Home

Cali-dhuux Daya

                                                  Xarbi Ismaaciil

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dagaal xun dabadii, Geel Gafuure Xume loo bixiyey ayuu Ogaadeen kasoo qaaday Isaaq iyo Jilibyo Dhulbahante ah xilliyadii ay socdeen dagaaladii Rayadka ee u dhexeeyey qabiiladii Ingiriis la socday ee uu sida gaarka ah u hubeeyeey iyo kuwii Absame.  Ragga dhinaca Rayad ka diriray waxaa ka mid ahaa Cali-dhuux Aadan waxaana dirirtaa lagu laayey rag ka mid ahaa kuwa uu ku dhaarto abtir ahaanna ay isu dhaw yihiin.  Haddaba Cali-dhuux wuxuu mariyey tixo dhawr ah oo uu ragga la jaray ugu baroordiiqayo, waxna ku guubaabinayo.  Waxaa ka mid ahaa kolkii uu lahaa:   

  • Aniguba gankaasaan ahoo, way gablamiyeene

  • Gadhcaddiyo Casayrow maxaa, reer la guban waayey

  • Giddigii Ogaadeen maxaa loo, gondoli waayey

  • Gaar ahaan Abraahiin maxaa, loo ganbiyi waayey

Markii kalena waa kii lahaa: 

  • Anigaba cidlaa looga tagay, curadadaydiiye

  • Ragga cudduda weyn liyo haddaan, Caliyo soo waayey

  • Cabdi Gaabku iigama dareen, Cumar Abraahiine

Tixihii ay meerisyadaa kore ku jireen ayaa gaadhay Xarbi Ismaaciil Samatar oo xilligaa Jarar joogay.  Xarbi wuxuu soo faray tix aanu ka helay meerisyadan hoose oo uu ugu jawaabay Cali-dhuux.  Wuxuu yidhi Xarbi: 

  • Calool xumo Alleylehe raggii, ciil la baday baa og

  • Inuu geel cir weyn yahay raggii, ceel u shubay baa og

  • Inuu cawlku doodiyi ninkii, celi yidhaahdaa og

  • Dharku cawraduu qarin ninkii, calalna waayaa og

  • Subag inuu casiis yahay ninkuu, Carab u miisaa og

  • Cunto inay macaan tahay ninkii, kaa ceshaday baa og

  • Inay ceebi daba taal ninkii, calafka dhiibaa og

  • Cirro inay gabow tahay ninkii, la cimrisiiyaa og

  • Doqon inuu canaad yahay ninkii, ciirso yidhi baa og

  • Cududaha Ogaadeen haddii laga cabsoon waayo

  • Inaan layska celinayn raggii, caayi jiray baa og

  • Kolkii curaddadiisii la jaray, uu cidla istaagay

  • Cali Dhuuxba daya eega wuu, soo calaacalaye

  • Cabdi Gaab caruurtaadii laa, cududna kaa roone

  • Maxay caydu kuu qaban kartaa, waad calyocalyeyn

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.