Home

Hal Gabay

                                                                                  Maxamuud Cali Beenaleey

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Geelii Indha Badane ee Ogaadeenku ka dhacay Isaaq ayuu Maxamuud ka calaamadsaday hal markii dambe loo bixiyey Hal Gabay oo uu yidhi hashaa ayaan anigu geela ku lee yahay oon kale bixi doonaa.  Tilmaamaha hashaa ayuu haddaba  abwaanku wax ka taataabanayaa.  Wuxuu yidhi:

  • Hashaan geela ka qaadan 
  • Ee tolkay ii qaban doono
  • Tilmaanteeda aan qeexo
  • Qarjaf ma aha cag weyn ah
  • Qonjar ma aha cayuun ah
  • Qayax ma aha caddiin ah
  • Qumud goodir labeeb ah
  • Qeexan oo kala jiidan 
  • Baarkaa gees u qallooca
  • Waagay qaalin ahayd bay
  • Nirig qoor jabanaysay
  • Afar qoone wadaag iyo
  • Qardhaas bay u xidheen
  • Qoodhadhka u kala jooga
  • Kii qooraanso yidhaahdaba 
  • Qosol buu u dhacaa

Ma dhamaystirna geeraarku.

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.