Halxidhaaluhu

Halxidhaaluhu wuxuu ka mid yahay noocyada gabayga ama geeraarka kuwa loogu jecelyahay wuxuuna inta badan xambaarsan yahay garasho shishe oo maldahan oo ay Soomaalidu caan ku ahaan jirtay.   Halxidhaaluhu waa nooca oogu adag ee maanso lagu qotomiyo maxaa yeelay in abwaanku gabay ama geeraar qaafiyad leh uu dhiso waxaa u dheer inuu wax xujeeyo oo ama dhaqanka miyiga, diinta, xidigiska, iwm wax ku xujeeyo ama uu mid isaga lagu xujeeyey furo.  Waxaa dhici karta in abaanku bad yahay oo gabay noocaad doonto kuu marin karo laakiinse haddii uu halxidhaale loo soo faray furi waayo ma gabyi karo oo wax kale iskama sheegi karo.

 

Halxidhaalaha caanka ah ee maansalaydu wada taqaan waxaa ka mid ah kii Faarax Caytame kusoo gunaanaday silsiladdii Haameey/Halac Dheere ee ugu dambeeyey gabaygiisii Af-Gudhiye la baxay iyo kii dhex maray Sayid Maxamed iyo Gooni Yare.  Waxaa haddaba jira kuwa kale oo badan oo sababo jira awgood aan aad loo maqal.  Waxaa ka mid ah kuwa Raage Ugaas ka sugnaaday iyo midkan dhexmaray Cali Oday iyo Weerar Bulxan. Weerar baa ku horeeyey oo Cali xujeeyey oo wuxuu yidhi:

 

Wuxuu yidhi Weerar:

 

  • Caliyow biyo ooman
  • Sidee loo balxiyaa?

 

  • Baqbeenadoo dacarootay
  • Sidee looga baxshaa?

 

  • Buur weyn oo macaluushay
  • Ma la baanan karaa?

 

  • Laas bilaale ku yaaloo
  • Boqol maaxda ku deeqoo
  • Bidhe hoorsi galayninoo
  • Batow loogu arooro
  • Adaa beyd gabay sheegtee
  • Calow baabka ka dhawr?

 

Cali Oday ayaa wada furay oo yidhi:

 

  • Laas bilaale ku yaaloo
  • Boqol maaxda ku deeqoo
  • Bidhe hoorsi galayninoo
  • Batow loogu arooro
  • Bucdibaa la yidhaahdaayoo
  • Laba bawdo dhexdood buu
  • Ka bariisanayaa

 

  • Buur weyn oo macaluushay
  • Kol hadduu boqor eexdo
  • Waa buurtaa macaluushoo
  • Lama baanan karaayo

 

  • Basaridii habartaa
  • Riyahay barqinaysayee
  • Ka biirsatay qaabka
  • Markii waagu baryo
  • Bukurteey lulanaysayee
  • Karbaashkaw barkinaysay
  • Burcad bay ka samaysoo
  • Baqbeenadaa dacarootay
  • Sidaasaa looga baxshaa

 

  • Bawda weyne barbaariyo
  • Beydalkii gabadheedoo
  • Isla baaluqa gaadhay
  • Bawrigii mehershoo??
  • Ee barada laysugu keeno
  • Basar bay ku kacdaayoo
  • Weerarow biyo ooman
  • Saasaa loo balxiyaa

 

Weerar baa ku noqday oo wuxuu yidhi:

 

  • Ri dhashoo waxarteedii
  • Reer dhan caano ku deeqday
  • Bal risaalo ku doon?

 

  • Inta raad iyo ruux leh
  • Lababa waysku rafiiqee
  • Raha kay aano yihiin?

 

  • Ra’sigaa wax lagooyoo
  • Adduunkiina rudhaaya
  • Bal Calow run ka sheeg?

 

 

Cali Oday baa wada furay oo wuxuu yidhi:

 

  • Haddii aan run ka sheego
  • Asaad been ka rogaasho
  • Walaalkaygii rummaadow
  • Rabbi baa lagu raacshay

 

  • Ri dhashoo waxarteedii
  • Reer dhan caano ku deeqday
  • Xilli roob aad sugaysaad
  • Firi meel ku riddaayoo
  • Raxmaddii ku heshaayoow
  • Habaynay ku raddaayoo
  • Biqley soo rogataayoo
  • Laamaay raaricisaayoo
  • Dheelidday ruxruxdaayoo
  • Sabuul gees ka ridaayoo
  • Hadhaw baa la riftaayoo
  • Mooyahaa lagu riiqiyoo
  • Dharigay ku ritaanoo
  • Inta raad iyo ruux lehba
  • Risiq wuu u noqdaa

 

  • Raadkaa raadka ka weynoo
  • Ruuxaa ruuxa ka dheer ee
  • Ruqufraaquf dhaaqaaqiyo
  • Reeryo qaad xumadiisiyo
  • Miskihiisa radooban
  • Rashka gaaban dhurwaagay
  • Raha aano yihiinoo
  • Waysku reer Dhicisow

 

  • Ra’sigaa wax la gooyey
  • Adduunkiina rudhaaya
  • Cadkii Eebe rid’eeyee
  • Ragga meel kaga yaalee
  • Rundudaan u aqaanaa

 

Weerar baa ku noqday:

  • Caliyoow soddan reeroo
  • Sac adduunyo ka soofin
  • Oo subagii wadi weyday
  • Sifadooda bal sheeg?

Cali baa furay oo yidhi:

  • Weerarow soddan reeroon
  • Sac adduunyo ka soofin
  • Oo subagii sidi weyday
  • Safarbaa la yidhaa
  • Saa hadday noqon waydana
  • Sinsin baa la yidhaa
  • Saa hadday noqon weydana
  • Safsadaa la yidhaa

Nasiib xumo halkaa ayey cajaladii

sheekadu ku duubnayd ku

dhammaatay.  Soo raadi

hal-xidhaalahaa badan ee qaaliga

ah oo wixii aad ka hesho nala soo socodsii liibaane.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Recommend to friends
  • gplus
  • pinterest

About the Author

Leave a comment