Home

Baho

                                                                             Maxamuud Cali Beenaley

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Maxamuud Cali Beenaley ayaa isagoo ku faanaya niman ay tol ahaayeen oo is-bahaystay xidhiidh wanaagsanna samaystay tiriyey tixdan hoose isagoo uga jeeda in is-garabsiga iyo dhan ahaanta ay sii adkeeyeen.  Wuxuu yidhi, Allaha u raxmee:

 

  • Saleebaan Suldaannada Xandule, saajacyada dhaartay

  • Iyo nimanka Suubaan ah iyo, seedda Cagaweyne

  • Sirmaqaatayow hidi dhalay iyo, sadarka Qoobdheere

  • Saaciid Awowgeey ah iyo, weliba soo raacyo

  • Safka Ba-Habar-Celi Diiniyada, saajacyada dhaartay

 

  • Intaasoo sokeeyowdey oo, saanaddu u buuxdo

  • Wallee saabur buu noqon ninkay, subax haleelaane

  • Wallaahaan sagaal kaga magdhabi, saaq ninkii qabaye

  • Saddex maran ninkii naga hayey, bay sababti joogtaaye

  • Dadoow samir Bahoo suuftinaa, saaftay dunidiiye

  

Sidii uu jeclaa is garabsigii inuu u hanaqaado ayuu u hanaqaadi waayey dhalliilo dhawr ahna way soo gaadheen Maxamuud, markaa ayuu tiriyey gabay ay kamid ahaayeen tixahan hoose.  Wuxuu yidhi mar kale:

 

  • Baho inay tamiimaan la waa, ama tis-qaadaane

  • In kastooy tamuuxaa noqdaan oo, la tirin waayo

  • Toddobaatan uu oday dhalaa, igala taag roone

  • Tollaala'ayey waa waxa i hodey, taaha reer Hediye

  • Tunkana waxa na soo wada qabsaday, taaggii Reer Dalale

  
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.