The largest online collection of Somali poetry
Gabaygii 1aad ee Fakad:
-
Waayadan
daliilkii wagliyo, daayey gabaygiiye
-
Kolba aniga oo
diidanbaa, duul i kiciyaaye
-
Dibnahayga
goortaan xidhay, damalo oogaane
-
Dab munaafaq
shiday wuxuu gubaa, mu’min daacad ahe
-
Abidkay dagaal
waxaygu odhan, deris ma ceebayne
-
Degenaansho waw
leenahiyo dul iyo iimaane
-
Hayeeshee
dakanadayda, waan daba galaayaaye
-
-
Maantana war bay
soo direen, Doxorkii Iidoore
-
Doc-ka-yeedhka
hadalkoodii baa, soo dabayshadaye
-
Iyagoon dalkaba
jooginbay, doonayaan libine
-
Dulligaa Isaaq
waxaa ka dhigay, dawlad caasiga e
-
Intay gaalo
dabaroorayeen, madhay dadkoodiiye
-
Dibba wax uma
sii fiiriyaan, duulka waalaniye
-
Waa niman
daroogiyo khamrigu, diiqad galiyeene
-
Waa niman
dareenkii ka lumay oon, dawo lahayne
-
Waxa Dheeg
daluumaha ka riday, waa damiinimo e
-
Malaha wuu
deyeysnaa markuu, duubay heesaha e
-
Dawarsiga
shisheeyaha kaliyo, Doolarkaa hodaye
-
Doqon dharagtay
waa lagu yaqaan, daaca qudhunkaase
-
Dooliga
firxadayow inaan, dabino kuu qoolay
-
Ood dalaq ku
odhan waad ogtahay, deyrka kuu dhigane
-
Intii aan
dubbaha kuula iman, dalamso xaaraanta
-
-
Kolba dawdar
waalani af-xumo, hayska diixsado e
-
Dacaayadaha ha u
faafiyeen, dunida qaarkeede
-
Daba-dhilifka
Ruush iyo Amxaar, ha u durbaan tumo e
-
Duulkooda soo
hadhay safraha, hayska didiyeene
-
Dariiqyada intay
joogsadaan, duurka iyo hawdka
-
Danbiil naagi ay
sidato…………………………….
-
Dooliga
firxadayow inaan, dabino kuu qoolay
-
Ood dalaq ku
odhan waad ogtahay, deyrka kuu dhigane
-
Intii aan
dubbaha kuula iman, dalamso xaaraanta
-
-
Afartaa wax
layskuma daree, dirato maw sheegay
-
Ma daleeyey
maansada intaan, diiradda u eegay
-
Dulucdiyo
ujeedada anoon, dacal is weydaarin
-
Wali doodu way
furan tahaye, hayska sii durugto
-
-
War Dir haddii
aad tihiin amase Irir, ma aanan diideene
-
Dab qaraabo
idinkoon ahayn, haysku soo darine
-
Anigaaba kaa
diir xigoon, duray wadaagnaaye
-
Doonbiro dirkii
ay dhashayoo, duuban baa nahaye
-
Dad is raba
inaad kala dishaan, waa habeen dumaye
-
Adunbaase
dorraad nagu lahaa, duul kalana ahaye
-
Durriyadaydun
noo sheegateen, diide maanatan e
-
Doolaaladii iyo
Shariif, duubte Caliyow e
-
Labadaada daan
iyo ilkuhu way, si durayaane
-
Ha dafirin duqii
iidin dhaliyo, dihashadii hooyo
-
Inaan doorsimaad
noogu timid, waa dariiq runahe
-
Dacaloon……….,
maanta waa kama dambaystiiye
-
-
Afartaa wax
layskuma daree, dirato maw sheegay
-
Ma daleeyey
maansada intaan, diiradda u eegay
-
Dulucdiyo
ujeedada anoon, dacal is weydaarin
-
Wali doodu way
furan tahaye, hayska sii durugto
-
-
Dirridii Libaax
Qawdhan iyo, dirirtii Buuhoodle
-
Haddii aan
dagaaladii ka dhacay, dib uga faaloodo
-
Darandoori
moogada tanaa, ooga sii darane
-
Dunta Habar
Jecliyo Ciidagale, dacatigii gaadhay
-
Daan Dhagax
dabaabadaha maray, dooxa kala jiidhay
-
Sacad Muusihii
doobyi jiray, diiqadiyo yuuska
-
Dumayeeyda
naagaha hayiyo, dumarka ooyaaya
-
Hablahiina ay
dixan ilmadu, dililiqlaynayso
