Home

 

Faarax Nuur

                                                        Ma anaa miniyo lay qarshaa laygu qali doono

Faarax iyo Qawdhan
Faarax iyo W. Suldaan
Geeraaro (Far&Qaw)
Akeekim
Ma Sabaan ka Sabaan...
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Dagaaladii Ehligaa ahaa ee ka dhaxayn jiray Ciidagale iyo Arab ayaa waxay horseedeen inay waxgarad labadaa qabiil ka kala socda isku dhabar-jabiyaan siday maslaxo iyo nabadayn uga shaqayn lahaayeen.  Dadaaladaa mid ka mid ah ayaa waxaa lagu kala sixiixday heshiis.  Faarax Nuur oo gabayaa caan ah ahaa af-hayeenna u ahaa Arab ayaa heshiiskaa saluugay oo u qaatay in Arab meesha lagu khaldayo ee aan wanaag laga shaqaynaynin.  Wuxuu haddaba tiriyey gabaygan.  Wuxuu yidhi:

  • Nimuu qaamudkiisii galayoo, qalinka loo duugay

  • Jeeruu qarfooluhu nin weyn, qadada weydaarsho

  • Waa qaafil jeer ay indhuhu, qac u yidhaahdaane

  •  

  • Qabkii weli ma dhigin Ciise Dhamal, laysku qoonsadaye

  • Waa waxay qarqoor leeyihiin, waxaan qoyaamayne

  • Haddaan nabadda loo wada qastiyin, wayska qiil jabane

  • Waataa ragii qoomanaa, qaar xabaal yahaye

  • Goor maad run uga qaadateen, qaan yaraa dirirku?

  • Qabbi hadalka lagu laankalaan, qaar ka saamixiye

  • Waa lagu qiyaamaynayaa, Arabka qaarow 'e

  •  

  • Bal qilaafka daya geeddigaa, idin qaddaacaaya

  • Qayrada xagee lagu wadaa, qadow ka meeraysa

  • Qaandhaawahoodii maxaa, qoriga loo siistay

  • Qaalmaha rasaatii maxaa, loogu wada quudhay

  •  

  • Qosol been ah fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo

  • Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo

  • Qunsur oodan shabag laysu qubay, qoolad iyo xeelad

  • Qulaab iyo kulaab iyo lucaab, laysu qarinaayo

  •  

  • Qiyaamada kobtaa daahir ah, aan qun ugu soo jeedo

  • Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane

  • Ma anaa miniyo lay qarshaa, laygu qali doono

  •  

  • Qaafada Ismaaciil Jibriil, qoonka Sacad Muuse

  • Awalkaannu qaadhaanka guud, qeyb wadaag noqone

  • Qaaliga Albaasaan ka dhigi, qaadhka naylaha'e

  •  

  • Qajajuu ha dilo geelayaga, qululka dayreede

  • Qooriga Afmeer iyo Siigodan, qodax ladii Tuurta

  • Qar waraabe iyo goob intay, karintu qoynaysay

  •  

  • Qool Caday iyo Laan Dheer halkay, qun uga soofaysay

  • Ka qammaadnay goolkiyo wankii, qarada weynaaye

  • Qolqolkaan isaga muuqaniyo, qayd la wada ooto

  •  

  • Qadhiidhka iyo daankaanu nahay, qaranka Guuleede

  • Inaan haatan kala qaadanaa, Qaadir soo rogaye

  • Qatadeenii kala laasanay iyo, qulufkii shaydaane

  • Waaryaadha kala quusanaye, qoomamo la'aada

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.