Home

Samir (WWII)

                                                                             Maxamuud Cali Beenaley

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dagaalkii 2aad ee adduunka markii uu socday ee ay quwadaha shisheeye ku hardamayeen Geeska Afrika ayaa waxaa indhaha Soomaalidii reer guuraga ahayd ku batay diyaarado samadaa lalaya.  Inkastoo Daraawiishtii Sayid Maxamed diyaarado Ingiriisku ku rusheeyey, Soomaalidu aad uma aysan famahsanayn rooblaanadaa cirka lalaysa ee dushaa sare wax kasoo halgaadaysa.  Waxaa haddaba dhacday in dadweynuhu ay weydiiyaan raggii aftahanada ahaa bal inay sifeeyaan walaxdan jini ee dadkii rucbiga ku abuurtay.  Raggii haddaba arintaa ka gabyey waxaa ka mid ahaa Maxamuud Cali Beenaley.  Isagu wuxuu mariyey gabaygan yaabka leh ee soo socda oo wuxuu yidhi:  

1.      Cirka waxaan sallaanku u sudhnayn, sida sayaariinta
2.      Oon saraca hoosiyo arlada, cagaha saaraynin
3.      Oo siifaduu kaga hanqarin, haadku sare joogsan
 
4.      Oo laga salsaliyoon lahayn, siigo iyo leexo
5.      Oon lagu salaaxayn haddaad, Sumuc ku liishaanto
6.      Belaayada qalbiga suurisaye, samada xiimaysa
 
7.      Oo sool dhexeetiyo hawada, sulunsulxaynaysa
8.      Oo gaal sameeyoon Illaah, nolol u suuraynin
9.      Baa sebenka Ciid looga tegay, sabashadeediiye
 
10.  Oo sanada dayrtiyo arlada, loogu suudalaye
11.  Dhulka wixii socdaa laga holaa, samay colaadeede
12.  Xagga sare wax kaa dilahayoo, sun iyo baaruud leh
13.  Oo aanad dagaal lagu sardamay, kaga sed qaadaynin
14.  Inaad samirto mooyee ma jiro, waxaad samaysaaye
 
15.  Sarsar awdan saamo iyo aqal, siibad iiyo daaro
16.  Siraad iyo bannaan soohdiniyo, sud iyo meel hawda
17.  Socod iyo negaanshiyo fadhi, seexad iyo rooris
18.  Sina waxaanad kaga maag helayn, na lagu soo saarye
19.  Saddex boqol haddaad sii dhaxdiyo, saayid iyo maalmo
20.  Salaadii dilaacdaba Iblays, dhalada kaa saaran
21.  Oo Eebbhahay kugu salliday, saancad kama weyna!!
 
22.  Sanaciisa laga fajacay ninkii, bahashan soo saaray
23.  Sixir lagu tusyaa iyo farsamo, waxu sameeyaaba
24.  Alleylehe ninkaaasaa sanciyo, saayiqnimo sheegtay!
 
25.  Wax sawaabka haadeed leh baa, saabtay dunidiiye
26.  Sintuu dhigay Amxaarkii lahaa, seerahaan jebine
27.  Kolka adigu Soomaaliyeey, qaado samirkaaga
28.  Oo dhaha "Sinyoorow" na daa, waanu soo geliye!!
 
 
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.