Home

Karaar Dhaaf (1978)

                                                  Makayte

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry
  • kolkii horreba kadeed uma yarayn, kooska niman yaale
  • Karbaash iyo Amxaar baa ku raray, koora Baqaleede
  • Eegana kadeed baa u dheer, kud iyo kaarkiiye
  • Koosarbaa waxaa looga dhigay, Kuuba iyo Ruushe
  • Karaar dhaafayey xalay miyaan, kaar la ladi waayey
 
  • Culimadu kitaabkii iyo cilimigii, koru ma qaadaane
  • Way soo korhdeen cadowyadii, laysla kululaaye
  • Allow kabaha uma sidi karno, kii ku caasiyeye
  • Koley iyo koley waa shihiid, kaalintaan galye
  • Klaashinkoofna kaariyo ma dilo, Miigan kacayaaye
  • Quwad kalana u mahaysanoo, lagu kaxeeyaaye
  • Karaar dhaafayey xalay miyaan, kaar la ladi waayey
 
  • Karinka ay istaagtiyo markii aan, kadarta weydaarsho
  • Kurtun baa wadada noo fadhiya, laygu kadayaaye
  • Kacaankaan bilownaba haddii, layga kala tuuro
  • Ogoobey kadeed iyo dhib iyo, waa karaahiyo e
  • Karaar dhaafayey xalay miyaan, kaar la ladi waayey
 
  • Ninna kaligii hawlaha adduun, soo katabin waaye
  • Haddaan lagula kaalmaynin, waad kariba weydaaye
  • Kalaam iyo kah iyo way iyo, siadani waaba kala kaane
  • Karaar dhaafayey xalay miyaan, kaar la ladi waayey
 
  • Cadowgaan karkabadaybayee, kabaha laalaadshay
  • Ee kadinka loo galay wadadee, kadiska loo laayey
  • Kolba kaabadii aan jaray, qaar u kabayaane
  • Karaar dhaafayey xalay miyaan, kaar la ladi waayey
 
  • Afartaa ka yaabaa nin weyn, hadalkii koobnaa dheh
  • Hayeeshee karaamaa jirtee, kama danbaystii dheh
  • Kurbo aniga igu taagan iyo, kaar i shidayaa dheh
  • Karaar dhaafayey xalay miyaan, kaar la ladi waayey
 
  • Geela koorta weyn baan lahaa, kor u hayaansiiye
  • Kafa iyo Hawaas baan lahaa, kayn cosob ah geeye
  • Nirgo kurusku dhuubtaan lahaa, karan ha goosteene
  • Kuraygiyo caruurtaan lahaa, kooraska u dira e
  • Kibsitooda maqan baan lahaam kabash ha qaateene
  • Kadeedkiyo ka saar baan lahaa, kaba la’aantiiye
  • Kafaarigiyo jaadkaan lahaa uga kaxaysiiye
  • Kafaygaan lahaa odayadii, waad u kululayne
  • Kuwa kaba-cadda ah baan lahaa, kibir ha luudeene
 
  • Kooxaha ciyaaraan lahaa, kaban ha qaateene
  • Kuligii Amxaarkaan lahaa, kaw kawada siiye
  • Koryeedhigiyo fuulbaan lahaa, kaarahoodaba e
  • Karimada ku laa baan lahaa, kun iyo dheeraade
  • Kuftintaan ku dhignay baan lahaa, yeyna soo kicine
  • Nimankaa kalyaha buuxsadayee, koodhka wada qaatay  
  • Kuumaba kasayn baan lahaa, keyl halo daro e
 
  • Kuwa wada sirqaamaan lahaa, kaalay ugu yeedhe
  • Kolkuu kuu yimaadaan lahaa, feedh ku kala jeexe
  • Korneyladii kama madhi baan lahaa, kaalaxa ahaaye
  • Kolkaas Xaeyle qabo baan lahaa, kali ahaantiise
  • Kasabkiisii mari baan lahaa oo, kurkaba gooye
  • Kuligii dadkaagaan lahaa, haysu kaashado e
 
