Home

 

Faarax iyo Qawdhan

                                                                             Geeraaro               

 
 
The largest online collection of Somali poetry  

Faarax iyo Qawdhan mar kale ayey isu geeraareen isagoo mid walba raaskiisa difaacayo.  Waxaa ku horeeyey Qawdhan oo tuhmayey in Faarax kala nabar dambeeyey kadib markii laba gabay oo talantaali ah uu u mariyey.  Wuxuu yidhi Qawdhan:

  • Saleebaan gacal moodoo                

  • Guuble ciidan ka dayo oo

  • Dadkiinnoon konton gaadhin

  • Is gaafoorsha dixaha oo

  • Arabow gunbudhle

  • Arabow gabable

  • Gondaa hoose u weynee

  • Marka aan ku gelaayo

  • Isaxaaaqa galbeed

  • Isba waa Garxajis

  • Ee gees haddaanan ka keenin

  •  

  • Inkastoonnu is goyno

  • Ama geel kala qaadno

  • Gobdoon waa Dhamal Aadane  

  • Gees haddaanan ka keenin

  •  

  • Awalkaa Garabkayga ah

  • Gees haddaanan ka keenin

  •  

  • Cabdi Dheere gadh-xiira

  • Gees haddaanan ka keenin

  •  

  • Gurmadkooda Bah Deylo

  • Gees haddaanan ka keenin

  •  

  • Gaashaanbuur iyo Yoonis

  • Gees haddaanan ka keenin

  •  

  • Garmadii laba Ciise

  • Gees haddaanan ka keenin

  •  

  • Dad aydnaan garanaynoo

  • Geedka Saynta leh kala yaalla

  • Gees haddaanan ka keenin

  •  

  • Golalweyn iyo Tuuyo

  • Iyo nimankaa ku gadaaman

  • Uu guddoomiyo jaamac

  • Gees haddaanan ka keenin

  •  

  • Godabuursiyo Ciisiyo

  • Amxaarkii gurranaa iyo

  • Gaaladii Cadcaddaydba

  • Annagaw gadh-wadeennoo

  • Gobba waa shuqulkeede

  • Gees haddaanan ka keenin

  •  

  • Maalintaan ku gelaayo

  • Sidii Suul-Gorayo

  • Hadaannaan kuu gammuudin

  • Oo ninba geelu jiraayey

  • Galabtaa ku carraabinoo

  • Ku soo gaaggixinnin

  • ......

Faarax ayaa ka jawaabay geeraark oo yidhi:

  • Sidii Goodir jeelayoo

  • Galay ceelka dhanaaniyo

  • Carraduu gujinaayey

  • Gadaalkii ku xorgoobey

  • Geeraarkii igu baadey

  • Maan gadoodka ka keeno

  •  

  • Rag hadduu garramaayo

  • Mid unbay u go'daaye

  • Gef wixii nagu biiriyo

  • Maan gedaafada reebo

  •  

  • Saleebaan gacal mood

  • Gaban baan ka ceshey

  •  

  • Gubla ciidan ka dayna

  • Gaban baan ka ceshey

  •  

  • Xaggaan guuto ka keeni

  • Gaban baan ka ceshey

  •  

  • Awalkaa garabkayga

  • Gaban baan ka ceshey

  •  

  • Gobdoon waa Dhamal Aadan

  • Gaban baan ka ceshey

  •  

  • Godabuursiyo Ciisiyo

  • Amxaarkii gurranaa iyo

  • Gaaladii Cadcaddayd iyo

  • Annagaw gadhwadeenoo

  • Gobba waa shuqulkeedna

  • Gaban baan ka ceshey

  •  

  • Saleebaan gacal mood

  • Gaban baan ka ceshee

  • Anigaa gacal moodoo

  • Gaashaankay ila hayaaye

  • Gacantaa midigtaada

  • Hadaan geeriyi qaadin

  • Layska goyn kari maayo

  •  

  • Guubla ciidan ka dayna

  • Gaban baan ka ceshee

  • Intuu maydha guduudiyo

  • Bullo guudka madow iyo

  • Xamar geesale fuulayoo

  • Wax intuu galgalaasay

  • Gorgorkii dhergiyayoo

  • Geed madoobi ku reebay

  • Geelu raacda u qaadayna

  • Nin kale gudbi maayoo

  •  

  • Gobdoon waa Dhamal Aadan

  • Gaban baan ka ceshayoo

  • Maalintii Cilmi gaydhii

  • Ina Geele Sharmaarke

  • Macaas geeri noqdeenbaa

  • Geelashoo wada daaqiyo

  • Guryahoo isu muuqdiyo

  • Abtirsiimada guudbaa

  • Ilaahay kala gooyoo

  • Anuu ii gurmadaayoo

  • Gaashaanka ila hayaa

  •  

  • Awalkaa garabkaagana

  • Maxaa kaaga gidhiisha

  •  

  • Dad aynaan garanaynoo

  • Geedka saynle yaaloo

  • Gamaaryuuc la yidhaa iyo

  • Niman kuu gabbanaayoo

  • Guudka kaala shiraayiyo

  • Cabdi-Dheere gal dooniyo

  • Gabantii yaryarayd iyo

  • Cantarbood gacal moodoo

  • Godabuursiyo Ciisiyo

  • Amxaarkii gurranaa iyo

  • Gaaladii cadcaddayd iyo

  • Gelimaysna u yeedhoo

  • Gaalyohow gaalku korshey

  • Anna yaanan ka guurin

  • Adna yaadan ka gaabine

  • Waynoo Gawdh iyo Duuriyo

  • Gumburaa dhinacoodee

  • Ninkeennii la gumeeyo

  • Ama geela la raacsho

  • Ninkaasaa gumbudhlee

  • Guruc-neefka Ba iido

  • Idinkoo garbaweynoo

  • Garbataydinku taaloo

  • Gadhka saabka dhigaaya

  • Haddaanan goonbiyaddayda

  • Gawrac kuugu sukuumin

  • Waa haddaanan gudnayn

Law-Dhaako ayaan ka helay.


 

 

 
 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.