Gabaygan hoose Sayidku wuxuu kaga jawaabay gabay uu tiriyey Cali Jaamac Haabiil oo uu dad badan oo lafaha Daarood ah wax kaga sheegay. Tusaale ahaan meeris ka mid ah gabayga Cali ayaa haa: Dameerkaa hariiryaha leh iyo, heer Dhulbahantaa leh

Jawaabtii Sayidku waxay ahayd:

Harti nimaan oqoon baa yidhaa, hadalka qaarkiise,
Waa nimaan hurmuud wada ah iyo, hanadyo waaweyne
Waa nimanka haybtoodu tahay, Haashinkaas kore e

Waa nimanka deeqdii hanbaday, hibo Illaaheeye
Waa niman intay hodon yihiin, hoog ku sii daraye
Waa niman gobbaa lagu hirtaa, lagu hagaagaaye

Waa nimanka daaraha hurdiyo, hadhac dallaal weyne
Waa niman xariira huwanoo, huga ku laafyoone
Waa nimanka haashaarka gole, marada haafeeyne

Waa nimanka doonyuhu Hindiga, uga himbaartaane
Waa niman hadhuudh iyo bariis, hoyga loo dhigaye
Waa nimanka haanfuuqayee, timirtu hoos taale

Waa niman haleeliyo horweyn, heel ka buuxsadaye
Waa niman adduun lagu huroo, maal hareeriminne
Waa niman intay wada habceen, heeshiguun dhiciye

Waa niman hingaar lama watee, haybad guursada e
Waa niman hablaha ay qabaan, halalac leeyaane,
Sida heegadoo curatay bay, shuqul hillaacaane

Waa niman hub iyo dowladnimo, haysta waligoode
Waa niman u heenseyn fardaa, halabsigoodiiye
Waa niman halqooqaha rogaal, heegma weligoode

Waa niman hadday rag is hayaan, huriya baaruude
Waa niman madaafiic higliyo, haaliggii ridiye
Waa niman hanaanaca kufriga, hoor ka soo qubiye

Daroodku waa wada halyey, kalase hayb roone
Dadka kalana waa wada hulqiyo, huuba doora lehe
Waxse heer leh haad Farenji iyo, harabka Iidoore

Kuwa fuudka heeminahayoo, himishku duulaayo
Aan tan iyo Haabiil dheryaha, lagula howshoonin
Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye

Nimankii hablaha soorta guri, ku hargawaaxaayey
Ee tii wax hoomeey tidhaa, kula haliilaayey
Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye

Nimankii hawaaree siddii, habas u kowdiidey
Oo aan futada haawinayn, hogobka aad moodo
Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye

Nimankii siddii awr hayina, hilayga qaadaayey
Hinjigu culayskii kuwuu, hoolay dhabarkooda
Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye

Ragga hiirta waaberi dillaal, halaladuu roori
Oo aan hunguri maalineed, soo hadhgalinaynin
Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye

Nimankii habeedley umula, huga u maydhaayey
Nimankii habeen iyo dharaar, hiribka qooshaayey
Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye

Ragga udaha hoorsanahayoo, saxaradda u heegan
Iyo nimanka hooyadood ku odhan, habartu waa dhuustay
Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye

Axmed Nuuxa nirig haaruf badan, kabadh u heeryeeyey
Ee hilinka meeshiyo Hiraab, habaqluhu u qaaday
Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye

Muusacarraha haraga iyo, hoorka xidhanaaya
Oo qudhunka ay huursadeen, lagu hunqaacaayo
Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye

Ciisaha bakhtiga hiigayoo, haadka qalanaaya
Oo calaha haabuurka badan, hagida meeraaya
Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye

Habar Yoonis iyo Reer Jugliyo, Habar Magaadloo dhan
Iyo Caliga hoosada Berbera, huluqa jiidaaya
Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye

Intii heer lahayd ma aan dhamayn, hebeladoodiiye
Hayska hoobiyeen nimanka aan, heeray boqontiiye
Inta aan hunduudaa ka badan, hiisha geedaha e
Niman baan hullaabee ma odhan, hiijo iyo ceebe
Waxse aan hubinayaa waa inay, hadiyad keenaane
Ha yeeshee intaasaan hojoo, hor Allahay geystay

Recommend to friends
  • gplus
  • pinterest

About the Author

Leave a comment