The largest
online collection of Somali poetry

Gabaygan la baxay Olol Reema wuxuu abwaanku ugu jawaabayey nin Isaaq
ah oo la yidhaahdo Cali Banfis oo gabayo dhowr ah oo uu Soomaali
oo dhan ku aflagaadeeyey tiriyey. Gabayadaa beydad ka mid ah
waxaad ku arki kartaa dhamaadka Olol Reema. Daroodku waxay
kaga jawaabeen gabayadii Cali Banfis saddex gabay, intaan anigu
ogahay. Laba gabay waxaa tiriyey
Yuusuf Colaad. Markii
uu waanidii iyo wax u sheegii Yuusuf qaadan waayey Cali Banfis
af-xumadiina uu joojin waayey ayuu Makayte ooda kaga qaaday gabaygan
oo aadna u dheer af-dhabaandhaw iyo aamusna ku riday Cali Banfis.
Wuxuu yidhi Makayte:
1.
War gabaygu waa awow iyo ab iyo, oday kasoo
gaadhe
2. Ninkii
ila-qalwayn moodayayow, waa umuur culuse
3. Ilaha
Faafaneed buu ka helay, aarkii diidsadaye??
4. Kolkuu
Raage uugaamiyuu, Maaxna
oogsadaye
5.
6. Aniguna
ishaartii ku helay, inaan idhaahdaaye
7. Unkad
iyo hilaac baygu dhacay, uuro iyo roobe
8. Illo
soo wada fakaday, eega la i moodye
9. Ilaaq
iyo saleeliyo ma galo, aadba kurayeyne
10. Abwaankiyo
ninkii shaacir
ehee, odhanba mooyaane
11. Waa
waxaan amaah lagu helayn, iibna lagu waaye
12.
13. Hayeeshee
waxaa aamusoon, amug ahaadaaba
14. Indhahayga
waxaan duubo oon, dib u ilkaadaaba
15. Arin
ugub ah waxaan fiiriyoon, uurka celiyaaba
16. Unkad
gabaygu feedhaha, wuxuu iihda ka hayaaba
17.
18. Sidii
igadh saleelaba waxaan, inamo diidaaba
19. Ilkaha
iyo waxaan miciyihii, iriq ka siiyaaba
20. Siddii
aar libaax waxaan dibanaha, kala ilaalshaaba
21. Ardaagii
naxwuhu ii fadhiyey, waxaan ilaaqaaba
22. Ogol
diidan maansada waxaan, ku ag wareegaaba
23. Obabka
iyo kulaylaha waxaan, orod ku jiidhaaba
24. Ishaaradu
siday tahay waxaan, u anba qaadaaba
25. Adkaysiga
waxaan badiyo oon, urugo reemaaba
26. Ururka
iyo Sugraa ii waramay, xalay alleylkiiye
27. Sidaa
aawadeed gabayganaan, soo awaajiyeye
28.
29. Ujeedada
murtidu daaran tahay, waa in la arkaaye
30. Aqoonyahan
waxaa loo ogaa, ubaxa Daroode
31. Agafaaradii
iyo hadday, adhi-jirtii heestay
32. Awr
dabar la’aan dhacay libaax, aano waw yahaye
33. Ey
waliba maansada hadduu, nagu ataagaayo
34. Olol
Reema waa inaan tirshaa, uubo kala jeexe
35.
36. Ha
la aamusee……………………
37. Adin-dheere
iyo bii’em waa, inaan istaadhaaye
38. Olyatiibadaan
maaganahay, amarka la i siiyey
39. Abaartaan
la rabo waa inaan, eber ka siiyaaye
40. Argagixiso
waa inaan ku rido, nimanka Iidoore
41.
