|
The largest online collection of Somali poetry |
- Hadba dunida yaab kale, Ha udiir xadhaadhine
- Afka duub kolkaan idhi, Damiirkayga garashiyo
- Jidh dubaaxintaydaa, Dayn wayday hadalkee
- Dagaalada kasoo hadhe, Ha akhriyo diwaankee
- Caawana balaan dago, Digo rogashadaydii
- Doqon baa halaaboo, Doon doonistiisii
- Markii day-day lagu helay, Hadal kama damani yidhi
- Barraan duurka galayaa
- Lo’da kii dareershee, Docada ceelka ugu horay
- Aseen fulinta ugu darin, Dugaaguu uloogaa
- Duulbaa sheekh habaaroo, Laydin doori buu yidhi
- Iyana way kadiireen, Ducana waabay noqotaa
- Hadalada badh waa dadan, Qaarra wayska daalacan,
- Diin bay niman yidhaahdeen, Gudcur roobku uu di’
- Orodoo dab noo keen, Dadku siday u sugayeen
- Yuu dilaacay waagii
- Ee dadkan aan caddaaladi, Daaqsin geel u soo marin
- Duugii kasoo hadhay, Ma dabkay ku shubayaan
- Kud kadagoo qanjo u durug, Darin iyo go’ wadatadan
- Jeerigaan dawarisadan, Teendhada ku doodadan
- Waaba looga sii daray
- Dalkan aynu leenahay, Diraac iyo jiilaalkeed
- Sodan gu’ iyo doogaad, Duhur galay dharaar qudha
- Xisaabihii la daabacay, Daalacan tanaa dheer
- S’adan la’isku wada dagay, Ee magac duleedka ah
- Nin waliba dadkiisiyo, Duul qabiil ah soo tubay
- Kuli daar bur-buriyahan, Dabaylaha fadhiistoo
- Dibadaha usoo baxa, Looga dhigayo darajada
- Waxay dood wadaagaan, Kii dilay ninkii yidhi
- Waan ladnahaye iga daa
- Dawladahan horuu maray, Warshadahan danbiiluhu
- Reeray dab galiyeen, Dagaal ay ka oogeen
- Oy is dila yidhaahdeen, Kolka dagalku baro kacee
- Daaduumo caydhii, Warkan ay dal-dalayaan
- Daawiyo cuntaba keen, Wuxuu uga dan leeyahay
- Baalaley dab loo shiday, Kolka roobku uu da’o
- Nuur bay dareentaa, Kudawow tidhaahdaa
- Dabadee ku gubataa
- Kud kadagoo qanjo u durug, Darin iyo go’ wadatadan
- Jeerigaan dawarisadan, Teendhada ku doodadan
- Waaba looga sii daray
- Guuguulahan damaaciyey, Waayahan daroorimay
- Ama degel-qandoodsaday, Wuxuu daarran yahay yaab
- Juuq galawgan daystee, Danbarsaday belaayada
- Ama labada fiiddamo, Duulaanka ka hor kacay
- Ma saadaal danbaysaa? Mise waa dareen tagay?
- Dugsi waa bakayluhu, Daad baa usoo galay
- Yuclulkii ku sii durug, Dugaaguna wuxuu yidhi
- Dabkii xalayto aan shiday, Doobkii dhaxanta kama bi’in
- Doobir buu ka baaqsaday
- Nin i dilay i daawee, Nin i dagay i daadihi
- Daa’uus baa wuxuu yidhi, Quruxda aan is daawado
- Nabar aan dawo lahayn, Waa wixii I daashaday
- Ee la’iigu dawgalay
- Daan yeerbaa wuxuu yidhi, Dadkan wada xun yaa dhalay?
- Kud kadagoo qanjo u durug, Darin iyo go’ wadatadan
- Jeerigaan dawarisadan, Teendhada ku doodadan
- Waaba looga sii daray
- Askarigii dirayskuun, Docda kala usoo rogay
- Ee jamhad loogu magac daray, Siyaasadday dumaayeen
- Dadka ay u sheegeen, Ma guryahaaga dumi baa?
- Ma doolaalo baro baa? Ma daaduumi caydhaa?
- Dulli iyo dhibaatadase, Ma ku dabar go’nowbaa?
