|
Dagaalkii 2aad ee adduunka
markii uu socday ee ay quwadaha shisheeye ku hardamayeen Geeska
Afrika ayaa waxaa indhaha Soomaalidii reer guuraga ahayd ku badatay
diyaarado samadaa lalaya. Inkastoo Daraawiishtii Sayid Maxamed
diyaarado Ingiriisku ku rusheeyey, Soomaalidu aad uma aysan
famahsanayn rooblaanadaa cirka lalaysa ee dushaa sare wax kasoo
halgaadaysa.
Waxaa haddaba dhacday in
dadweynuhu ay weydiiyaan raggii aftahanada ahaa bal inay sifeeyaan
walaxdan jini ee dadkii rucbiga ku abuurtay. Raggii haddaba
arintaa ka gabyey waxaa ka mid ahaa Maxamuud oo tiriyey gabaygan
yaabka leh ee hoose. Wuxuu ku bilaabay:
1. Cirka waxaan sallaanku u sudhnayn, sida sayaariinta
2. Oon saraca hoosiyo arlada, cagaha saaraynin
3. Oo siifadduu kaga hanqarin, haadku sare joogsan
4. Oo laga salsaliyoon lahayn, siigo iyo leexo
5. Oon lagu salaaxayn haddaad, Sumuc ku liishaanto
6. Belaayada qalbiga suurisaye, samada xiimaysa
7. Oo sool dhexeetiyo hawada, sulunsulxaynaysa
8. Oo gaal sameeyoon Illaah, nolol u suuraynin
9. Baa sebenka Ciid looga tegay, sabashadeediiye
10. Oo sanada dayrtiyo arlada, loogu suudalaye
11. Dhulka wixii socdaa laga holaa, samay colaadeede
12. Xagga sare wax kaa dilahayoo, sun iyo baaruud leh
13. Oo aanad dagaal lagu sardamay, kaga sed qaadaynin
14. Inaad samirto mooyee ma jiro, waxaad samaysaaye
15. Sarsar awdan saamo iyo aqal, siibad iiyo daaro
25. Wax sawaabka haadeed leh baa, saabtay dunidiiye
26. Sintuu dhigay Amxaarkii lahaa, seerahaan jebine
27. Kolka adigu Soomaliyeey, qaado samirkaaga
28. Oo dhaha "Sinyoorow" na daa, waanu soo geliye!!
|