42. Uluuf
iyo uluuf iyo lag xaraf, ararta suugaan ah
43. Oo
lala irkago waa inaan, anigu sheegaaye
44. Taariikhda
laga soo askumo, Aadan iyo Xaawo
45. Asaxaabihi
diinta ee, odhan ogaa sowdka
46. Anbiyaaladii
iyo dhamaan, awliyada oo dhan
47. Intii
dhimitay iyo uumiyaha, eega waxa jooga
48. Awaw
iyo adeer aabo, iyo aniyo xigaalo
49. Abtirsiintu
way soo ahayd, abidankeediiye
50. Ninba
meel unbuu kaga aadan
yahay, kuna arooraaye
51. Iidoorigaa
iidooridii, inantu noo keentay
52. Awr-jiraalihii
soo gabyayow, erayadaad baantay
53.
54. Awow,
Reer Aw, Absame Kuumadiyo, ubaxa Darood ah
55. Ariirow
Aboow iyo Hawiye, eega Gadabuursi
56. Oromo
iyo Reer Adari iyo, Ayka iyo Ciise
57. Af
kastaba ha lagu kala hadlee, idilka Soomaali
58. Ummadaa
asiiliga ahee, adiga kaa fiican
59. Af-lagaadadaad
wadar ahaan, ooda kaga qaaday
60.
61. Anshax
xumadaad soo dirtiyo, aana kala sheega
62. Umuur
aanan filaynin baad, ku andacooteene
63. Nacii
uurka kuu jiifay buu, xaday afkaagiiye
64. Iidha
kaa khasaartaad lahayd, waa laguu odhane
65.
66. Aqalada
Tindheer iyo hadaad, ehelka diidayso
67. Idinkoo
abaal nagu qabaa, la arki doonaaye
68. Inaad
akhasu-naas tahay horaan, kuu aqoon jiraye
69. Waa
inan-gumeed caadadii, erayadaadiiye
70. Ku
ogaaday oo waan arkaa, alamba’aagiiye
71. Adi
iyo ayeydaaba waad, edeb daraydeene
72. Bal
in aabahaa iyo la gubo, adiga ruuxaaga
73. Uruurshaha
Kacaankiyo maxaa, odayga kuu geeyay
74.
75. War
ma ubuxuu kuu beeray baa, ku anfici waayey?
76. Ma
ilayskuu kuu galiyey baad, aayar shidan wayday?
77. Islaaxa
iyo nabadii miyaad, eeday tidhi maanta?
78.
79. Anbataye
bal aan kuu fasiro, ammanda’aagiiye
80. Oomanaha
jiilaaladii, lagugu aafeeyay
81. Abaartii
Ilaahay in badan, adhaxda kaa saaray
82. Ee
adhiyo geeliyo lo’diyo, ubadka kaa laysay
83. Idinkoo
ashqaran oo biyooy, na ag wareegaaya
84. Inan
baabad naga siin jirteen, awrka dhaanka ahe
85.
86. Abidkiin
abaal mana gashaan, mana awoodaane
87. Nin
abeeso koriyaan wanaag, dib ugu aayeyne
88. Ammaankii
hadduu kaaga daray, adi laguu yeelay
89. Olol
iyo dab waa inaad lugaha, aad u galisaane
90.
91. Ergi
iyo dhunkaal xoolahaan, iligta saarayne
92. Idinkuna
abuurkaad sidaa, uga ekaateene
93. Asaaskiinii
hore meel xunbaad, ka ildhabaysaane
94. Afaraydii
hiirtalay markuu, amarku kuu geeyey
95. ....
96. Asal
iyo nin farac kuu yaqaan, oo og dhaladkaaga
97. Oo
kuu abtirin baan ehee, maqal odhaahdayda
98. Abasiiniyiin
baad tihiin, ehel Xabuusheede
99. Ayaamuhuba
kala fiican iyo, aayadaha diine
100.
Alamtara kuwii lagu akhriyey, idinka weeyaane
101.
102. Arday waliba sheekhiisa waa, la af yaqaanaaye
103. Ilmuhuna wixii jira mar bay, dhab u inshaaraane
104. Marbay ununusaan ooy gartaan, iinku suu yahaye
105. Iidoor Af-Dhogor waa waxay, kuu odoraseene
106.
