda
- Dabkaad hurisay, dogobkaad shidiyo, damaladaad oogtay
- Saabkaad diddada haysato iyo, dibin qaniinkaaga
- Inaad dano ku gaadho iyo inay, kaaga dari doonto
- Dib uga fiirso xaajada badhbaa, dowyo kaa rida e
-
- Afartaa da'da iyo woowga iyo, deel ma ka higaadshay
- Ragbaa ararta kala daadiyee, ma idin deeqsiiyey
- Doodii abwaanadii horiyo, darajo waayeel dheh
- Diin iyo qur'aan waxaan ahayn, mid ugu duug roond heh
- Daayayee tu kaloo ka daran, bal aan idiin duubo
-
- Soomali oo wada dagtay, ooy dani walaalaysay
- Oo calanka daawaysatoo, dow kuwada joogta
- Oo aan dagaal iyo dhac iyo, dil iyo qaad joogin
- Oo dalalka qaarkii maqnaa, wadar u doonaysa
- Ninka diidanoow waa layaab, taa damaaciday e
- Isticmaarku siduu doonayey, yaad dabada haysaane
- Nin gumaysi soo diray Ilaah, darajadayn waaye
- Dulli buu ku riddi eebahay, labada daarood ba
- Dawladnimadu say tahay kolley, waa mid kaa dadane
- Darmadiina waaguu ku rogay, ducaducaynaayey
-
Dacaskiyo duliga aad qabtiyo, diifta kugu tiilay
- Iyo dabaqadaad saaran tahay, darajadaad gaadhay
- Durba waad iloowdaye nabsigu, waa kusoo dayiye
-
- Danta iyo haddaan nolosha guud, dib ugu soo laabmo
- Dadku waa ogyahay gobol walba, suu u doogsadaye
- Danbarkeeda maandeeq adaa, maalay darartiiye
- Dibjirna waa ilaashaa ku qada, dibadihiisaaye
- Dubai iyo Sucuudiga intaad, dollarka eryeysay
- Waagii dilaacaba ragbaa, cadowgu dooxaaye
- Dalkana xoolihiisii adaaba, dayn ku dhoofsada e
- Dukaamada iyo baabuurta iyo, daarihiyo fooqa
- Siisoowga kuusoo dagaba, dowladaan helina
- Dubad Hiirad gabayguu ku yidhi, boqorkii deel-qaafay
- Haddii doobke buuxsamo inuu, daato wow halise
- Maantana sidaad damacsan tahay, yaa kasii daran e
- Wiilyahoow ducaysoo nimcada, hayska kala daadin
- Dadkana haysku kicin yaan iblays, dowyo kaa ridine
-
- Afartaa da'da iyo woowga iyo, deel ma ka higaadshay
- Ragbaa ararta kala daadiyee, ma idin deeqsiiyey
- Doodii abwaanadii horiyo, darajo waayeel dheh
- Diin iyo qur'aan waxaan ahayn, mid ugu duug roon dheh
- Daayayee tu kaloo ka daran, bal aan idiin duubo
-
- Waagii dad-weynuhu kacay, iyo doonistii calanka
- Afartii kacaan ee dalka, ee is daba joogay
- Dadkii lumay, wixii duni burburay, amase dhiig daatay
- Dubkay adag haddii aadan u hadlayn, ama is daaxuurin
- Dagaalada halkaad kaga jirteen, maad dadka u sheegtid?