  • Fiidaa’iyiin ku kici baan lahaa, iyo kamaan doose
  • Kolkaasaan lahaa Kiiniyana, karadh ha saareene
  • Shantii kala maqnayd baan lahaa, meel isugu keene
  • Kulmiyaan lahaa Ina-Siyaad, kaalin haw galo e
 
  • Inkastooy kol Soomaali weyn, kaamil noqon doonto
  • Oo koono koonaha shanta ah, la isu keenaayo
  • Xornimada dadbaan kadabsanayn, oo kadeed qaba
  • Kadaraba kob aan laga filayn, buu kasoo baxaye
  • In kastuu kitaab kuu maroo, kaaf ku maqashiiyo
  • Dadka qaar unbaan laga karayn, xaajo kala tuure
  • Karaar dhaafayey xalay miyaan, kaar la ladi waayey
 
  • Afartaa ka yaabaa nin weyn, hadalkii koobnaa dheh
  • Hayeeshee karaamaa jirtee, kama danbaystii dheh
  • Kurbo aniga igu taagan iyo, kaar i shidayaa dheh
  • Karaar dhaafayey xalay miyaan, kaar la ladi waayey
 
  • Koley gabay kalkii galayba wuu, laba kacleeyaaye
  • Wali kaalintii aan rabay buu, kaafku tabayaaye
  • Karaarmaati iigama duwana, keenistiisuba e
  • Kalifaad unbaan Muxumadow, kolal ku sheegaaye
  • Caawana waxbaa igu kordhoo, waan kurbays nahaye
  • Karka dhariga waa uun kuleyl, wixii ka keenaaye
  • Kafa iyo Hawaas oon xornimo, ku arko mooyaane
  • Kalka geedi baan ahay siddii, geel kaliilhadaye
  • Waxaan kaaga jeedaa murtida, amaan kusoo koobay
  • Kol hadduu kaskaagiyo caqligu, kugu filaan waayo
  • Koolada kolaad laad fakaday, kor ugu soo qaado
  • War maankaaba lala kaashadaa, ku aad taqaanaaye
 
  • Waxaan kaaga jeedaa murtida, amaan kusoo koobay
  • Rag dalkooda inay kaafiyaan kooros, loo galiyey
  • Oo Kuuriya iyo Holland iyo, Kanada loo dhoofshay
  • Oo kuman malyuun oo lacag ah, koodhka loo galiyey
  • Oo kolkay yimaadeen gumaysiga, u kaalmeeyey
  • Kancaan iyo ogoobey Namruud, kama sokeeyaane
 
  • Koofil iyo Fircoon kama duwana, iyo kufaartiiye
  • Ma kurboodayaal waan aqaan, ceeb karuursadaye
  • Kuunkuuriga mooyee wax kale, uma kishleeyaane
  • Kacaanuna hadduu qaar og yahay, kabad ma saareene
  • Tiro laguma soo koobi karo kow, ukala sheege
  • Ku-go’ooyinbaa jira dalkii, kilo dhaafsadaye
 
  • Waxaan kaaga jeedaa murtida, amaan kusoo koobay
  • Xalay kola an hurdada jiifsadayoo, kaar la ladi waayey
  • Oon kacaa fadhiixsiga badshayoo, kararo boodaayey
  • Kuleyl iyo haraad iyo anigoo oon, i kala gooyey
  • Oo kubabka hoosiyo lugaha, aan ka kici waayey
  • Riyo malab ku koosaaran, saw haatuf iima keenin
 
  • Saw ma odhan Kafaad ugu jeclayd, inaad kol gaadhaaye
  • Inaad calan kor saartood xornimo, kaalintaa bogato
  • War kuu yeel Ilaahaye ciil, hays karaar duminin
 
  • Kolkaa Muxumadow saw farxadi, iguma koobnaanin
  • Soo Eebaheen baa karti lehee, kii umaan celinin
  • Kaafiyow Shariifkiina saw, kor uma luuqaynin
  • Sidee karadha roobkiyo cirkoo, karan hilaacaaya
  • Kontorool dhulkeenii maqnaa, saw ma tira-koobin
  • Kulligii kolkaan calan la sudhay, kaa xinada saaray
  • Soo kurbiyo xanuunkaan qabniyo, kaarkii nama daynin
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.