Home

Dur-Dur

                                                              Cumar Fakad

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry  

 

  • Ma duugowdo taariikhdu oo, waa daruus qorane

  • Dawgeeda kama leexatoo, dirrato weeyaane

  • Diiwaanadaa lagu qoroo waa, wax daabacane

  • Danbi lagama sheegee runtaa, lagu daruugaaye

  • Haddii waan dafiri aad tidhaa, way ku dabartaaye

  • Sida doxorka Iidoor anoon dalab u yeelaynin

  • Dad dilaale oo fule anoon, marin dariiqiisa

  • Sida danabka waw dhici jiree,, diiradda aan eego

 

  • Duruufihii lasoo maray haddaan, duluc ka faaloodo

  • Duulaamadeenii badanaa ee, is dabajoogay

  • Meeshiyo DArwiish iyo Gurey, danabyadii Leego

  • Iyo dawladnimo raadintii, lagu dadaalaayey

  • Gobonimo daraadeed wixii, geesi lagu duugay

  • Wixii doob la gawracay barbaar, loogu dirajeeyey

  • Dumar iyo caruuriyo wixii, odayo loo dooxay

  • Soomaali wixii loo daldalay, doonistii calanka

  • Dayaaradaaha Reer Yurub wixii, nalagu soo daayey

  • Dusha sare waxay nagaga timid, baladdii duulaysay

  • Madfac dirigriglayn iyo garneyl aad, dundumo moodid

  • Darandoori wuxuu noogu riday, diir cadow Ferenji

  • Danbaskaa wixii lagaga dhigay, dad iyo maalkeena

  • Waxay beel danaayeysan subax, dumisay eey leeftay

  • Dabaabaad wixii nalagu galay, daakirkiyo waaga

  • Dabracelinta kaaraha wixii nala, dabaalsiiyey

  • Dirir hore dorraato iyo shalay, duhurka aan joogno

  • Iidoor dagaal nalama galin, dab iyo baaruude

  • Dufan jeceshu waatay kufriga, daris ahaayeene

  • Dabadhilifka nimankii ahaa ee, na dubanaayey

  • Nimankii iblays duufsaday ee, doofil naga raacay

  • Markii Eebe noo deeqay een, dawladnimo gaadhnay

  • Deegaanta noo curatay way, uga daraysaaye

  • Maantana waxay doonayaan, duudxamaalnimo e

  • Doobkaha ku jira caanahay, daadin ooy qubiye

  • Haddaan sida dameeraha la xidhin, dabarna loo yeelin

  • Oo laysku sii daayo way, kaa dardarayaane

  • Dushay kaaga baxayaan inaad, dacaydo mooyaane

  • Haddii aadan daqlaha waran ka galin, kaama dagayaane

  • Dulli iyo xummaan waxaan ahayn, kuma dawoobaane

  • Annagaa iska daynayee intaa, way na durayaane

  • Dad aan ila sinayn baanan rabin, inaan la doodaaye

  • Dibnahayga uma quudhi jirin, daalin iyo tuuge

  • Isdaleefyadii baa kibrayoo, diiday nabadiiye

  • Daaxuuradaan korin jiraa, ii dardaar warine

  • Wuxuu Dabacayuun nagu hayaa, waa dubbuurnimo e

 