-
- Inta kalaba daayoo halkaan, aad dad ugu faanayso
- Adigoo
Riseef baa la dagay, dunida gaadhsiiyey
- Doolaab cad adigoo xidhiyo, dun iyo weerkeeda
- Nimanbaa Ilaahay u diray, dawladihii Yurub e
- Dagta calanka
Biixigii ku siday, waad la dirirteene
- Shirkii dooxan lagu qaatay, ee la is difaacaayey
- Yeydiin dirsaday waadigii, dooda ku lahaaye
- Lixdan sano dib noo dhiga kuwii, doonayaad tahaye
- Maantana diyaar waxaad u tihiin, saad u dumisaane
- Allaaba waa difaac aad gasho, iyo dirirtii maandeeq e
- Dabar iyo lug gooyaad ku tahay, daa'inkaa abid e
- Wiilyahoow ducaysoo nimcada, hayska kala daadin
- Dadkana haysku kicin yaan iblays, dowyo kaa ridine
- Daayayee tu kaloo ka daran, bal aan idiin duubo
-
- Daleel lagama faano iyo af aan, daacad ku hadlayne
- Ma duugoowdo taariikhdu way, kala dambaysaaye
- Dagaaladii sokeeyaha baryahaay, dooxatadu joogtay
- Dakanadayda way wada qabeen, kaama diidaniye
- Daarood anaa bari lahaa, waa danbiyo been e
-
- Dilaal iyo malaal baa ku tagay, kuuma diidaniye
- Ingiriis adoo daba socdoo, diriray mooyaane
- Duulaankii Mudug baan ku galay, waa danbiyo been e
-
- Daaqado dharaan iibi jiray, kuuma diidaniye
- Annaase duni soo qaadi jiray, waa danbiyo been e
-
- Kolkii darawihiye sanguhu, duca-ducaynaayey
- Gabagabada deyrka leh markay, deex ka ololaydsay
- Lafa Ruug raggii kugu daldalay, how durbaan tumin e
- Da'adii uu ku rimay inuu ku dhalay, taa ma diidanide
- Daaduunka waadigii ku tagay, dowladihii Yurub e
- Dibadihiyo niman baa ku baday, duud xamaalkaba e
- Waarhooy ducaysoo nimcada, hayska kala daadin
- Dadkana haysku kicin yaan ibleys, dowyo kaa ridine
-
- Indha Badane deeq looma bixin, doolna ma ahayne
- Dablaydii iyo faraskii la tagay, waa dulkii waliye
- Digadiisa geedaha ka baxay, waa dagaan idil e
- Dudadiina geel laguma arag, waagii dabadeed e
- Waxaad Digile beerta ugu qodi, duunyo li'ideede
- Waarhooy ducaysoo nimcada, hayska kala daadin
- Dadkana haysku kicin yaan iblays, dowyo kaa ridine
-
- Afartaa da'da iyo woowga iyo deel, ma ka higaadshay
- Ragbaa ararta kala daadiyee, ma idin deeqsiiyey
- Doodii abwaanadii horiyo, darajo waayeel dheh
- Diin iyo qur'aan waxaan ahayn, mid ugu duug roond heh
- Daayayee tu kaloo ka daran, bal aan idiin duubo
-
- Taariikhda kaa dadan haddaan, daaqad ka iftiinsho
- Mareexaan dad wow talin jiriyee, da'imaad tahaye
- Waa dacar khadhaadh nimankanaad, dooro lee dahay e
- Nina kuma degdego uumiyaha, Dir iyo Darood e
- Diricii ka kacay yuu nafluhu, daba galaayaaye
- Axmed Guray dagaaladuu dhigiyo, dakharaduu gaystay
- Ninkii Adari gaalada ka diray, idinka diimoone
- Waa sugada diimood taxnayd, tan iyo Darood e??
-
- Dumarkaa
hinaasee nin rag ah, docosho wow ceebe
- Haddii hadalku kaa daaran yahay, madaxnimaan dooni
- Ninba maalinbaa lagu dayaa, laguna daayaaye
- Waadigii dilaalyahoow ka gaday, janankii Diigoole
- Dibna inaan laguu aaminayn, gali dubaaqaaqa
-
- Dhoodaan
Duquu la hadlayey iyo, wuxuu dareemaayey
- Dana sheegadkoodii adoon, lagu dubaaqaynin
- Bal inaad
Doxore waalan tahay, waxaa daliilkeed ah
- Meel aan laguu diranin yaad, soo dafleedahaye
- Daayayee tu kaloo ka daran, bal aan idiin duubo
-
- Duqaa iyo dadkaad cayday baan, dood yar kaa odhanne
- Dal ma helo hogaan dabacsanoo, jecel dadkiisiiye
- Duulse hadduu habaar qabo xaqaa, laga daboolaaye
- Dariiqii iblaysku u qorray yaa, dow ka raaridiye
- Daryeelkiyo wanaagaba xumahay, kaga dawoobaane
- Madaxweyne daacad ah haddii, Daayin idin siiyey
- Af-lagaado inaad soo dirtaan, ma aha dow giine
- Balse laguma diimiyo ninkii diinta aaminaye??
