Home

Cumar Fakad

                                                              Hurgumo

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry  

Gabaygii 3aad ee Fakad:

  • Habka gabay Bashiiroow markaad, hagar ku sheegayso
  • Layskama hadaaqee inaad, hubiso weeyaane
  • Hanfado waalan waa lagu yaqaan, Hogoshka Iidoore
  • Hawhawda iyo faanku waa, hadhadhacdiiniiye
  • Horayna waxaad u eedeeni waa, hawl ogaan li’iye
  •  
  • Waxa kugu haboonaydi waa, dee hayaay jabaye
  • Hinbiriirsi baa kuu eg iyo, hoogaydii dumare
  • Adunbaa habasaamaye tolkaa, hoyey dhamaantiiye
  • Waxaad u hanbalyeyn malaha waa, hoygii aakharo e
  •  
  • Halkay maanta joogtiyo runtii, waad hareer mariye
  • Adunbaa hordhacay maansadii, hibadu saarayde
  • Hareeraha Awaariyo Dig iyo, Harada meesheeda
  • Hardankiyo dagaaladii ka dhacay, bal aan ka haasaawo
  •  
  • Rag is helay hujuun laba qabiil, hurisay baruuda
  • Habarwacasho hebel yaa lahaa, Hawsarku is dhaafay
  • Kolba libinta koodii hayuu, hadal u toosnaaye??
  • Hor Ilaahna inaa loo gabyaa, way haboon tahaye
  • Anigoo is huba beenna aan, idinku haasaawin
  • Hoodiyo nasiib geesinimo, hibo naloo siiye
  • Haddii nimay gashaa Reer Isaaq, hawd ku weerara e
  •  
  • Habar Yoonis iyo Ciidagale, Hoobiyuhu leefye
  • Haadkiyo waraabuhu ka dharag, halablahoodiiye
  • Iblayskii hogaanka u qabtiyo, haatufkii lumiyey
  • Halasuu ku shiday Reer Mataan, waana la hubaaye
  •  
  • Kuwii kibirka heeheetin jiray, hayta Damal Aadan
  • Hagoogtii xumayd iyo qabkii, waa huf iyo beene
  • Mar haddii dagaal laysku helo, hoorin ma hayaane
  • Hareeraha markii lagaga riday, hollaca baaruuda
  • Higta qoriga Baasuukahay, kala halaabeene
  • Huluushay galeen iyo cidlaa, bahal ku hiigaaye
  •  
  • Hindidibintii Guuleed Suldaan, horayba loo waaye??
  • Maantana halaag baa ku dhacay, hadimo waa weyne
  • Halbawlaha sidaanu u jaree, hanaq gu’ii gaadhay
  • Halac iyo waxa garan lahaa, halaqii dheeraaye
  •  
  • Cabdi Ciise waa kaa hingalan ee, la heensadaye
  • Hanbadii Dhurwaaliyo agoon, malagu soo hoyiyey
  • Haabaan inaan lagaga tagin, helay warkoodiiye
  •  
  • Halkii Reer Gobdoon loogu tagay, way hortaaganiye
  • Horweynkaa ka dida meydka yaal, hogobka maygaage
  • Huyuc iyo qunmuunkooda waa, lagu hunqaacaaye
  • Meydkooda yaa nooga hara, haadu cuni weyday
  •  
  • Waxa Yoonis kali loogu helay, waa hadhownimo e
  • Iyagaa halkii laga cabsaday soo, hadeedibaye
  • Haddii himilo leeyahay cidlada, kuma habaabeene
  • Dagaal lagu heshiiyaa haddana, looga hoos baxaye
  • Waxaa hoday kuwii soo hormaray ee, ………..
  • Habaskii bal daya uu libaax, ku haldadawsiiyey
  •  
  • Hantaataca Bashiir iyo wuxuu, ku hadlay beerkiisa??
  • Halna nimaan ogayn bay la tahay, inay wax haystaane
  • Hal-abuuradii Ciidagale, hooba lagu duufay
  • Dheegii horeeyiyo Bashiir, hal isma dhaamaane
  • Abidkoodba gabay aan hufnayn, way hirgaliyaane
  • Sida hawtulhamagoo kalay, halasa jiidheene
  • Iyagay hubsiin li’i dishaye, aan habka u sheega
  •  
  • War hudhudyahow intaad reer tolkay, hoos u kala qaybin
  • Amaad Reer Subeerka isku hurin, eed hurgumo baadhi
  • Eed Caliyo Haruun ka dhigi, maanta laba heeris
  • Hareertaada eeg waxaad Isaaq, habar agoontaysay
  •  
  • Kuwaad hiil ka sugi waa raggaad, horay u layseene
  • Hundihii Bulaaliyo waxaa Arab, halkaa yiilay
  • Habaw buu Hargaysa ula tagay, hiijaduu qabaye
  • Markaad maganta kala hoos baxdeen, kaa hayaan guraye
  • Hareertaada inay soo degaan, haw hiloobina e
  • Ma halmaantay hanadkii dhashiyo, hadaladii Faarax
  •  
  • Awal horay wuxuu kuugu nacay, waa dabkaad hurine   
  • Intaad balada heeryeysan tahay, hiilla kugu diidye
  • Nabadaad hogaanka u jartee, lagugu haaraamay
  • Adunbay ku wada hiifayaan, kuna huruufaane