-
Haddii aan
raggoodii la dilin, damac ma ooyeene
-
Asaydii u
diidiyo inaa, duubcad loo xidho e
-
Lafta daadsan
duumaha ka badan, duurka iyo geedka
-
Maydkaa
dafuufiyo bakhtiga, dogob sidii yaala
-
Dacuun miyaa
galay haddaan, diiradluhu leefin
-
Mise waad ku
digan reerahaan, daniba kaa haynin
-
-
Afartaa wax
layskuma daree, dirato maw sheegay
-
Ma daleeyey
maansada intaan, diiradda u eegay
-
Dulucdiyo
ujeedada anoon, dacal is weydaarin
-
Wali doodu way
furan tahaye, hayska sii durugto
-
-
War dalkaad
sheegan dooxyaha Nugaal, dagalka Laascaano
-
Dusha Caynabaad
iyo Burciyo, dixida Gaaroodi
-
Daaraha Taleex
iyo Sanaag, darafka Boosaaso
-
Dogob iyo
degmada Cabudqaaw, Doollo iyo Caado
-
Dusha Mudug
Danood iyo Wardheer, Daaqatiyo Faafan
-
Dildilaaca
Jarareed halkay, dabac ka foofaysay
-
Dirri Sheekh
Xuseen Baali iyo, Diilimahaa Adari
-
Qabri Dahare
daantaa Godey, dahabka Mooyaale
-
Dadabtaa Wajeer
NFD, Koonfur dabadeeda
-
Dalsankii
Kismaayo iyo Luuq, dawlad badanleyda
-
Durdurada
Shabeele iyo Gebi, tan iyo Daalooti
-
Intaasuu tolkay
daadsan yahay, kuna dakeeyaaye
-
Magaca aad
sheegi waa, dawlad xoog badane
-
War Darood ku
fuul kaama dago, daayin abidkaaye
-
Intaad dunida
nooshahay anunbaa, duudka kaa rarane
-
Dacay adag
waxaan kuugu xidhay, daalinbaad tahaye
-
Haddaan dabarka
kaa furi lahayn, amaanu kaa dayno
-
Duunyadii
waraabuhu cuniyo, daayacbaad noqone
-
Dalanbaabiyahow
meel xunbaad, dalaq tidhaahdaane
-
Nin Amxaaro
Daafida u karin, amase Doofaarka
-
Dabeecuu u
leeyahay Isaaq, gaalo daba jooge
-
Dilaal iyo
hunguri waa wixii, dilay awowgoode
-
Dalkay gadan
lahaayeen haddan, laga deyrayne
-
Bal inaan
danbaabiyo inaan, run idin deeqsiiyey
-
Darwiishkiiba
waa kii lahaa, duulku waa nacabe
-
Aniguna dugaag
inay yihiin, waan kasoo digaye
-
Diiwaanka waxa
loogu dhigay, Dabacayuun eega
-
-
Dalkoo nabad ah
Soomaali oo, ul iyo diirkeed ah
-
Dab intay ku
oogaan qabiil, way ku dumiyaane
-
Dululaati baw
muuqda iyo, duuli lays wado
-
Bal dab aabahood
la naar gali, Dabacayuun eega
-
-
Daqsi malagii
galay baa ku dhaca, daamur iyo beyle
-
Dabka Baalalay
waxa ku riday, waa diciifnimo e
-
Waa dawgal
Iidoor wuxuu, noo damaaciyeye
-
Bal dab aabahood
naar la gali, Dabacayuun eega
-
-
Afartaa
daleeyeye, waa dooda gabaygee
-
Dacwad kalana
maansada, bal aan idin durduuree
-
War Daarood
Ismaaciil, waa dawlad xoog lehe
-
War Daarood
Ismaaciil waa, deyrka qarankee
-
War Daarood
Ismaaciil, calankaa dugsanayee
-
War Daarood
Ismaaciil, daba-dhilif ma raacee
-
War Daarood
Ismaaciil, duli yeeli maayee
-
-
War Daarood
Ismaaciil, dad ma kala xigtaystee
-
War Daarood
Ismaaciil, ma danaysto kaligiiye
-
War Daarood
Ismaaciil, geesi daadaheeyiyo
-
War Daarood
Ismaaciil, diric kama dhamaadee
-
Daarood
Ismaaciil, adunbaa ka dudayee
-
Daarood
Ismaaciil, dariiqooda soo raac
-
Haddii kale
dameeryahow, dulligaa ku noolow
Banfis I
Banfis
II
Yuusuf Colaad I
Yuusuf Colaad II
MakayteI
Makayte II
Makayte
III
Fakad
II
Fakad
III |