Home

Saadaal

                                                 Yuusuf Colaad

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Saadaal waa gabay Allabari, hawaala waran iyo gocasho isagu jira oo uu Yuusuf tiriyey dhammaadkii 1980aadkii.  Wuxuu yidhi:  
  • Garbaa Maxamadoow lagu hadlaa laguna goohaaye
  • Gebgeb hadalku iigama baxo iyo gees walba u roore
  • Ragna gabayga waa wada tirshaa nin iyo gaarkiise
  • Badh gunay ku doonaan intay gudun afaystaane
  • Badhna waxaan gayiga joogin bay golaha keenaane
  • Badhna godobta Soomaaliday gabi u fuulaane
  • Anna maalintay ii gasho baan gogol ka sheegaaye
  • Aan gorfeeyo caawana waxay gocatay laabataydu
  • Warka xalay Galbeed iiga yimid waa gu' noo da'aye
  • Garaadlaawe mooyee naflahu waw gogobayaaye
  • Gidigeedba Soomali waw gayaxay caanoode
  • Nabadii guyaal iyo guyaal laga gayoon waayey
  • Nabadii gudigii loo diraa gaadhi kari wayday
  • Geeska Afrikaad xaajadii la isku gaagbeelay
  • Arintii gumaysigu lahaa guba caruurtiina
  • Kaaraha gurguurtiyo madfacuu geesigii mariyey
  • Guulwade Siyaad iyo Rabbi baa loo gardaadsadaye
  • Guuleedna waa mahadasan yahay gooshka maanta ahe
  • Isagaba wixii loo galaad garan karaysaane
  • Oo calanka guudkiisu yahay gaar umuu heline
  • Soomaali baa u wada gurmaday gabi ahaanyeed e
  • Gaashaanka Cumarkii hayiyo geesiyaa sudhaye
  • Haddaan gacan la siin kama tageen gaalkii Faransiis e
  • Aftraa geddaan odhan jiriyo goboladaydii dheh
  • Ragbaa hadalka gowdhgowdhiyee gabi dhac maw diidday
  • Ganataalaha halkii aan la rabay gow ma kaga siiyey
  • Gaban kalan waa ciidamada guushu ku adkaatay
  • Dhaaxay gumaysiga Amxaar ganafka taageene
  • Wax dhaaxay gartii loo dhigtaba gole baneeyeene
  • Kolkii Aadan gaashaan dhigii gacanta loo saaray
  • Ragii geyey markii ciidankii iyo geeshkii loo tiryey
  • Galdalooladii jiray markii gaydhka lagu deyray
  • Mid war geeya mid u guura iyo gacal kolkuu waayey
  • Gadhlis buu Amxaarkii ku yimid gaabiska ahaaye
  • Gartood weeye maantaba inay nabad ku guuxaane
  • Ka gol yimid haddii aan tu kale idin garwaaqsiiyo??
  • Kolkay gaaskay soo direen laga gol roonaaday
  • Guutooyinkoodii kolkii gumuc la leefsiiyey
  • Goobtii la joogaba kolkuu gool ku dhalin waayey
  • Galidii Toghdeer maalintii garabku naafoowye
  • Gaadiid waxay soo direen ama mid gaashaaman
  • Iyagoon gantaalaha qarxiyo gubitis loo yeelan
  • Gacantaa Cadceed kaga dhigiyo geesi dhaarsanuye
  • Kolkuu jananku gaagii ka hadhay gagida soo taagan
  • Xoogeenan gaamuray kolkuu gowska irdhooday
  • Gadhlis buu Amxaarkii ku yimid gaabiska ahaaye
  • Gartood weeye maantaba inay nabad ku guuxaane
  • Gal Dogob bay nafluhu moodayaan guul inuu helaye
  • Siyaasado gun dheer yaa goluhu kaga gudoonsheene
  • Hubku inuu inoo soo galaa looga gaabsadaye
  • Godadkuu Maraykaan u qoday rag iyo gaddiidba
  • Baarleef galkii lagu madhshay galin ka yaaceen
  • Goday baan ka saaraye maxay guuto yari sheegi?
  • Aftraa gedaan odhan jiriyo goboladaydii dheh
  • Ragbaa hadalka gowdhgowdhiyee gabi dhac ma u diidday
  • Ganataalaha halkii aan la ragbay gow ma kaga siiyey
  • Gaban kalana waa Eebahay mid aan galiimaystay
  • Allahayoow nin gaydh kulu qaba oo gooman baan ahaye
  • Alahayoow gu'yaal badan ayaan galalafaayaaye
  • Gurbaystiyo haweenkii ku koray Go'ay dhanaankeeda
