Home

Indha-Badane

                                                                             Maxamuud Cali Beenaleey

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygan Maxamuud wuxuu ka tiriyey geelii faraha badnaa ee labaxay Indha Badane ee Ogaadeenku kasoo mooro duugay Isaaq dagaal xun dabadii.  Wuxuu abwaanku ka sheekaynayaa siddii colka loo abaabulay, hubkii iyo saanadii uu Ogaadeenku watay, awoodii ciidan ee ay dul dhigeen Isaaq, geela farihiisii iyo siddii la isugu keenay ee la isugu duba riday, siddii loo soo kaxeeyay iyo in aan inna wax khoof ahi jirin oo siddii geel jabadii uu saaka ka foofay usoo dheelmad ah ayaar aaranka, ilamaha, iyo duqaydaba lasoo dalandaleeyey. 

Wuxuu Maxamuud ku faanayaa in uu isagu abaabulka lahaa oo ciidanka abaanduule sare ka ahaa.  Ugu dambayn Isaaq ayuu wuxuu ku sheegayaa in aysan geelaba istaahilin inay dhaqdaan ooy adhiga uun ku ekaadaan.  Daaroodna wuxuu lee yahay waa raggii geela lagu yaqaanay ee asal iyo faracba u lahaa.  Ma dhana gabaygu oo aad buu u dheeraa inta maqan xilliggii la helo waa arigtideeda.  Wuxuu yidhi: 

  • Iradaha gabay Islaanow baryahan, iguma oodnayne

  • Axdibaan ka maray idina waad, igu ogaydeene

  • Aflagaadadiisii necbahay, aafo godobeede

  • Annagiyo Iidoorna ways, arag nacaynaaye  

  • Ajashaan ka goyniyo waxaan, ku ijtihaadayno

  • Ajri baan ka dayayaa sidii, ubadkii Reer Caade

  • Abaabul duulaan Reer Isaaq, waw abtiriyaane

  • Ilmadiid ma fiicnee tolkay, maysku wada oogay

  • Laba Aadan iyo Nuur Ayuub, idhanka maw dhiibnay

  • Ammaanduulihii Muxumed Gool, ubaxa maw saarey

  • Maw oriyey oogii ma shiday, mana u eedaamay

  • Ma addayney eyrooy jidkuu, amarku qaadsiiyey

  • Ilaalada ma loo direy halkii, lagu astaynaayey

  • Ma soo aragtay Dhoolo aaddanney, araddaday daaqaysay

  • Odayadii iyo wiilashii, awrtii ma u dhiibnay

  • Intayadii tab iyo xoog lahayd, orod ma guuraynay

  • Anoo salalay aaskoo dam yidhi, olol ma noo kaahay
  • Ilayskiyo dabkay noo shideen, gelin ma soo aadnay

  • Libdhadoo in dheer la'eg miyaan, weerar ku ekeeyay
  • Ma unkaday jigraha aaddan, iyo ulayar maadhiinku

  • Abeesaale iyo Qoorbidaar, uuro mays qabatay

  • Sidii Imuru iyo dawladii Adari oo koodhay (Raas Imuru Xayle Salaase Ina adeerkii ayuu ujeedaa)

  • Ama janan albaabkuu fadhiyey, eemar lagu yeeshay

  • Ama awlal malaboo shinidu, uumi kaga yaacday

  • Ama ilo biyo lehoo kaliil, lagu arooraayo

  •  

  • Nin arkaa asheed maalintaan, wadanay Eeraane

  • Ma ajalay nin aar doonayaa, uur nugayl ma lahe

  • Ma adkaaney erigii horey, ku ishiqaateene

  • Ma irkagay Iidoor wuxuu, eeday baa helaye

  • Kuman uguba kuman uur lehiyo, kuman irmaan-guuna  

  • Iyo kuman ilweyntiyo duqiyo, aarankiyo qaana

  • Iyo Kuman abaartii dhaloo, ubadka loo maalo

  • Iyo kuman intay igadh yihiin, laga unuungooyey

  • Iyo kuman abeereeyey oo, awrta la ciyaarta

  • Iyo aragsamoow baarqabkii, ayra lagu qooqshay

  • Intaasoo kun wada ayniyaan, ku eryey qaadhkiiye (qaadhku waa xerada lagu qeybiyo geela)

  • Insha-Allaahuye intii ka hadhay, baan ururin doonaaye

  • Awaleyda waa tay lahayd, ololka muunayse

  • Haddii ay itaalkeed hayaan, naguma eegeene  

  • Aashaa wad mooyee Cillaan, orodkii maw diidnay

  • Iyadoo aleemo leh miyaan, aayar daba-luudnay

  • Ayax iyo sidii daad miyaa, layga amakaagay

  • Ingiriis miyaa lagu matalay, aalladdaan wadanay

  • Iidoorku saw sida tukaha, kuma ag meereysan

  • Indha-badane nimankii lahaa, ududsan maayaane

  • Awal horeba kuma aadanayn, adhi-fadh Iidoore

  • Waxaa geela aanaysan jirey, ubaxa Daaroode

  • Ergisaad u hayseene haw, uur xumaanine

  • Inshaa Allaahu kii hadhayna, waan urursanaynaaye

  • Idahaaga dhaqo geel ninkii, ab u lahaa raacye

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.