  • Markay taladu kaa hoostay bay, nala heshiiyeene
  • Heeshiga dhulkaygiyo nimcay, ka hirqanaayaane
  • Adiguu habaaskiyo ku dilay, hollac abaareede
  • Ma halmaantay inuu kaaga hadhay, hooda xumadiina
  •  
  • Haamaha yar yar ee Ciidagale, waad hamadisaane
  • Hanaqaadi maayaan intaad, u hanjabaysaane
  • Hantidiisa adigaa ka dhacay, hogolkii Guuleede
  • Horweynkooda sidii loola tagay, caydh la haajire e
  • Markii halaha soo celi Gahayr, looga hadhi waayey
  • Ergadii hagoognayd markay, daba hiqlaynaysay
  • Hal-abuurka gabayguu ku yidhi, waan hayaa waliye
  • Ma hoygii Makaad baan gubay, kaga huleeleene
  • Ma halmaantay hoobaan xeryaha, waata kuu hoyane
  •  
  • Abokor Muuse idinkaa haligay, oo halkaa dhigaye
  • Nimankaad habeen iyo dharaar, gibirka hoolaysay
  • Huqdi iyo caloolxumo u gale, hoyga Sacad Muuse
  • Maroodiga Hirmiyo Faafan iyo, hilada daaqaaya
  • Nimankaad hogaan bara ku tiri, hana la ii keeno
  • Haday maanta kuu hiiliyeen, haybna kula sheegan
  • Iyagana hadbaa nagu waday, lama hujuumeene
  • War meydkooda haadda u wadhnaye, ha iska hiinbaarto
  •  
  • Gaashaanbuuri waa niman hurdoo, hoos u foorara e
  • Iyagoon heshiis kula ahayn, hoog adaa badaye
  • Habaarkaad qabteen iyo dhibaad, ugu horseedeene
  • Hawadii la eediyo wadbaa, loo hadoodilaye
  • Maxay ku hadlayaan maanta waa, hadur raggoodiiye
  •  
  • Afartaa hordhaca maansadiyo, hadalo waayeel dheh
  • Hiddo gabay waw leenahee, hibo liibaan dheh
  • Cirkoo hooray hogol soo da’diyo, hagagacdii roob dheh
  • Hoobaan bislaatiyo nimciyo, Haradii Ciideed dheh
  • Ciidagale hanbooriga ku dhacay, oon haraatinay dheh
  • Libintay heleen Reer Isaaq, ku hadalkeedii dheh
  •  
  • War Ogaadeen hugoodiyo anoon, haybta sare gaadhin
  • Cabdilloon hirkaa iyo hirkaa, heega soo kicinin
  • Haruun Maxaadaar isagoo, kugu dul heedaaman
  • Halgamaagii Reer Cali isagoon, farasba heensaynin
  • Xataa horinta Guuled dhanayn, hawl kalaan jiraye
  • Makaahiilku wuu kaa hurdaye, soo hanbaabulanye
  • Hiiraan Bah Garidaa jirtaa, hawd usoo socone
  • Cawlyahan hubkiisii wataa, idin hareerayne
  • Oon hoorimaad culisi di’in, hayrafna is gaadhin??
  • Haddad haabso tidhi tobanka heer, haddiyad weeyaane
  • Horraantiiba Reer Fiqi Cigaal, way ku huriyeene
  •  
  • Waxaa hanadadiinii la dhigay, meel habaas badane
  • Hablaha ooyi dumarkaa hingalan, hoog la wada weeran
  • Heeliyo ciyaar ha ugu darin. Huga lagaa qaadye
  • Hawlaha dagaalkiyo adoon, harawadii joogin
  • Adigoo Hudheelada Carbeed, hilibka shiilaaya
  • Hooyaalaydaadiyo ka daa, hawtigiyo faanka
  •  
  • Heeshiga Bulaalaan cabnaa, hoorigii tiriyey
  • Halwadii xaggaa kuugu timid, waa huf iyo beene
  • Haamahay kasoo dhaamiyeen, harada Geedgeedle??
  • Ee hoosta loo dhigay cusbaday, kugu hanqaareene
  • …..
  • Hawadii xumayd iyo hadduu, hadalkii beenoobay
  • Ooydaan helayn meelahaad, u hanqal taagaysay
  • Hantidii lagaa qaadey ee, hayso shilinkaaga
  •  
  • Hareertuu ka galay Reer Wacays, heerihii guba e??
  • Iyagoo hamuunyeysan cadho, hiirta weerara e
  • Hinfidhkooda goortay arkeen, hiliblihii yaacye
  • Ma hanbayn halwihii kala ma hadhin, horoglayaashiiye??
  • Hardihii Baha Ciida Gale, hanatay dhuusawe??
  • Hiddaha waranku nimankuu fadhiyey, ku hanti Haaruune
  • Waxay hubkiina u furteen, waa halyeynimo e
  • Hanbalyo iyo salaan baan u diray, Hawd raggaa jira e
  • Anigoon hafrayn Reer tolkay, libinta kasoo hoye e
  •  
  • Idinkuna gacmahaad hoorsateenoo, waad haliganteene
  • Hiimhiimsigaad Ciidagaloow, hibasho ooyeyso
  • Yaa nala heshiiyaayda nabad, kuma helaysaane
  • Hab-nugeylku waa maxay, dagaal wuu hor leeyahaye!

 

Banfis I

Banfis II

Yuusuf Colaad I

Yuusuf Colaad II

MakayteI

Makayte II

Makayte III

Fakad I

Fakad II

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.