107. Astaamaha idiin gaar ahee, Eebe idin saaray
108. Waa
eber dabadan aan badhyaba, loo umaamadine
109. Waa
ugaadhsanaantan aad miskaha, ka ibtilowdeene
110. Iyo
inantan baas eed ragguun, la hor ordaysaane
111.
112. Toban
aabe iyo toban awoow meesha iyo, toban ayeeyadba
113. Amaan
qudha hadaad leedihiin, ma odhan waayeene
114. Idinkaa
asaagiin ka hadhay, oo iblays galaye
115. Adoontii
Muqlaad inaad tihiin, ma inkiraysaane??
116. Sidaa
aawadeed ani hadhow, iguma oydaane
117.
118. Anbataye
bal aan kuu fasiro, amanda’aagiiye
119. Aga
iyo haddee waa naxwaha, udub-dhexaadkiiye
120. Iminka
iyo naw iyo dhaga, awda iyo shiida
121. Af-Soomaaligaba
laguma qorin, erayadiiniiye
122. Islaanimada
iyo diinta aan, ku istareexayno
123. Ma
ogolidin oo meel kalaad, u indha taagtaane
124. Malaa’igaha
Ilaahay khalqaye, amarka soo qaatay
125. Idinkoon
arkayn maqalkiibaad, ku adyadayseene
126. Udgoonow
Rasuulkiina, waad ka anfariirteene
127. Allana
waxaad u caydaan siddii, uu adoon yahaye
128.
129. Sayid
Maxamed baa idin ogaa, ab iyo sii raace
130. Gabay
idin asiibaa jiroo, odayo sheegeene
131. Idinkaa
ajada miirta iyo, uuska xoolaha e
132. Wax
intaa ka daran baa jiroon, idin ogaysiine
133.
134. Shanta
qaaradood ee askuman, gaal iyo Islaanba
135. Addreeska
meeshaad gashaan, uunku falanqeeye
136. Adoonkii
Ubuur baydin dhalay, luga agaafoowe
137. Ilayska
iyo haddii aanu nahay, ubaxa Darood ah
138. Amiiro
iyo inaan boqoro nahay, waad ogsoontahaye
139. Aalkolaystayahow
miidhan ee, laysu soo uruurshay
140. Inaad
aamusnaatiyo haddii, edeb lagaa waayey
141. Waagoo
iftiimaan gacmaha, ciddi ku owdayne
142. Uuj
iyo amaajuujkii aad, adigu sheegaysay
143. Ayixii
dushaaduu dhamaan, aarmi ku hayaaye
144.
145. Otomaatik
bay wada sitaan, aalad xoog badane
146. Ayaan
gaadhi maysaan hadday, idin ataagaane
147. Inaad
na uqubaysaan unbaan, ka istixyoonaaye
148. Wallaydaan
aroor iyo habayn, nala ahaateene
149.
150. Ha
yeeshee ninkii kuu arxama, ma ogolaataane
151. Waayadan
asxaankii unbaad, umal ka qaadeene
152. Orgiyahow
adoo waalidii, alamba duulaaya
153. Aar
miciyo dhaadheer adaa, galay afkiisiiye
154. Adhaxdiyo
hadduu kaaga dagay, oofta feedhaha e
155. Haddaad
ee’ataan sida riyaha, kaa aqbali maayo
156.
157. Ergadaad
hadhow soo dirtaan, kaa aqbali maayo
158. Araare
iyo seedow i bixi, kaa aqbali maayo
159. Abtiyaal
miyaad waalateen, kaa aqbali maayo
160. Waar
miyeyna inantii ku dhalin, kaa aqbali maayo
161.
162.
