Home

Makayte

                                                              Dul-Fakhaar

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry  

Gabaygii 2aad ee Makayte:

  • Indhawaydba deelkiisa gabay, kuma dadaalayne
  • Ma danaynin mansooyinkii, dahabku saaraaye
  • Dood shir weyn kama akhriyin, laba diraacoode
  • Deyrtiyo Xagaagiyo gugay, duul i kiciyeene
  • Hadba aniga oo daayey baa, laygu dirayaaye
  • In kastoon dadaalkii badnaa, badi u sii daayey
  • Ma dacniyini daartaan ku xidhay, damacii geeraarka
  • Cawaan daboolkiyo ka rogi dadabtii saarayde
  •  
  • Caawaan sidii roobka da’ay, dooxyo soo rogiye
  • Caawaan daruurihii mudmudi, ii dadnaan jiraye
  • Caawaan daroorimo fasaxan, idin dabaalsiine
  • Caawaan durbaankiyo u tumi, daramalkaygiiye
  • Caawaan dafkiyo muusigii, soo diyaarsadaye
  • Duruustaan idiin soo wadiyo, dood-cilmiyadayda
  • Caawaan darasaqiintiin ku qali, daalinka ahaaye
  • Caawaan dareemada ku hurin, dab iyo baasiine
  • Caawaan dogobyo saarsaarayaa, duur intaan shido e
  • Caawaan sidii aar wax dilay, diihanayn kariye
  • Dibnahaygu caaway karaan, doob dhaw iyo reene
  • Oon doonayaba siinayaa, deelka maansada e
  • Dul-ka-hoor inay tahay naxwaha, taan u door biday ah
  • Caawaan dareensiinayaa, dunida guudkeede
  • Caawaan danabyo soo tuurayaa, dakharo waa weyne
  • Maxaa yeelay Dooxaadhkii baa, diiday nabadiiye
  • Damac iyo Isaaq dacar hunguri, doobkaha u culaye
  • Dib u socodkii soo caytamiyo, dulankii soo heesay
  • Waa dawdar waashay iyo waxaan, dhaamin duulkuba e
  • Iidoor ergadii loo diraba, samaha diidaaya
  • Waa dawgal iyo bixiso iyo, diga jabkoodiiye
  • Ha la daayadii bay si kale, wax u dareemeene
  • Kol haddii dadaalkii badnaa, dacati loo qaatay
  • Dubahaygii caawaan la dhici, diiranaan jiraye
  • Cawaan daakhil iyo guud ku kicin, dawlad kaamile ehe
  • Dukumdaakum caawaan ka dhigi, Reer Dubaaqsane
  •  
  • Afartaa wax layskuma daree, deel ma higaadshay
  • Durbaan iyo daf iyo muusik, iyo daramal maw qaatay
  • Ma ka daayey deel qaafku, waa kaa dilaa gabaye
  • Doc ka fuulka kaadsiinyahaa, looga door bidaye
  • Intaan darafta raadkiisu jiray anigu doonaayey
  • Een daahay la i mood inaan, daayey gabaygiiye
  • Kol haddaan dawaarkii rogoon, diiradii u qaatay
  • Dulucdiyo u jeedada naxwaha, dood cilmiyadayda
  • Danta aan ka leeyahay xikmadan, daayin igu beeray
  • Dabcan inay abwaanadu gartaan, saan u daadagaye
  • Ku darsoo mid kale hoo, haddaad daristay taan sheegay
  •  
  • Daarood iyo intaan Dabacayuun, doodu ila gaadhin
  • Dadba wuxuu ahaan jiray bal aan, dib uga faaloodo
  • Sooyaaladii durugsanaa aan, dadka u sheego
  • Ma duugowdo taariikhdu way, kala dambaysaaye
  • Waa sida dorraad iyo shaliyo, manta duhurkiiye
  • Ilaa duudkii Nabi Aadan iyo, dihashadii Xaawo
  • Maalintuu Iblaysku isku diray, uu dareen galiyey
  • Iyo doorkan oo lagu dhex jiro, Shiigii dabayaaqo
  • Dadkii soo farcamay ee tarmay, ee duurka kala aaday
  • Ee badh diinta caasiyey intuu, diiday Nabigeena (csw)
  • Badhna uu dafiray Eebaheen, daayinimadiisa
  • Badhna laba dibleeyee noqdeen, diinba waxaan haysan
  • Badhna ay dariiqii mareen, la iska doonaayey
  • Intaasoo kun wada dooc ah baa, duulba meel maraye
  • Dibse haddaan u falanqayno oo, faalo lagu daaho
  • Daarood iyo u maynaan sinayn, Doxorka Iidoore
  • Dadkii baydhay jeerbaad tihiin, ee la duufsadaye
  • Abidkiin dariiq waxaad furtaan, ceeb ku daabacane
  • Sidaa iyo darteed baad khalqiga, uga dayowdeene
  • Deyraad ahaydeen hadda, unbaad durduriseene
  • Darisnimada awgeed unbaad, noogu dayateene
  • Ilaa duudkii Nabi Aadan, waad naga dambayseene
  •  
  • Daarood waxyaabaha badhkood, uma dulqaataane
  •  Kufaarada intay dabagalaan, lama dakeeyaane
  • Daroogiyo khamrida lama cabaan, mana daryeelaane
  • Darin iyo furaash uma dhigaan, dumar ma siiyaane
  • Gabadh daawashiyo qurux lehoo, dahab la moodaayo
  • Ingiriis kagama doorsadaan, doollar lacageede
