|
Gabaygan Maxamuud wuxuu ka tiriyey geelii faraha
badnaa ee labaxay Indha Badane ee Ogaadeenku kasoo mooro duugay Isaaq dagaal xun
dabadii. Wuxuu abwaanku ka sheekaynayaa siddii colka loo abaabulay, hubkii
iyo saanadii uu Ogaadeenku watay, awoodii ciidan ee ay dul dhigeen Isaaq, geela
farihiisii iyo siddii la isugu keenay ee la isugu duba riday, siddii loo soo
kaxeeyay kadib markii lasoo qaaday, iyo in aan inna wax khoof ahi jirin oo
siddii geel jabadii uu saaka ka foofay usoo dheelmad ah ayaar aaranka, ilamaha,
iyo duqaydaba lasoo dalandaleeyey.
Wuxuu abwaanku ku faanayaa in uu isagu abaabulka
lahaa oo ciidanka abaanduule sare ka ahaa. Ugu dambayn Isaaq ayuu wuxuu ku
sheegayaa in aysan geelaba istaahilin inay dhaqdaan ooy adhiga uun ay tahay inay
ogaadeen. Daaroodna wuxuu lee yahay waa raggii geela lagu yaqaanay ee asal
iyo faracba u lahaa. Ma dhana gabaygu oo aad buu u dheeraa inta maqan
xilliggii la helo waa arigtideeda. Wuxuu yidhi:
-
Ilmadiid
ma fiicnee tolkay, maysku wada oogay
-
Laba
Aadan iyo Nuur Ayuub idanki, maw dhiibay
-
Abaanduulihii Muxumed Gool, ubaxa maw saarey
-
Ma
addayney eyrooy jidkuu, abadhku qaadsiiyey
-
Ilaalada
ma loo direy halkii, lagu itaalaayey
-
Ma soo
aragtay dhuur-aaddaney, araddaday joogtay
-
Ilayskiyo dabkay noo shideen, gelin ma sii aadney
-
Anoo salalay Aaskoo dam yidhi Olol ma ii kaahay
-
Oogtiyo dabkay ii shideen, galin ma sii eegtay
-
Libdhada oo in dheer le'eg miyaan, weerar ku ekeeyay
-
Ma unkaday jigraha aaddan, iyo ulayar maadhiinku
-
Ma ikrimay nin aardoonayaa, uurnugeyl ma lehe
-
Abeesaale iyo qoorbidaar uuro mays qabatay
-
Ma adkaaney erigii horey, ku ishiqaateene
-
Ma ajalay nin aar doonayaa, uur nugayl ma lahe
-
Ma
irkaagay Iidoor wuxuu, eeday baa helaye
-
Kuman uguba kuman uur leh, iyo kuman ilwaad-guun ah
-
Iyo kuman ilweyntiyo duqiyo, aarankiyo qaanka
-
Iyo
Kuman abaartii dhaloo, ubadka loo maalo
-
Iyo
kuman intay igadh yihiin, laga unuungooyey
-
Iyo
kuman abeereeyey oo awrta la ciyaarta
-
Iyo
aragsamoow baarqabkii, ayra lagu qooqshay
-
Intaasoo
kun wada ayniyaan, ku eryey qaadhkiiye
-
Iinsha-Allaahuye intii ka hadhay, baan ururin doonaaye
-
Sidi
Janan albaabada xidhoo, eemar laga dhawri
-
Ama sida
ammaradii horee, Adari oo koodhay
-
Ama
awlal malab oo shininadi, uumi uga yaacday
-
Nin
arkaa asheed maalintaan, wadanay eeraaane
-
Awaleyda
waa tay lahayd, ololka muunayse
-
Haddii
ay itaalkeed hayaan, naguma eegeene
-
Aashaa
wad mooyeen, Cillaan orodkii maw diidnay
-
Iyadoo
aleemo leh miyaan, aayar daba-luudnay
-
Ayax iyo sidii daad miyaa, layga amakaagay
-
Ingiriis
miyaa lagu matalay, aalladdaan wadanay
-
Iidoorki
saw sida tukaha, kuma ag meereysan
-
Indhabadane nimankii lahaa, ududsan maayaane
-
Waxaa
geela aanaysan jirey, ubaxa Daaroode
-
Awal
horeba kuma aadanayn, adhi-fadh Iidoore
-
Ergisaad
u hayseene haw, uur xumaanine
-
Inshaa
Allaahu kii hadhayna, waan urursanaynaaye
-
Idahaaga
dhaqo geel ninkii, odey lahaa raacye, ama
-
Idahaaga
dhaqo geelu waa, ehel ogaadeene
Haddii aad hayso inta ka dhiman ama wax khaldan aad
sixi karto, fadlan noo soo xuluuli hoos ka taxanta Internetka.
Deeq Sayid Kaariye ayaa beydadka qaarkood soo saxay.
Mahadsanid Deeq.
|