Oon iyo haraad baan qabaa, kaa aqbali
maayo
163. Arqabo
iyo xigaalaan ahayn, kaa aqbali maayo
164. Uubato
iyo qaliyo hayaay, kaa aqbali maayo
165. Adhigaan
idiin qali ogaa, kaa aqbali maayo
166. Odayadaan
idiin toobi jiray, kaa aqbali maayo
167. Ummul
baan xamaali u ahaa, kaa aqbali maayo
168.
169. Ashahaado
aydaan saxayn, kaa aqbali maayo
170. Eedaankan
aydaan sugayn, kaa aqbali maayo
171. Sidii
eyro geel oo kaliil, awrka lagu qooqshay
172. Haddaad
soo amaar-goojisaan, kaa aqbali maayo
173.
174. Aqalkiisa
ruux gubahayoo, ololin reerkiisa
175. Waa
waxaan la arag oon la maqal, idinka mooyaane
176. Ummad
aydun kala qaybisaan, kaa aqbali maayo
177. Waa
ul iyo dhuuxeed kuwaad, kala eryeysaaye
178. Uur
hooyo laba wada galay, oo oday walaaleeyey
179. Ilma
adeer inaad kala dishaan, kaa aqbali maayo
180.
181. Isticmaar
jacaykiinu waa, oday kasoo gaadhe
182. Iimaankii
baa idinka maqan, edebtu saarayde
183. Inaad
calankan soo iibisaan, kaa aqbali maayo
184.
185. Soomaali
aayaha dambiyo, urursanaanteeda
186. In
gumaysi haystiyo xornimo, inuu Ilaah siiyey
187. Isu
imashadoodii dhaqsaad, u arki doontaane
188. Shanta
oday ilma-adeerku waa, tiir awood badane
189. Soomaalida
inteedaa kaliyo, aniga Darood ah
190. Oon
kala irdhaysnayni waa, mahad Ilaahaye
191. Qaranimada
reerkaa inkiray, ee irdaha jeexay
192. Waa
ey dharaar ciyey waxay, ku andacoodeene
193. Ilaalshimaha
guud ee, cadaawaha la eegaayo
194. Alool
iyo difaac dhinac walbaba, waanu ka ahaane
195. Iidoor
inaan kala tashado, kaa aqbali maayo
196.
197. Tan
ebayeye mid kale aan ka guro, ooda dhacameede
198. Ambaqaad
labaad aan ku daro, erayadaydiiye
199. Aan
istaadho miinooyinkii, aasanaan jiraye
200. Ha
uugaanto maansadu wax, soo oodmi ma ahayne
201. Unkad
iyo sidii roob hilaac, hayga oogsada e
202. Af-ku-dhogoradii
baa kibaraye, ha iga ooyeene
203. Afar
sano iyo dheeraad ilamada, ha iska duugeene
204. Alwaax
iyo siddii looxya jabay, eber ha qaateene
205. Olol
Reema aan tiriyo waa, uubo kala jeexe
206.
207. Aqli
iyo aqoonxumo darteed, inamadii heesay
208. Ee
or iyo jiib lama filaan, uunka maqashiiyey
209. Misna
oobarayn kale galow, laydinku ogaaye
210. Inyar
iyo in badan toona, khayr laydin ka idleeye
211. Abdayahay
adduun laga gudbaad, idinku joogtaane
212. Eryaaydii
dagaalkii ka dhacay, Adari guudkeeda
213. Altaleerigii
iyo bii’emkii, laysku amandhaadhshay
214. Afantariga
iyo kaarihii, laysku utunduunshay
215. Miigii
ordaayiyo hubkii, uuradii ololashay
216. Ebyan
yaa lahaayeey markii, laysku ararreentay
217. Aslaaxii
Godey maalintuu, uumigu is gaadhay
218. Aarmiga
markii laysku riday, ololka baaruuda
219. Injirlaydii
Xabashaad markaan, adhaxda naafaynay
220. Ayale
iyo markii aan Girmaba, uurta kala goynay
221. Markuu
eynigiin weerarkii, ridayey Aakeyga
222. |