Home

Neecow  

                                                                             Qaasim                           

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Wax Alla wuxuu ku maagay garan mayno, wuxuuse Qaasim gabaygan ku mucaaraday Dawladii Aadan Cadde, Allaha u naxariistee, oo uu lee yahay waa mahad Alla mar haddii ay dhacday.  Waxay u eg tahay qabyaalad iyo aniga qoyskaygu muu taliyo oo kursiga fuulo waxaan ahayn inuusan ku eedaynin. 

  • Niyad baan u ledayaa hurdada naasir Naxaroow'e
  • Nabdigaan ka soo jeedi jirey noogayoo dhacaye
  • Nasashada darteed baad indhaha Nadarka yaabtaaye
  •  
  • Naxligii Caloosha iyo bogsade nabarradeediiye
  • Naxariistu waa naca kufriga nidar galkeediiye
  • Neecaw qaboow iyo dabayl naafaclaa timiye
  •  
  • Nabad iyo Naq roob baa beddelay Nayla-Jaliyiiye
  • Nacabkii Ilaah naga kaxee naaqiska ahaaye
  • Nasiib baannu leenahay haddaan Aadan soo noqonne
  •  
  • Niidii xareedbaa ka timid Naannida ahayde
  • Nuuxnuuxsigii Ina Catoosh nugul ka soo doogye
  • Nataaqadi na gaadhiyo lugtii nalaga naafeeyey
  •  
  • Waxa Nacalla-qabihii na baday waa ka noollahaye
  • Nabsigii wax badan loo dhursugay nacasti soo gaadhye
  • Nooleba mar uun buu samaha Nacam yidhaahdaaye
  •  
  • Noolaatay yidi-diiladii Naxashka saarrayde
  • Mar haddii ninkii geyey kursiga nabadgelyuu fuulay
  • Nimcadiyo sow mahad-naq uun lagu negaan maayo
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.