- Dabadhilifka raaciyo
Amxaar, yuu la diriraaye
- Waxay dab iyo baasiin yihiin,
Doora-Weynaha e
-
- Dalka sidduu u galay waa og yahay, ruux damiir lihuye
- Dabaabadiyo wuxuu ciidan dhigay, Ruushba dayi waaye
- Bangidii deyrka loo xidhay haddaa, dahab ka buuxaaye
- Dugsiyadu halkay marahayaan, hoos u maad dayinne
- Dariiq iyo wuxuu laami furay, waa mid kaa dadane
- Dalxiis baaba loo tagahayaa, buulashii dumaye
- Danlaydiyo shaqalihii yaraa, dabaqaduu gaadhay
- Dayaaxaaba lagu sii socdiyo, dagitinkiisiiye
- Doc wereenka adigaa dhigaye, lagama daaheene
- Dikadaha iyo beeraha maxaa, dabaqa kaa saaray
- Dam hadday indhuhu kaa yihiin, daawo maad gadatid
- Dib u tiri warshadihii, cidlaa dagafsanaysaaye
- Dadaal iyo kartiyo geesinimo, loo dawaan galiye
- Muruq dumay, gacan doobir leh, yey daawataa Yurub e
- Delefeeshinay soo sidaan, dowlado Carbeede
- Way dabaal degeen Washington, deeqna loo fidiye
- Intuu dunnida saaxiib la yahay,
SONA maad dalabtid?
-
- Waxba hadalku yuu ila durkine, waxaan kusoo duubay
- Kamaba diirin doodihii horiyo, diririgtaadiiye
- Siyaad baa la dilayaa ayaad, dab u shidaysaaye
- Dadku kuma maqline aniga, yaad iidan leedahaye
- Daayin naguma keeno e haddii, xal dirir lagu duugo
- Dadka intee ka noolaan lahaa, dunida maaxaaya?
- Miyuu dumarku kuu dhali lahaa, Daahir iyo Faarax?
- Duunyada miyaa rimi lahayd, duurka lagu foofsho?
- Ma dayuurad baa kici lahayd, dibada loo raaco?
- Dakadaha miyey iman lahayd, dooni qalabaysan?
- Dhirtu doog miyey bixin lahayd, adhigu kuu daaqo?
- Miyaa roobku kuu di'i lahaa, dunida maansheeya?
- Allaaba waa darmaan iyo ratiga, dooh la leeyahaye
- Ninkeebaa dameer raran lahaa, dumarka loo dhaansho?
