Home

Sooyaan

                                                                            Qaasim       

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Gabaygan markuu Qaasim tiriyey ayaa waxaa la wariyey in Dhoodaan uu ku yidhi Cali Cilmi Af-Yare ninka u jawaab cid Siwaaqroon kaa xigta oo gabaydaayi ma jirtee?  Dhoodaan wuxuu ka xumaaday beydka gabayga ugu horeeya, in kastoo isagoo dhan af-xumo yahay.  Cali Cilmi Af-Yare uma jawaabin Qaasim.  Haddaba Cabdullaahi Dhoodaan markuu cid Majeerteen ah oo gabaygan jawaab ka celisa waayey ayuu wuxuu tiriyey gabay taariikhi ahaa oo uu gabaygan hoosana kaga jawaabay Qaasimna abaalkii kaga waraabiyey.  Soo raadi gabaygaa Dhoodaan.  Qaasim wuxuu yidhi:  

1. Eeylo iyo Siwaaqroonta xumi, ha i suryeeyeene
2. Seetada ha ii gaabiyeen, sabab la'aaneede
3. Seeddiyo boqnaha hay jareen, sab iyo laangaabe

4. Sanqadh yari ha ii dilo Tumaal, siiqya looshadaye
5. Sanka hayga mudo ina-gummeed, loo sarrayn jiraye
6. Sawaab iyo Midgaan Guulwada ihi, ha i sudhnaadeene

7. Hadba hay saloosheen sidii, geedka saarka ahe
8. Ilaahbaa sidaa noo gartee, ha i sadqeeyeene
9. Anagiyo Saleebaanadii, waa na sidataaye

10. Seeftii Abgaal bay agtaal, saawirta ahayde
11. Habar Gidir sinsaarada ku timid, sigay Ugaaskiiye
12. Sixilluu Kacaankani u galay, Sacad raggiisiiye

13. Warsangeli Suldaan iyo ma jiro, Boqor la sooraaye
14. Saamee dhammaantii Isaaq, salaw colaadeede
15. Soomaalidii waxa ka nool, saaka madaxgaabe

16. Wax Siyaasaddii loo egmadey, silic ku nooshiiye
17. Markii talada habar saarleh iyo, sebiyo lo doortay
18. Ayay sayn-caddaa iyo waxgarad, sibiq dhaqaaqeene

19. Dhulkan Suuradii lagu beddelay, socodna dhaameelay
20. Waa wada socdaaleen raggii, soocanka ahaaye
21. Saadada cadhootee midgaha, laga sarraysiiyey

22. Waa sixirradii Bucurbacayr, sananka muuqdaaye
23. Inta ay sidaa tahay nin gobi, soomman ka ahaaye
24. Qaansaleydu haw sacbbiyeen, Siigga qalataaye

25. Naagaha surwaalka lihi mashxarad, ha u safnaadeene
26. Single iyo waxaan dhalad ahayn, siidhi haw tumo e
27. Sabaalada ha moodeen in loo, sahanshey meel roone

28. Saadaaladaa lagu gartaa, sebenka caal waaye
29. Waa waxa abaar nagu salliday, soof ma reebta ahe
30. Saddex-guuro waa waxa na baday, sadhiyo daacuune

31. Samadii daruur laguma arag, seermaweydada e
32. So'dii ceelka waa waxa biyuhu, uga sal guureene
33. Adduunyadu sidaa kuma gudhoo, subaxba waa cayne

34. Nin kastoo sallaan dheer u baxa, siibashaa xigiye
35. Suuldaaro waw halis ninkay, rag isa seegeene
36. Sirqabahana taariikhdu way, sahamindoontaaye

37. Maantana Siciidow waqtigu, saamaxaad malehe
38. Moorada salkeediyo xalaan, sugay malluugtiiye
39. Sufurtaa madow ee dayaxa, saaran baan garanne

40. Dhiig buu sidaa waqalkan aad, sagalka mooddaaye
41. Siigada dhacaysaa ragbay, sabibi doontaaye
42. Ilaahay sidaan ka arki jirey, way ku socotaaye

43. Duulkii sedkoodii dhammaa, saancadka lahaaye
44. Sanbabada gantaalaha ka mudi, saadanbay garane
45. Waa layna kala soocayaa, subax aan dheerayne
46. Ninki cadho la sooyaamayow, samirka maad dhowrtid

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.