  • Kol hadduu ka duday maamulkaan, ugu danaynaayey

  • Kol hadday dushaydii badnayd, daawo dhali wayday

  • Dadaalkii iyo wanaagii haddii, dacati loo qaatay

  • Dabcigiisa ruux aan aqaan, uma duurxulo e

  • Maantana dabkay hurinayaan, dogobyo maan saaro

  • Hadalkaba ha kala daysatee, dalowyo maan jeexo

  • Kolkaa maan ha daaqee suntee, dacarta leefsiiyo

  • Daandaansigoodaa bataye maanu, kala duufno

  • Daarood Ismaaciil intaan dan, u heshiisiiyo

  • Walaalaha is dilay iyo tolkay, deynta kala siiyo

  • Dakanooyinkaa kala dhex yaal, cudurka daawaysto

  • Markii lagu damaashaado nabad, uu darajeeyo

  • Anigu dawlad baan ahaye maan, yeelo sidaan doono

  • Iidoorka doob dhabi Berbera maan, durduro jiidho

  • Waxaan dirashadayda ogolayn maan, duldhigo xoogga

  • Dunta Habar Magaadliyo Xabuush, kii duriyad sheegan

  • Siddii dalaq baruureed Isaaq, daanka maan galiyo

  • Degaanada Hargaysiyo Burcaba, maan u wada diido

  • Maan dabada qool kala maroo, didiyo oo dhoofsho

  • Dufulkiyo harkihii ay dhigteen, maan dusha u saaro

  • Dakadaha wixii iigu jira amase, maal dawlo

  • Dayaaradaha iyo baabuurtu way, ii daldalayaane

  • Markay dirawaliintaa wadaa, daal la kici waydo

  • Dameeriyo kolaan awr ku raro, waan is daaficiye

  • Dooxaadh anaan rabin inuu dib u shaqeeyaaye

  • Dad xamaale meel laga helaba, maan ka dabar gooyo

 

  • Kol haddayna doon Ferenji wadan, dacalka raacaynin

  • Dabaal kaga baxaa iyo bad weyn, damug ka siisaaba

  • Dalka joogimaayaan Isaaq, maanta dabadeede

  • Meeshuu kasoo degay mar hore, maan dib ugu laabo

  • Dirqi maan kuwado kii hadhow, diida amarkayga

  • Dinaahada libaaxaba dhurwaa, wuu ka didayaaye

  • Dugaag kale masoo galo halkii, aar dangiigsado e

  • Daryaankiisa feedhaha ka bixi, laysku deyi waaye

  • Dacaladda waxay uga maraan, waa dilaanimo e

  • Anna waxa dareeriga galaan, daw ka laliyaaye

  • Danabkayga meeshaan ku rido, waan duqayn jiaraye

  • Malaha doobir samidaydaneey, doqon i moodeene

  • Daganaanshahayga iyo la eed, daacadaan ahaye

  • Lagu dagay damani layga mood, deeqsinimadiiye

  • Kol haddaan digtoonaaday waa, kama dambaystiiye

  • Madfacaan dadaabada hayaan, soo diyaarsadaye

  • Degdeg aan u rido waa midkii, dilayey Iidoore

 

  • Hadduu diiday daanyeerkan xumi, nabad inuu daaqo

  • Duqduu yidhi shan madaxlayda, kaa iigu duurxulayey

  • Danbigii ka galay maan ka gudo, dawgal baa wado e

  • Shaxduu degay dushaba maan ka xidho, oon deleb irmaan qaado

  • Dedban aan la garaynin iyo duuban, lebi saaro

  • Hadday debinka iisoo galeen, maan dalaco wiishka

 

  • Afartaa dawaar lagu gartiyo, daramal maw yeelay

  • Ma durduuray siddii daadka oo, ilo kazoo daacay

  • Ma dinaahshay siddii aar wax dilay, daakirkiyo waaga

  • Ma daliilshay siddii sheikh cilmiga, diin ka dhiganaaya

  • Dayaxa iyo daruuraha cirkiyo samada, ma u duushay

  • Dawanada ma lulay waa anigii, daayey waayadan e

  • Dirkii loo yiqiin baan ahaye, darajo ma u yeelay

  • Iyadoo aan deelqaaf lahayn, ma idin deeqsiiyey

  • Derder oo ka gudub taasi waa, dawliskii hore

 