-
- Ninkii dunidda faanaba midbaa, darajo sii dheere
- Dayax haddii aad ismooday cadceed, baa dushaada ahe
- Digniinta aan ku siinaayo waa, kama dambaystiiye
- Nin dayeysan baan kuu arkaaye, doori hadalkaaga
- Dibna ha ugu noqon eray xun, waa laga dambeeyaaye
-
- Gadabiirsay waad wada dagtaan, waadna daristaane
- Dow kama imaan Ruushan iyo, duul shisheeya ahe
- Doc bay kaa ilaashaan intaad, dibida iib gayne
- Dagaal yahanka Ciisiyo Hawiye, waa rag dowlad ahe
- Waa niman midnimo doonayiyo, dan iyo maamuuse
- Waa niman cadaawaha ku daya, dab iyo baruude
-
- Iyagu ha isdileen ama, ha is darajadeeyene
- Daarood Ismaaciil ma noqon, dariska Iidoor e
- Warhooy ducaysoo nimcada, hayska kala daadin
- Dadkana haysku kicin yaan iblays, dowyo kaa ridine
- Daayayee tu kale oo ka daran, bal aan idiin duubo
-
- Qaxootiga haddii aad diidan tahay, dibadahaa jooga
- Isha nimanka dabayoo dhan, waa dagaladiiniiye
- Dadkii
Wajaaliyo ka yimid, dacaladiisiiye
- Dameerihii iyo lo'dii baa kabaxay, waagii
Daba-Dheere
- Daarood haday beerayaan, adigu daawayso
- Daayayee tu kale oo ka daran, bal aan idiin duubo
-
- Idinkaa dabaasha oon af-xumo, daynin waligiine
- Dibnahayga uma quudhi karo, cay dadweynaha e
- Dul badnaanta waa lagu og yahay, nimanka Darood e
- Duud iyo cag dheeroow intaad, igu duqaynayso
- Haddaan
Daba-Cayuun odhan lahaa, anigu kaa daayey
-
- Absame duunyo iyo kaama rabo, dad iyo xoogayne
- Daaduuna kuuguma iman, daayinkaa abid e
- In
kastoos dalkiisii ka yimid, oo daris ku soo mooday
- Adaa dana ku qaba ways naqaan, labada daanoode
- deg deg buu ahaa meeshiisiyo, nala dagtiisiiye??
- Waxaa dayinkiisba u khalqaday, dirirta gaalaade
- Dunbukhay u jecel yihiin,
wixii deeq la soo rogaye
-
- Mid haddii aan ku sii darana, waa sidigta doogaad e
- Inay daafacaan labada dhinac, diidi ma hayaane
- Daaruhu waxay nala yihiin, duudahoo kale e
- Dano sheegadkaagii haddaan, dacal kasii taabto
- Dalka waxa kasoo baxa irsaaq, dalag leh weeyaane
- Dibigiyu wankiyo goolku waa, sida dareentaase
- Anigaaba duunyo iyo maal, kaa dammaan badane
- Dabkaad sheegi
iyo lacahagaad, deeqda igu siisay
- Ma Qadaafi tuu soo diraan, kugula daawaysan?
- Daayayee tu kaloo ka daran bal aan idiin duubo
-
- Darjad iyo dadkaad cayday baan, dow yar kaa odhan e
- Dagaalyahanku
Gubadleey kolkuu, dunida ku heshiiyay
- Iyagoo dabkoodii sitiyo, boobe dananaaya
- Dagtana
saaray kaaraha wixii, lagu duqaynaayey
- Duleedkii Godey labada mayl, waayagii dagaye
- Durba Xabashigii waxaa u tagay, qaar uu soo diraye
- Gaadiidka waa kii dalbaday, doorna soo kiciye
- Damuunka
iyo siigadii arkiyo, digigiftiisiiye
- Iyaguna dhufays xero ka gale, jeexde dabadeede
- Dukumdaakum waa kuwii ka dhigay, gaalo dabaq leeye
- Dabkii laga furtaa geeljirkiyo, dumarkii qaateene
- Daribtooda haadkiyo ka dharag, habar dugaagiiye
- Adiguna dubkaad uga naxday, iyo diirka oogada e
- Duray waa u lahaydeen inaad, dacalka saartaane
- Boqolkii degmo ees joogi jiray, looga dacareeye
- Kolkii goboladdii lagu dirqiyey, qoday damuun dheere
- Ilaahay ha daayee Siyaad, baa war loo diraye
- Isna ciidankii buu dalbaday, duhur dharaareed e
- Danbaaburadiyo qiiqii ka kacay, yaabtay dunidiiye
- Dalkii waan xoraynaye ragbaa, loogu dow galaye
- Daba-dhilif sidaadaa Caloow, waa dareemada e
-
- Waxba hadalku yuu ila durkine, waxaan kusoo duubay
- Saamaha dulkaa kaga gur yaan, dood yar kaa odhane
- Deegtii dhawayd ee Jigjiga, duulkii laga saaray
- Sidii deyr dhal soo oomay, yaad deyrka jabiseene
- Isagoo dagaalkii socdaad, dalaq tidhaahdaane
- Dukaamiyo makhaayado dhigtiyo, dumaradiiniiye
- Dalka lagaama xigo ee naftaad, dib u dhigaysaaye
- Waxaad dooni waligaa rag uun, kuu dagaalamo e
- Ood waliba dood iyo af-xumo, ugu daraysaane
- In kastoo doorarkaygii lumeen, daanana i gaadhay
- Gugii da'aba qaarbaa kaca oo, dooyi gali laaye?
