Home

 

Akeekim

                                                                        Faarax Nuur

 
 
The largest online collection of Somali poetry

Waa gabay wadani ah oo uu abwaanku Soomaalida kula hadlay kuna dareensiiyey gaalka, gumaysiga, iyo gododkooda khayaamada ee ay dushaa sare ka seynsaabayaan.  Wuxuu yidhi:

 

  • Ingiriis Axmaariyo Talyan, wey akeekimiye

  • Arligaa la kala boobayaa, nin u itaal roone

  • Anse ila ah Aakhiru Sabaan, iligyadiisiiye

 

  • Orgigaa riyaha taadaxoo, oodda faaliga e

  • Waa duni hablihii loo ogaa, aqalka diideene

  • Anse ila ah Aakhiru Sabaan, iligyadiisiiye

 

  • Waa duni la kala iibsadayoon, nala ogeysiine

  • Waa duni akhyaartii go'dayoo, aaran soo hadhaye

  • Waa duni ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye

  • Anse ila ah Aakhiro Sabaan, iligyadiisiiye

 

  • Waa duni xaqii la arkayaa, la arjumayaaye

  • Waa duni akhyaartii lahayd, iib ku doon tahaye

  • Anse ila ah Aakhiro Sabaan, iligyadiisiiye

 

  • Afka iyo adduunkaa hadloo, awdan sadarkiiye

  • Ninka gacanta midig oodan tahay, laga ilroonaaye

  • Anse ila ah Aakhiro Sabaan, iligyadiisiiye

 

  • Nimanyahow bal daya xaajada, lala aguugaayo

  • Odayaashan loo yeedhay ee, la anfac siinaayo

  • Asxaabihii bayna yidhi, gaal ha aaminine

 

  • Haddaad niman Islaamiyo tihiin, Aadan faracdiisa

  • Oo aydnaan Ilaahay ka go'in, hayna oodina'e

  • Hadduu awrka dooxada ku furo, eel kalaa xigiye

  • Inaga daaya yaynaan ku dhicin, bahal afkiisiiye

 

 
 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.