Home

Ina Cigaal iyo Ciise Muuse (1969)

                                                                             Qaasim                                      

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

1. Tabtaa Ina Cigaalow waddaan tacab qasaaruun dheh
2. Tartan meelna aan gaadhiniyo turuqyo daaluun dheh
3. Tamashlaha aan meel looga dhalan tookh u    socodkeeda
4. Toddobaad waxaan gaadhiniyo tuhumo beenaad dheh
5. Dhamaan Ciisa Musaha tadhahay ee taajka wada qaatay
6. Taariikh Isaaq ugu horloo maanta timid uun dheh
7. Toddobadan aad soo doorateen taran hadaad moodey
8. Tukayaal hormuud laga dhigiyo toxoble daayeer dheh

9. Afartaa tacliintaan bartiyo tix iyo geeraar dheh
10. Tiiqtiiqsi hadal loo yidhoo turis la'aaneed dheh
11. Tol-yaraha hubkii dili jiriyo toorri iyo seef dheh
12. Toban guuradaan nabadgelyada taabka ku adkeeyey
13. Aan talada kaa qayb gashey baad tahar i goyseene
14. Habar Yoonistii lagu tuntiyo Ciidagale toos dheh
15. Mar hadday tolniimadii horiyo talo-wadaag diidey
16. Nin walbaa wuxuu taransadiyo tab iyo xeeshii dheh

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.