- Dirqina way ku dhali qaalintii, dacasha dheerayde
- Dawladan madoow inaan Hawaas, duhur ka taagayno
- Dibna looga laabmayn ilaa ay, deeqa noo curato
- Mid dicaayad soo fidiya iyo, doolar mid isiiya
- Ninkan Xayle soo daba socdoow, dan iyo aashaada
Cali
Xasan Adan (Cali
Banfis)
gabayadiisii intaan ka maqalnay waxaan kuusoo qaadaynaa beydad
tusaale kuugu filan:
-
Daarood marbuu ii ahaa,
mulac sidiisiiye
-
Mudug baan kasoo qaadi jiray,
maydhab caga weyne
-
Milmil iyo Bulaalaba ka dhimay,
muranadiiniiye
-
Geeltoosiyuhu waa Absame,
galafdhabaayaaye
-
Galsha miirka iyo uuskii bay,
galalafaayaane
-
Geedkii awowgood lagu dileey,
garab yaxoobaane
-
Gidaaraday la wada yuururaan,
gar iyo ceebayse
-
Waxay talo ku gaadheen inay,
laba godleeyaane
-
Haddee yaa na gaday waa intay,
garsho siisaaye
-
Dhaqaalihii godbaa looga riday,
gaananaan jiaraye
-
Ayax gacan wax lagasiinayaan,
ciddi wax gaadhssine
-
Guuriye Cagdheeroow hunguri,
gabiyo kaa tuurye
-
Koodhkii
Afweyniyo
la tuur,
kab iyo xaarkeede
-
Kontanlihii Rashiid lagu diliyo,
Kanadi
baw yaale
-
Keebka iyo liishaanku waa,
kama danbaystiiye
-
Dameekuba kabaalada marbuu,
kabax kasiiyaaye
-
Kudkudaa u liitoo nin geed,
waa ka kiciyaaye
-
Tolkayoow maxaa u kuududaan,
la
idin kooreeye
-
Dooxaa Hargaysaan masaal,
kuugu darayaaye
-
Mareexaankii waa kaa ka dagay,
labada daamoode
-
Daaradaan lahaa baa Tindheer,
igula doodaaye
-
Magaaladu hadday durugtay,
waa daris collaadeede
-
Iyagaa dalkoodii ka yimid,
duulka soo qaxaye
-
Daaduunkan ay keenayaan,
kama daweeyaane
-
Dushaa adi lagaa saarayaa,
kugu danaystaane
-
-
Mareexaankii raamaha lahaa,
reer walba u taliye
-
Rumaankii xabaalaha ka baxay,
raas qudhaa cunaye
-
Raqba
aarku neefkuu dilo,
yuu raanka maqashiine
-
Kuruskuu rudhaayo yuu,
ka kale wax uga reebaaye
-
Daarood cadkuu kala ritaa,
waysla ruga gayne
-
Maanta rarada la
i
saarayaa,
waysla ruga gayne
-
Ruugcadaadigaa haysta iyo,
adiga raw raw leh1
-
Hadba calanka kiinii rahmaa,
waysla ruga gayne
Ruugcaddaadiga wuxuu ujeeda Siyaad Bare, 'adiga raw raw lehna'
Cabdullahi Yuusuf Yey (SSDF)
|