  • Galay baa la siiyaa dadkii gaananaan jiraye
  • Siddii gabar intay doonanayd guuyo laga dhiibay
  • Oo waayo loo guuray oo garac ka yaabaysa
  • Ama geesi laga hiiliyey ooy gocoshadii hayso
  • Ama aar gantaal qaba hurdadu waygu gabileeye
  • Allahayoow gumaystaa ku hadhay goboladii qaar e
  • Gobanimadii way kala dhimeen gaaladuu Yurube 
  • Gayigaan lahayn bay Amxaar gacan ku siiyeene
  • Galab qudha ma joogeen hadduu gooni noo yahaye
  • Waataan gorofta ceebeed ku raray gaayo alifley e
  • Galinbay ka yaaceen dhulkay ganacsanaayeene
  • Waa taan gaasaskoodii ka dhigay goosan weer helaye
  • Waa tuu birgaydhku u go'ay gaajo iyo oone
  • Gorgorka iyo waraabuhu ka dharag guduridoodiiye
  • Garadarada ma qaateen haddaan Ruushku soo galine
  • Caawana midbaan goconayaa gaban kalaan baanay
  • Allahayoow gunimo waa xun tahay gaal ku dhaansado e
  • Ma garowsni Eeboow inuu igu gabraartaaye
  • Anoo geeshka aan heli karaa toban malyuun gaadho
  • Oo calanka garabkayga sudhan gacan i siinaayo
  • Waa ii garaad xumo inaan gibir u dhiibaaye
  • Allahayoow go'aankuna adunbuu gooni kuu yahaye
  • Guulloow waxaan kaa codsado galabta ha i seejin
  • Garbo iyo Malaykaa qalbigu gaadh is lee yahaye
  • Galadiid ayaamaan jeclaa geel ku dhalayeeye
  • Oo labadii geed baan lahaa gacanta sii saar e
  • Qabri Dahare galinbaa lahaa guusha maqashiiye
  • Goglo iyo Bannaan baan lahaa daawo Garasley e
  • Halkii nugulka goonida u ahayd gaararkii webiga
  • Goonyaha Qalaafaan lahaa gacamada u jeexe
  • Beeraha Godey baan lahaa cagafta gaadhsiiye
  • Gaaskiyo batroolkan lahaa riigaga u geeye
  • Macdantaa gadhoodhaan lahaa ganacso aashaaye
  • Gaajada la dirir baan lahaa laysku gaylamaye
  • Dhaqaalaha gabaabsiyey baan lahaa soo gadaal kiciye
  • Garlowgube iyo Faaf baan lahaa guluf ka heenseeye
  • God Cusbiyo Ganaaniyo halkaa geela lagu beero
  • Gaaris iyo Wardheer baan lahaa ha isu guureene
  • Gujun iyo Wajeer baan lahaa gaadhi wada saare e???
  • Gubniyaal ka qodo baan lahaa godanka Ciideede
  • Guraawe iyo Shibis baan lahaa gaardi ku cayaare
  • Gunagada iyo Nogob baan lahaa geeshku ha is xidho e
  • Gaashaan dhigeenaan lahaa samada gaadhsiiye
  • Garaadaha maarshaal baann lahaa ha isku giijeene
  • Dadkii kala go'doomaan lahaa meel isugu geeye
  • Afrikadan guracan yaan lahaa howsha garansiiye
  • Gumaysiga ka saar baan lahaa ha is gargaareene
  • Siyaad ha u gudoonshaan lahaa gabi ahaantoode
  • Gadhwadeen u noqo baan lahaa yaan lasoo galine
  • Godiga Hawaas iyo Jigjiga Adari guudkeeda
  • Gindhidh waxa kasoo rogan anay gabantu ii taale
  • Xidigtaa shan geeska ahaan lahaa wadar u gaadhsiiye
  • Haddii labada geesood xornimo laysu wado guuro
  • Kuwan guura bahalaynayaa gacan ma qaadeene
  • Soomaali kala geeyaha iyo kii la garan waayo
  • Intaad geed ku xidhataan lahaa toogo galabtaase
  • Jabuutina intay gaar noqdaan nagama goosteene
  • Waxaan ahay nin garab daar leh oo gaado weyn jira e
  • Hashey gaagaxsheen baan rabaa gorof u aabeeye
  • Intuu Gabiyoow iyo ciidankiyo geeshku na hogaansho
  • Gumuc lagu helyaa iyo si kale loo garbixiyaaba
  • Geediga dhow baan doonayaa inaan ku guuraaye
  • Allow nagu gargaar maanta waa go'bodii weynayde
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 - 2009 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.