Home

Dareen Dhiilo

                                                  Makayte

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry  
  • Yaasiinow adigaa dib ugu noqon, dagalladeeniiye
  • Dooxii Hargaysaad adigaa, daakhilka u galiye
  • Duqaydii markaad gaadho iyo, danabyadii joogay
  • Durba Maxamed waa inaad, warkaa ugu dadaashaa
  • Adoon dabacsanayn waa inaad, dood u marisaa
  • Dalkeenii maqnaa Xabashidii, looga dacaree dheh
  • Wiilashaad dirteen waxay noqdeen, rag aan dakaameyn dheh
  • Damqashadaba waa rag aan aqoon, oon dabci lahayn dheh
  • Dabkii ay shideen wuxuu ahaa, damal aan qiiqayn dheh
  • Digtooniday halkaa kaga baxeen, wali ma sii dayn dheh
  •  
  • Duruustiinii baa lagu socdaa, damina maayaan dheh
  • Dadaalkoodu waa sida cagaar, doog usoo baxay dheh
  • Dan Soomaali mooye mid kale, dayiba maayaan dheh
  • Allay lehe da’dii bay noqdeen, aan ku diirsaday dheh
  •  
  • Warqadaa daboolkiyo markaad, diirka uga qaado
  • Dood kalana waa inaad markaa, dib ugu laabtaaye
  • Digtii hore Dhurwaaliyo markii, Qaaxo la is diiday
  • Siddeed kaare oy wada dileen, waan dul joogsaday dheh
  • Dabaqlaydii way madhatay oo, duugahaa maray dheh
  • Doofaarkii iyo way dhinteen, dibigii weynaa dheh
  • Maydkoodu wuu daadasanaa, dooxyadoo idil dheh
  • Oo haadkii ku dacarooday baa, diiday hilibkii dheh
  • Daafidii ay wateen iyo la qaaday, dahabkii saaraa dheh
  • Dabkii aan ka furanay kobuu, dadab u yaalaa dheh
  • Dacaskii iyo kabihii buudhkiibay, wadar ku doorsheen dheh
  • Dirayskiina way wada furteen, dun iyo shaalkii dheh
  • Durba saacadii iyo koodhkii bay, dam isku siiyeen dheh
  • Fidaa’iyiintu meeshaan u diro, kama dakaamaan dheh
  • Dakanada kuwii qabayna, way dabacsanaayeen dheh
  • Annagaan ku daynine runtii, way damqanayeen dheh
  •  
  • Kuwaad adigu daaraha qarxiyo, deynabada siisay
  • Meeshay diyaar ugu noqdaan, dib uga faaloo dheh
  • Gaadhigay soo diraan iyo markaan, taangigii duminay
  • Dacallada Kamiin iyo markii, Boobe lagu daaray
  • Dab inay shitaan iyo markaan, daawo uga dhaartay
  • Dushaa sare wax heehaabi bay, daraf ka keenee dheh
  • Oo Miig samada duuliyo Jet baa, laygu daydayey dheh
  • Saldhigii aan degaynay iyo halkii, ay darintu noo tiilay
  • Dhaawicii dushaasay aroor, nagu duqeeyeen dheh
  • Madficii ay dudada noo dhigeen, ruuxna dili waa dheh
  • Gamuunkuu dalbaday Yuusuf, ee dibada noo yiilay
  • Dam markay kusiiyaanba, way daba maraysaa dheh
  • Diinta unbaa bir noo noqotayoo, lagu difaacaa dheh
  •  
  • Afartaa wax layskuma daree, deel maka higaadshay
  • Durbaan iyo daf iyo muusik iyo, daramal ma u qaatay
  • Ma ka daayey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye
  •  Doc ka fuulka kaadsiiyahaan, uga door bidaye
  • Intaan danafta raadkiisu jiray, anigu doonaayey
  • Een daahay la i mood inaan, daayey gabaygiiye
  • Kolse haddan dawaarkii rogeen, diiradda u qaato
  • Dulucdiyo ujeedada nafwaha, dood-cilmiyadayda
  • Danta aan ka leeyahay xikmadan, Daayin igu beeray
  • Dabcan inay abwaanadu gartaan, saan u daadagaye
  • Ku darso oo mid kale hoo hadaad, daristay taan sheegay
  •  
  •  Dushii Muli ilaa Daaqatiyo, Erar dillaaceeda
  • Dagaal iyo markii weerar iyo, gaadmo lagu deyray
  • Geesigu balaynkuu dajiyey, bay dabar go’ qaateene dheh (plan)
  • Dhiigoodii durduray laaguhuu, wali duljoogaa dheh
  • Degta Fadis, Gobayle-Mujiyo, Julul, webiga daaciisa
  • Dalkaa aan hore usoo sheegay baan, diib u soconaa dheh
  • Nina laysma diidee xaqaa, lagu dadaalaa dheh
  • Dumarkiyo caruurtiyo habluhu, malaha deel-qaaf dheh
  • Mahmarkiina waysoo diteen, gaalku duufsaday dheh
  • Dalkuna inuu xoroobo yaan rajayn, deyrtan manta ah dheh
  • Dusha inaanu calankii sudhnayoon, Adari doonayno
  • Oonaan dib uga laabanayna, mari dabuubteeda
  • In dagaaladii wali socdaan, mari dabuubteeda
  • Daarihii la riday kaamashii, lagu duqaynaayey
  • Aar-biigihii lagu dalbaday, mari dabuubteeda (RBG)
  • ...

Dhabcan in baa maqan ee soo dhamystir haddii aad hayso.

 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.