  • Gabayadan lasoo duubayee dunidan, loo faafin

  • Ee wiil dabbaal ahi tirshee, daa la odhan waayey

  • Qabiil dumidda Daarood colkii, dibin loo ruugi

  • Duqa caayisdiisiyo Siyaad, waanu dilidooda

  • Dacar uurka jiiftiyo suntaa daaha, laga qaaday

  • Qayladan dalluumaysa iyo guuxan, dami waayey

  • Nin rag ahi docdaa kama hadlee, waa daciifnimo e

  • Waa dawdarnimadii Isaaq, duulkan waalaniye

  • Kol haddayna gaal darin u dhigin, lana dakaynaynin

  • Oon daashka lala seexanayn, ways dibiriyaane

  • Iidoor dudmadu waa waxay dir, u lahaayeene

  • Dancigooda weeyaan inay, kula dagaalaane

  • Goortii daroogiyo khamriga, daanka laga buuxsho

  • Ee laga dibirro jaad afxumo, kama darooraane

  • Dekanooyinkii laga tageey, dib u xuuustaane

  • Taa waxaa daliil u ah haddaan, idin dareensiiyo

  • Dalka maqan dadkeenaa, jahaadka u dareeraaya

  • Docwareemad duubigaa hadgali, danabyadeenii ah

  • Way dabamaraan maalintii, foodda lays daro e

  • Dacal qudha ma raacaane, way laba dubleeyaane

  • Taa waxaa ka daran oo ka daran, oo kasii daranba

  • Dagaagiyo qaxootiga, dibbadda loo ooday

  • Darbaalada maxay uga xadeen, lagu dugsiinaayey

 

  • Dirgo’ooyinoow Xabashi bay, duray wadaagaane

  • Waa niman dariiqada Alliyo, diinta caasiyey

  • Duntii Mililikh iyo waxay sitaan, duubkii loo xidhaye

  • Dunjigoodu waa niman Yuhuud, nooga soo dagaye

  • Dadka waxay u ceebaynayaan, waa dan gooni ahe

  • Ha u daganin Soomaaliyey waan, idiin digaye

 

  • Dardar oo ka gudub taasi waa, dawliskii hore e

  • Caliyow durbaankaad tuntiyo, daramalkaad eegtay

  • Waa damac gumaysigu watoo, uu kusoo diraye

  • Waxaad dawladdan u caayi baan, daaqad ka arkaaye

  • Dooxaa Hargaysee banaan, labada daamoodba

  • Yaan layla soo degintu waa, xaalad daba dheere

  • Dusha kaama saarayn Tindheer, daaraduu galaye

  • Mareexaan wuxuu kaa dugsiin, waa dabaylaha e

  • Dagoodi iyo Raxan Weyn hablahaad, diida tidhi manta

  • Iyagoo la daadihinayoo, timaha sii daayey

  • Dorraataadba kaga iibsateen, doobka caano ahe

  • Dardarahan cusubi waa inaad, deysay gaajada e

  • Kaa darajo roon Eelaaygaa, daajin xoolaha e

  • Hadday maanta kula soo darseen, digada aad joogto

  • Oo laysku daray guurku waa, nin iyo dookhiiye

  • Danaakiri hadday jecel yihiin, dumarka reerkiinu

  • Ha u diidin waa taad wax badan, Dahabo weydeene

 

  • Ha dafirin Hawiye oo ha odhan, dabato weeyaane

  • Inuu deyrka kugu meersan yahay, gali dubaaqaaga

  • Nimankaan daraadood ku helay, deeqda iyo kheyrka

  • Een sida dalaalin u hadhsado, daafac iyo xoogga

  • Reer Awga lagu diirsadiyo, awliyada duusha

  • Ha dacaayadayn culimo waa, laga ducaystaaye

 

  • Dadka yaal degmada Boorame ee, Dilla ka baalleeya

  • Dusha Harawo diilaha Cammuud, dooxa Gadabuursay

  • Dariska iyo walaalaha isjecel, ha u dardaar warinin

  • Waxba ha igu dirin waxaanu nahay, ul iyo diirkeede

 

  • Daarood Ismaaciilna way, idin daryeelaane

  • Dusha sare dudada beesha iyo, daafigiyo khaarij

  • Iyagaa dirayska u xidhoo, doonta kuu wada e

  • Adna dirashadooda ogolow, doobbi baad tahaye

 

  • Daaf iyo abaariyo jeer kiciyo, doofane

  • Duryadheer madfaca saran iyo, diiratada Ruushka

  • Durujaaga Kuubiyo Amxaarkaanu, diriraynay

  • Idinkaa u dusaayoo halkii, dagan ogaysiine

  • Waa kii Ina Ducaaliyo rag lihi, daadahayn jiraye

  • Dibidaatiyaashiini hore, dira sirteeniiye

  • Daldalaad Khaliif wuxuu u galay, adi daraadaaye

  • Danta guud ma eegtaan haddaad, dollar aragtaane

  • Dabadhiig ka qaada iyo sun iyo, waliba daacuune

  • Ubadkiina kii dooxibaad dee walaal odhane

  • Dulliyahow dilaal iyo hunguri, dunida kaa reebye

  • Dalka nooga baxa waxaad tihiin, duul habaar qaba e

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.