Home

 

Faarax Nuur iyo Qawdhan Ducaale

                                                              

 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Faarax Nuur iyo Qawdhan Ducaale sidaan boggag kale ku xusnay in badan bay isu gabyeen oo midiba midka kale maalintay ka jiifto uu waranka ku gilgilay.  Gabaygii ay isugu jawaabeen ee hore (Halkan riix) markii uu dhacay ayaa odayaal Arab ahi Faarax dhaliileen oo yidhaahdeen gabaygii Qawdhan si fiican ugama aadan jawaabin.  Faarax ayaa haddaba mar labaad mihindiskiisii boodhka ka afuuftay oo tiriyey gabaygan hoose si uu Qawdhan Ducaale u qulaanqulyo raaciyo.  Wuxuu yidhi:

 

  • Dabkaan shidi dambaaburada bixi, dogobta qiiqaabi

  • Dawaarka iska rogi liifadiyo, feedhaha is daari

  • Dayaxa iyo Shamsada soo baxee, diiqa noqon doona

  •  

  • Deris iyo laftiba reerahaan, daadka xulin doono

  • Intaasi waa darroorine ma furin, daaqaddii weliye

  • Col la dumay halkiyo Ceel-Daraad, Doy ma laga keenay

  •  

  • Digniintii habeen iyo dharaar, mayga demi weydey

  • Dawyada raggii layska raray, dawrar ma ahaatay

  • Ma daruurnay maadhiin degiyo, dananka gaashaanka

  •  

  • Dabka goortaan u cuskaday, dadab ma loo yaacay

  • Sidii culay waxuun duraya oo, daraf ka laynaysa

  • Daymada raggii naga firdhaday, duurka ma u leexday

  •  

  • Kuwii dhalashadaydii dafiray, dacar ma leefsiinnay

  • Caaqilo duleedkayga timid, daahir ma u qaatay

  •  

  • Raggu hadduu dureertada sariyo, duunka ka colloobo

  • Sow waxa dawada looga dhigay, dil iyo caydh ma aha

  • Sowtaan isugu kaa daree, kaa dibbiray ma aha

  •  

  • Dilku badaye reer Ciise Dhamal, daalac ma i raacay

  • Dayax dhacay Warfaa sow guryuhu, dulug madow ma aha

  • Sidii Dibi xareed soo cabboo, dooxadu u buuxdo

  • Xalay unbuu dinnaahyo ula yimid, duulal baaba'aye

  • Malaha Daahir iyo Faarax baa, dun u collowdeene

  • Ha ku digannin waa Qawdhanoow, degelladiinniiye

  •  

  • Hadduu gabaygu kaa daacad yahay, daawo gurigiinna

  • Kolkuu fuluhu dirirtii ka tegey, dalafku waa goore

  • Geelaan Dawaariyo ku furay, dixida Gaaroodi

  • Ee dilin-dilcoodkii nirgaha, dogobka loo seexshey

  •  

  • Ee aan baarqabkiisaan ku daray, doobta ku higgoodey

  • Een maraqa dabada ugu xidhay, qaalmihii dararay

  • Waa taa u diiddeen Gobdoon, dooggii soo baxaye

  • Car durreeya caawaba rag baa, deyr ku meersadaye

 

 
 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.