|
Xarbi Ismaaciil Samatar (Reer Isaaq,
Ogaadeen) ayaa bari gabay digasho ah dhinaca Isaaq u diray. Qawdhan
Ducaale (Ciidagale, Isaaq) ayaa gabaygii dhibsiday oo tix kaga soo
jawaabay. Tixdaa waxaa ka mid ahaa:
-
Xarbiyow gabaygu waa kaa
tashaqay, wuuna kaa tagaye
-
Waana kaa tawaawacay haddaad,
toosi leedahaye
-
Adigiyo tumaal beentu waa
mid aad, taqaanaane
-
Ma adigaa tubtii geela iyo,
tagay awaarihiiba
Dabadeed
Xarbi ayaa arintaa ka yidhi:
-
Tisqaad ma laha gabay uu nin
kale, eega tiriyaaye
-
Waxaase tayda loo wada hayaa,
waa tamaamnimo e
-
Tabtaasaan ahaa eega iyo
toban, jirkaygiiye
-
Ha yeeshee nin taliyaa
afxumo, sooma tooxsado e
-
Waadse iigu tagi cay haddii,
layga tiigsado e
-
Tagoogtii fayoobayd siddii,
turuqu kuu duulay
-
Labadii tacshiiroodba saan,
kuugu wada toogtay
-
Toorida siddii loola dhacay,
tima caddii daashay
-
Tafdheeriyo ciroolaba sidaan,
uga talaadaystay
-
Ma tummaatidaan kugu
dhuftaad, toosi waligaaba
-
Tolse waxyeeladiisu ha
jirtee, aniga yey taabtay
-
Tifbaa ugu yaroo maydinkaa,
naguba soo tuuray
-
Ma taqaashan baan idinku
jirin, nalaga taabraaco
-
Mise waad noo turteen saw,
xaggaa lagama taag waayin
-
...
|