  • Dusha calankan Alla noo sudhee, doogdoogad aah
  • Dabaqlayda Xabashaad heshiis, kagama doonaane
  • Dalkana intay ka dhoofaan dudmiyo, damac ma keenaane
  • Diintana ma caayaan intay, darajo moodaane
  • Haddaan beenta sidii deyr dhal geel, loo danbarinaynin
  • Oon sida dayuuskii xumaa, lagu danbaabaynin
  • Dunta boqorku waa reer tolkay, laysku daba daalye
  •  
  • Daarood sidaasuu xalaal, daahira u yahaye
  • Darajada Ilaahay baxshiyo, deeqda nala siiyey
  • Ninkii du’ yidhaahdow ba, waad dabar go’aysaaye
  • Dawlad caasiga iyo ha is qabeen, Reer Dubaaqsane
  • Duubuhu intaanu ku dhicin, dunidan guudkeeda
  • Dalkan iyo anunbaa xukumi, kaa la dooniba e
  • Ma cirkaydun degi weydun rari, doorka manta ahe
  •  
  • Afartaa wax layskuma daree, deel ma higaadshay
  • Durbaan iyo daf iyo muusik, iyo daramal maw qaatay
  • Ma ka daayey deel qaafku, waa kaa dilaa gabaye
  • Doc ka fuulka kaadsiinyahaa, looga door bidaye
  • Intaan darafta raadkiisu jiray anigu doonaayey
  • Een daahay la i mood inaan, daayey gabaygiiye
  • Kol haddaan dawaarkii rogoon, diiradii u qaatay
  • Dulucdiyo u jeedada naxwaha, dood cilmiyadayda
  • Danta aan ka leeyahay xikmadan, daayin igu beeray
  • Dabcan inay abwaanadu gartaan, saan u daadagaye
  • Ku darsoo mid kale hoo, haddaad daristay taan sheegay
  •  
  • Duliyahow damiinyahow waxyahow, dawgii ka habaabay
  • Dulanyahow gumaysiga ku diray, dalowyo kaa tuurye
  • Ducfiyahow dameeryahow ka ciyey, labada daamoodba
  • Diciifyahow daanyeeryahow xun, ee dibad kasoo qeylshay
  • Hadba wixii idiin daran unbaad, dalaq tidhaahdaane
  • Ceebtiinii aan dadi jiray baad, dacal faruurteene
  • Khaniisnimo adaa dir u lahaa, daa’in abidkaaye
  • Adiyo duud xamaalkii ku dhalay, oon dalkaba joogin
  • Yaa diirka soo beecsan jiray, dubka oogada
  • Dayuus baad tihiin aan kollaba, daahir noqonayne
  • Dudumada ka maydh baad tihiin, durufka ciideede
  • Daba-dhilifkii Xaylow Dhergigu, waydin duufsadaye
  • Dulkaa laga gub oo aabahaa, shiil la daba qaadye
  • Dadka qaranka noo maamulee, dawlada hogaansha
  • Ha dacaayadayn madaxda, ways duray naqaanaaye
  •  
  • Darxumada Kacaankii tirtiray, ee dadka habeeyey
  • Isku duubnideeniyo bulshada, saan u daadihino
  • Dareen garasho xaajooyinkii, dayga laga naadshay
  • Ma degdega Siyaad hadaladuu, dunida gaadhsiiyey
  • Way deeqi karayaan qofkii, dhaga duleelaaye
  • Damiinkiyo midkii liita iyo, doxorna yeelkiiye
  •  
  • Gafuur cadho ninkiisuu dilaa, duul horaa yidhiye
  • Sidaa kama duwana ruux ka diday, dagaladiisiiye
  • Waydinka duuf inaan sasabo, idin duraantaaye
  • Ma cirkaydun dagi waydun rari, doorka maanta ahe
  •  
  • War duriyad iyo Irir iyo, Dir baad nagula doodaane
  • Abtirsiimada kuma duxdaan, dariska mooyaane
  • Soomaali oo duuban oo, ul iyo diirkeed ah
  • Dilaaliyo malaalnimo unbaad, kula dul meertaane
  • Idin doonimaayaan kuwaad, dadabsanaysaane
  • Difeetiyo sidiinaba haddii, daamur idin fuulay
  • Oo dabaaqad sida xoolihii, laydin kala daalay
  • Asaydaan dadayn wayla yaab, waxaad ku doodaane
  •  
  • Olol Reema deyr bay ahayd, aan idiin digay
  • Dul Fakhaar haddaan idin la dhici, daabcad iyo seefe
  • Haddaad dabinkii iisoo gasheen, waan dalacayaaye
  • Dabxidh iyo haddaan idinku ridi, damug rasaaseede
  • Gantaal kaan idiin door bidee, idin duqaynaayey
  • Haddaa suufkii laga diirayaa, sun iyo deemaaqe
  • Dushaydaadba eeday iyo intaan, daaya leeyahaye
  • Haddaan dibinta kuu marinayaa, dacar khadhaadhiiye
  • Diindiin sidiisii haddaydaan, digigixoonayne
  • Haddaydaan dudubinaynin been, deeqa iyo yuuse
  • Haddaydaan dalkaba joogi karin, dar Alla mooyaane
  • Kadaabkii dakanaduu ka galay, gabayga waa deyne
  • Suugaantuu magaceeda dilay, xaal anaa u diriye
  • Mar cirkaydun degi waydun rari, doorka maanta ahe
  • ….

Banfis I

Banfis II

Yuusuf Colaad I

Yuusuf Colaad II

MakayteI

Makayte III

Fakad I

Fakad II

Fakad III

        

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.