Home

Naagyahay

                                                                                  Maxamuud Cali Beenaleey

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Xilligii abwaanku noolaa dhaqanka Soomaalidu wuxuu ahaa in raggu uu usoo gado dumarka mariinka iyo arad baxaba.  Maxamuud ayaa haweeneey u dhaxday usoo gaday ganbo kolkaas ayeysan haweenaydii jeclaysan ganbadii oo ku tidhi Maxamuud way gaaban tahay oo guudka ii wada qarin mayso.  Xilligaa dumarka Soomaliyeed guud weyn oo aad loo dhaqaaleeyo ayey la bixi jireen.  Maxamuud ayaa isaga oo ka garaabaya in uu ka war qabo in ganbadu gaaban tahay uuse ku talo jiro inuu mid kale dhawaan soo iibin doono, afadiisana ku yara canaananaya in ay qof dumar ah oo garaad gaaban tahay ayaa tiriyey tixdan:

  • Naag yahay garaad li'idu waa geedka kugu yaale
  • Gus haddii aad leedahay caqligu kuguma gaabteene
  • Waxaan kuugu soo gaday ta kale inaad ku gaadhaaye
  • Inay gaaban tahay waan arkaa gaasirkay tahaye
  • Ganbo aad ah Reer Yuusuf baa guga laguu siine
  • Waxaan soo garaacaba haddii aan gagida soo taago
  • Beesado guduudani malaha wayga soo galiye
  • Ninse gafuurka Ina Xayd arkay yaan gadan aqoonayne. ---Ismaaciil Xayd Afloow oo dagaal maanso ka dhaxeeyay ayuu u jeedaa.

Intaa ayaa eega noo suura gashay in aan helno.  Haddii aad hayso inta maqan waxaan kaa codsanaynaa in aad nala soo socodsiiso

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.