Home

Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim)

                                                                                    Dacar

Cirsan ka yeedh
Sooyaan
Ina Cigaal iyo Ciise       Muuse
Neecow
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

1. Dacartuba marbay malab dhashaa ood muudsataa dhabaqe
2. Waxan ahay macaan iyo khadhaadh meel ku wada yaalle
3. Midigtayda iyo bidixdu waa laba mataanoode

4. Midi waa martida soora iyo maata daadihise
5. Midina waa mindiyo xiirayiyo mur iyo deebaaqe
6. Masalooyin talantaalliyaan maandhow leeyahaye

7. Nin majiira keliyuun qabsada hay malayninae
8. Marbaan ahay muddeex camal san oon maagista aqoone
9. Marna macangag laayaanahoo miiggan baan ahaye

10. Marbaan ahay muftiga saahidnimo mawlacaw gala'e
11. Marna Mukhawi waashoo xumaha miista baan ahaye
12. Marbaan ahay nin xaaraan maqdaca aan marin jidiinkise

13. Marna tuug mu'diya baan ahoon maal Rasuul bixinne
14. Marbaan ahay maqaam awliyaad maqaddinkoodiiye
15. Marna mudanka shaydaanka iyo maal jinbaan ahaye

16. Marbaan ahay murtiyo baanisaba madaxda reeraaye
17. Oo ay weliba muuniyo dulqaad igu majeertaane
18. Marna reer magaal loofaroon muuqan baan ahaye

19. Waxan ahay nin midabbeeya oo maalinbays roga e
20. Muuqaygu gelinkiiba waa muunad goonniyahe
21. Miisaanna ima saari karo nin i maleeyaaye

22. Muslinka iyo gaalada dirkaba waan micna aqaane
23. Malaa'igta naartiyo jannadu waygu murantaaye
24. Ninkii maalmo badan soo jiree madaxu boosaystay

25. Ee ina rag maamuli yiqiin waa i maan garanne
26. Ninkastoow halkii kuula mudan ee ay muhato laabtaadu
27. Ee aanad madadaaladeed ugala maarmaynin
28. Iska soo mar waa kuu bannaan marinkad doontaaye

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.