Home

 

Faarax iyo Warfaa Suldaan

                                                                                      

 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Nin Ciidagale ah oo aan filayo in la odhan jiray Warfaa Suldaan aanse Faarax Nuur la mustawe ahayn ayaa gabay uu ku maagayo Arab iyo Faaraxba tiriyey.  Wuxuu yidhi:

 

  • Nabsi gudaya Geydhoow la arag, goor la joogaba e

  • Guryahaaba lays daba degaa, gu' iyo jiilaale

  • Halkuu galo guddoonbaa u dhacay, gaama-ruugyada e

 

  • Gunta kibirtay waagii horaa, laga gol roonaaye

  • Inuu Arab garmaamiyo dagaal, gelinba cayn keeno

  • Iyo inaan geddaydii sankiyo, dhegaha qaar gooyo

 

  • Rabboow gaalku muu noo fasax,o guga waxaan yeelo

  • Guulade iyo Guuleed Suldaan, geesan kala roone

  • Goodbuu ku dhaqay aabbahay, gaanbiyoow farase

 

  • Gadhkaagiyo gadhkiisaa sinnaa, Goodiryahow xumiyi

  • Gal billaawe iyo baad toshaa, galka weysada e

  • Ganbo lama shaqaystee rugtaa, ginigu noo yaalle

 

Faarax ayaa u jawaabay Warfaa Suldaan oo yidhi:

 

  • Abtirsiinadiinnii guray oo, waa gudboonnahaye

  • Hadii godobtayada uumiyaha, geedo loo mariyey

  • Anna maan gufaacada ridoon, gaaddanka u reebo

 

  • Gildhigaanka maan liifaddiyo, geliyo baaruudda

  • Wixii naga gardaran jeedal maan, gawda kaga saaro

  • Kob lagu giirtay meel lagu go'ay oy, Geydho ololayso

 

  • Gammaankana dhacsiga layska wado, labada geesoodba

  • Gorgorkuna hilbaha boobayoo, guruxa soo saaray

  • Weli Arab garmaamaha dagaal, gucummo Aar yeeshay

 

  • Oo geylamaayaadan arag, goob awaara lehe

  • Waxaadse garan gorgor baad tahee, guud-caddaadiga e

  • Gal billaawe iyo waan tolaa, galka weysada e

 

  • Labaduba garaad-laawe yahow, waa gob shuqulkeede

  • Guunyadu haddii ay baxdo oo, gugu abaaroobo

  • Gurboodkaan dhaliyo naagahaan, gego ku deeqaaye

 

  • Shir guddiya haddii reer tolkay, gaar isugu meero

  • Aniga iyo toban loo gartaybaa, guurtidaw baxa e

  • Oo weliba geeraarka iyo, gabaygu ii dheere

  • Halkuu nacasku iga gaabiyaan, garan aqoon waayey

 

  • Sidii roob intuu gaax tirsaday, guban ka soo hooray

  • Ama gaaladii Beerdhiga oo, geydh u diriraysa

  • Ama Ramad nirgii laga guroo, gubayo oon hayso

 

  • Ama Siig dab lala gaadayoo, geli ku rooraaya

  • Ama Aar intuu goonji cunay, gelaya hawdkiisa

  • Ama Micis godkii lagu shidoo, gebi ka yeedhaysa

 

  • Ma gam'ee habeenkii hurdada, gawdu waa aniye

  • Gadhka malawle Gawdh iyo Tayaag, gurada Xaabaale

  • Gabaahiirtii duudkeeda weyn, sii galgalanaysey

 

  • Gumburkii Abaarso iyo Wadne iyo, guban intii eegta

  • Galgalaha Jaleelo iyo Hallaye, Gaafka Dararweyne

  • Guntiga Shiisha meesha iyo Guguc,  gacan Dhariiryaale

 

  • Halka dhamasku hoos ugu go'o iyo, harada gaagaabaan

  • Niman baa gadaaman oo intaa, gaadh ku meersadaye

  • Guga dhaw ha laga soo raree, qaalimmo u geeya

  • Haddii kalese goolaaftankiyo, guuxa naga daaya

 

Intaa markuu tiriyey ayuu Faarax wuxuu doorbiday inuu mar labaad ku noqdo gabaygii si uu Warfaa Suldaan u kuhaano.  Gabayaagu waa afku-leeblaa la yidhiyee siduu Faarax Alle weydiistay ayey noqotay oo ninkii libaax baa habayn madow qaaday.  Wuxuu yidhi mar labaad:   

 

  • Gal-dad-liqa ul baa lagu dayaa, laga danbeeyaaye

  • Weligiinba ceel dawlis leh yaad, dalaq tidhaahdaane

  • Dubbo lagu mergado Reer Aftaag, waa dig siin jiraye

  • Dirkii kula dhashiyo aabahaa, kuguma daayeene

  • Malaha mid uu Warfaa dayriyey oo, daahan baa tahaye

  • Aarkii daboolaan ahay oon, dibbedda joogayne

  • Duddada geela wiilkaan sidii, dawri kala boodi

  • Ama dooy yaxaas uga dhacaa, waa dad aakhiro e

 

 

Waxaan ka helnay Law-Dhaako

 

 

 

 
 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.