Home

Dhurwaale

                                                 Xarbi Ismaaciil Samatar              

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Xarbi wuxuu gabaygan hoose ka tiriyey dagaalkii Dhurwaale ee Ciida-Gale iyo Reer Isaaq dhexmaray.  Dagaalkan Ciida Gale ayaa ku lee’day jab xuna kasoo gaadhay. 

 

Xarbi oo looga bartay guusha noocaas ah markii ay soo hoyataba inuu gabyo ayaan moogan gabyin.  Waxaa la waydiiyey waxa uu uga gabyi waayey Isaaq jabka soo gaadhay.  Xarbi waxaa u muuqatay inkastoo Ciida Gale jabay in wali ay jirto awood soo rogaalcelin karta sidaa daraadeed wuxuu yidhi:  “Inta Ciidagale Bari iga xigo gabyi maayee aan nimanka dhan u kala dhacno.”  Xarbi wuxuu rabay inuu tolkii mar labaad kiciyo oo weerar aan Ciida Gale mar dambe kasoo waaqsan ay kiciyaan. 

 

Hase yeeshee markii Xarbiyow gabaydii laga deyn waayey ayuu tiriyey tixdan uu ku sheegayo sababtuu u gabyi la’yahay.  Wuxuu yidhi:

 

 

  • Maansada Cabdiyo Nuurba way, igu canaanteene

  • Ciroolahaa i waydiiyay iyo, culimadaan diidaye

  • Cismaan iyo adaan Jaamacaw, kuu camirayaaye

 

  • Ka cudhaadha cawaan sidii, ceel idiin shubiye

  • Carab iyo Gurey waatii uu, cunay waraabuhuye

  • Cabdilaahi Nuux iyo Salaan, ciida lagu aasye

 

  • Cawil Eebbe mooyee Khaliif, ka cifan maysaane

  • Cadaab ma arke Aw Yuusuf baan, ciilkii duubnahaye

  • Ceeblaawihii layga qaad, caalinka ahaaye

 

  • Nin Cadaawe riixaa ka madhay, cuurka Reer Dalale

  • Iyagu soo ceshaa iyo innagu, kula carrawnaaba

  • Jeeroo col kale soo baxoo, qolo caw beesho

 

  • Ama ay wax kala caad baxaan, sida cirkoo hooray

  • Intay Baho cadceed iga xigaan, caafimaad dhimaye

  • Afaan Ciidagale ugu gabyaa, iima caad bixine

 

Ragga kale ee maansada ku ciraystay ee ka gabyey dagaalkan waxaa ka mid ahaa Maxamuud Cali Beenaley, Deyl Yogol, oo gabayo dhaadasho iyo hujuun isugu jiray tiriyey;  Aflow, Cabdi Gahaydh,  Maxamed Nuur Fadal, Yawle, iyo Qawdhan Ducaale oo gabayo muusanow iyo kicin isagu jiray tiriyey.

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.