|
Gabagabadii Gafuure Xume ee ka
midka ahayd duulaankii Boobaay ee Ogaadeen ku daaduunshay Isaaq oo
dhinac ah iyo Dhulbahante oo dhinac ah oo labaduba xilliggaa Ingiriiska
ku
sidkanaa ayaa waxaa ragga ku lee’day ka mid ahaa rag badan oo
Cali-dhuux Aadan Goroyo ku dhaaran jiray.
Haddaba Cali-dhuux oo Ingiriiskii uu
ku tashanayey wax badan u qaban waayey ayaa calaacal iyo oohin wada
socota bilaabay. Dhawr jeer oo kale duwan ayuu gabayo tiriyey waxaa
ka mid ahaa markii uu lahaa:
-
Aniguba gankaasaan ahoo, way
gablamiyeene
-
Gadhcaddiyo Casayrow maxaa,
reer la guban waayey
-
Giddigood Ogaadeen maxaa loo,
gondoli waayey
-
Gaar ahaan Abraahiin maxaa,
loo ganbiyi waayey
Markii kalena waa kii lahaa
isagoo hoogaa la baday sifaynaya:
-
Anigaba cidlaa looga tagay,
curadadaydiiye
-
Ragga cudduda weyn liyo,
haddaan Caliyo soo waayey
-
Cabdi Gaabku iigama dareen,
Cumar Abraahiine
Calaalcalkaa ayaa waxaa maqlay
Xarbi Ismaaciil oo xilligaa joogay Jarar. Isagoo mindhaa la yaaban
isteerin jilicsanidda Cali-dhuux ayuu wuxuu soo faray:
-
Calool xumo Alleylehe raggii,
ciil la baday baa og
-
Inuu geel cir weyn yahay
raggii, ceel u shubay baa og
-
Inuu cawlku doodiyi ninkii,
celi yidhaahdaa og
-
Dharku cawraduu qarin ninkii,
calalna waayaa og
-
Subag inuu casiis yahay
ninkuu, Carab u miisaa og
-
Cunto inay macaan tahay
ninkii, kaa ceshaday baa og
-
Inay ceebi daba taal ninkii,
calafka dhiibaa og
-
Cirro inay gabow tahay
ninkii, la cimrisiiyaa og
-
Doqon inuu canaad yahay
ninkii, ciirso yidhi baa og
-
Cududaha Ogaadeen haddii
laga cabsoon waayo
-
Inaan layska celinayn raggii,
caayi jiray baa og
-
Kolkii curaddadiisii la
jaray, uu cidla istaagay
-
Cali Dhuuxba daya eega wuu,
soo calaacalaye
-
Cabdi Gaab caruurtaadii laa,
cududna kaa roone
-
Maxay caydu kuu qaban kartaa, waad calyocalyeyn
|