- Dadkan leeya raaca ah, Doolaaladoodii
- Doonyuhu guraayaan, Baduhu ay la dagayaan
- Ee dawlad xumidii, Male loogu sii daray
- Kud kadagoo qanjo u durug, Darin iyo go’ wadatadan
- Jeerigaan dawarisadan Teendhada ku doodadan
- Waaba looga sii daray
- Ubadkaan dabkuu shiday, Een lixdankii dugsi u helay
- Danyartaan abaabulay, Tacabkeedi laga dumi
- Sida adhiga doonka ah, Ama waylo diririqay
- Ama doon dhukaan helay, Ama gari duqooboo
- Degal maray abaareed, Soowkan daanku dheeryahay
- Dunida ceebta taalliyo, Dembigii islaamkaa
- Irbaddeedi lagu duray, Kolkay dihatay fooshii
- Dambarkeedu waa dhiig
- Kud kadagoo qanjo u durug, Darin iyo go’ wadatadan
- Jeerigaan dawarisadan, Teendhada ku doodadan
- Waaba looga sii daray
- Maxaa gabadh daruur u eg, Laga jaray dawaarkii
- Maxaa sodoh dednaydoo, Dadka qaar la xidid yahay
- Laga diiray maradii, Maxaa weliyo daahiray
- Loo dilay ayaad tahay, Maxaa oday duqooboo
- Dalka qiimo ku lahaa, Duunyadiisii laga dhacay
- Dumar iyo caruur iyo, Duqay iyo dhallaan iyo
- Boqor duub leh iyo oday, Boqolkii badhbaa dagay
- Uu diiradluhu cunay, Dilaa iyo ma-naxe iyo
- Daallin iyo iblays iyo, Jirri iyo dugaag iyo
- Dadqal maataddooxiyo, Dan-gaarlaa ku soo hadhay
- Kud kadagoo qanjo u durug, Darin iyo go’ wadatadan
- Jeerigaan dawarisadan, Teendhada ku doodadan
- Waaba looga sii daray
- Waageeray diidane, Madulqaadan cansane
- Mar la’aragu deel-qaaf, Diga rogay xidaarigu
- Ma aqaano doonniye, Dul-baxriin wuxuu yidhi
- Xiddigaha dushaadiyo, Kala baro dabaylaha
- Yaan dariiqu kaa lumin, Sheekee la dagihii
- Dulmiqabena hiinraag, Qooraansi daba socay
- Dux ma helin dhadhamaraac, Damac yuurur baadilay
- Doonyaysay sugihii, Dawdhaafe wuu qaday
- Gacal wayday doqontii, Laga daaday leexada
- Dorraad waayihii yiil, Maantay ka daran tahay
- Sugra waxay ladaris tahay, Madhantiyo dagaarida
- Diilin habari- jiideed, Lo’da dow habawgii
- Daymo- xumay xidhiidheen, Toddobku uma daacine
- Lix-kor buu dib ugu dhacay
- Kud kadagoo qanjo u durug, Darin iyo go’ wadatadan
- Jeerigaan dawarisadan, Teendhada ku doodadan
- Waaba looga sii daray
- Ninba degel yar waageer, Duddo qaybti laga guur
- Waxay daaqday ciinkii, Sharafteedu waa duug
- Laga diid aqoonsiga, Dacar baa laraamsaday
- Deemaaq baa lacalashaday, Danbas bay haraatiday
- Caana daata dabadood, Nin qabtaa ma daaficin
- Kud kadagoo qanjo u durug, Darin iyo go’ wadatadan
- Jeerigaan dawarisadan, Teendhada ku doodadan
- Waaba looga sii daray
- Haddiise dirirka ururkiyo, Dayaxoo nagaadiya
- Naylajaliye daba maray, Ogoluhu dabayl raac
- Mannagaan dariiqii, Afyuub dawga muu helin
- Cadaaduhu dantood jire, Cirjiidhana il bow daban
- Soo durug mariikhii, Nin-lagayaa dul joogsaday
- Allahayow ducay keen, Ha ladooddo qaybshe e
- Waxaase iiga sii daran, Madalooliyaashaa
- Madareemayaashii, Lagu muday daroogada
- Weli daafacaayaa, Allow dagalkan bara kacay
- Dabayl caafimaad sii, Allahayow dul badanow
- Deeqdaada noo badi, Allow kibirka doqonimo
- Danbi dhaafid naga sii, Allow way dur-durisee
- Aanay dalag ka kala jabin.
Waxaa ku deeqay Xadiis Axmed Caabi. Mahadsanid saaxiib. |
|
|