Home

Saadaal

                                                 Yuusuf Colaad

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry
    • Garbaa Maxamadoow lagu hadlaa laguna goohaaye
    • Gebgeb hadalku iigama baxo iyo gees walba u roore
    • Ragna gabayga waa wada tirshaa nin iyo gaarkiise
    • Badh gunay ku doonaan intay gudun afaystaane
    • Badhna waxaan gayiga joogin bay golaha keenaane
    • Badhna godobta Soomaalida yey gabi u fuulaane
    • Anna maalintay ii gasho unbaan gobol ka sheegaaye
    • Aan gorfeeyo caawana waxay gocatay laabataydu
    •  
    • Warka xalay Galbeed iiga yimid waa gu' noo da'aye
    • Garaadlaawe mooyee naflahu waw gogobayaaye
    • Gidigeedba Soomali waw gayaxay caanoode
    • Nabadii guyaal iyo guyaal laga gayoon waayey
    • Nabadii gudigii loo diraa gaadhi kari wayday
    • Geeska Afrikaad xaajadii la isku gaag beelay
    • Arintii gumaysigu lahaa guba caruurtiina
    • Kaaraha gurguurtiyo madfacuu geesigii mariyey
    • Guul wade Siyaad iyo Rabbi baa loo gardaadsadaye
    • Guuleedna waa mahadasan yahay gooshka maanta ahe
    • Isagaba wixii loo galaad garan karaysaane
    • Oo calanka guudkiisu yahay gaar umuu heline
    • Soomali baa u wada gurmaday gabi ahaanyeed e
    • Gaashaanka Cumarkii hayiyo geesiyaa sudhaye
    • Haddaan gacan la siin kama tageen gaalku Faransiis e
    •  
    • Aftraa gedaan odhan jiriyo goboladaydii dheh
    • Ragbaa hadalka gowdhgowdhiyee gabi dhac ma u diidday
    • Ganataalaha halkii aan la ragbay gow ma kaga siiyey
    • Gaban kalan waa ciidmada guushu ku adkaatay
    •  
    • Dhaaxay gumaysiga Amxaar ganafka taageene
    • Wax dhaaxay gartii loo dhigtaba gole baneeyeene
    • Kolkii Aadan gaashaan dhigii gacanta loosaaray
    • Ragii geeyey markii ciidankii iyo geeshkii loo tiryey
    • Galdalooladii jiray markii gaydhka lagu deyray
    • Mid war geeya mid u guura iyo gacal kolkuu waayey
    • Gadhlis buu Amxaarkii ku yimid gaabiska ahaaye
    • Gartood weeye maantaba inay nabad ku guuxaane
    •  
    • Ka gol yimid haddii aan tu kale idin garwaaqsiiyo??
    • Kolkay gaaskay soo direen laga gol roonaaday
    • Guutooyinkoodii kolkii gumuc la leefsiiyey
    • Goobtii la joogaba kolkuu gool ku dhalin waayey
    • Galidii Toghdeer maalintii garabku naafoowye
    • Gaadiid waxay soo direen ama mid gaashaaman
    • Iyagoon gantaalaha qarxiyo gubitis loo yeelan
    • Gacantaa Cadceed kaga dhigiyo geesi dhaarsanuye
    • ,,,,,,,,,,,,ku qaadkii ka hadhay gagidan soo taagan
    • Xoogeenan gaamuray kolkuu gowska irdhooday
    • Gadhlis buu Amxaarkii ku yimid gaabiska ahaaye
    • Gartood weeye maantaba inay nabad ku guuxaane
    •  
    • Gal Dogob bay nafluhu moodayaan guul inuu helaye
    • Siyaasado gun dheer yaa goluhu kaga gudoonsheene
    • Hubku inuu inoo soo galaa looga gaabsadaye
    • Godadkuu Maraykaan u qoday rag iyo gaddiidba
    • Baarleef galkii lagu madhshay galin ka yaaceen
    • Goday baan ka saaraye maxay guuto yari sheegi?
    •  
    • Aftraa gedaan odhan jiriyo goboladaydii dheh
    • Ragbaa hadalka gowdhgowdhiyee gabi dhac ma u diidday
    • Ganataalaha halkii aan la ragbay gow ma kaga siiyey
    • Gaban kalana waa Eebahay mid aan galiilaystay
    •  
    • Allahayoow nin gaydh kulu qaba oo gooman baan ahaye
    • Alahayoow gu'yaal badan ayaan galalafaayaaye
    • Gurbaystiyo haweenkii ku koray Go'ay dhanaankeeda
    • Galay baa la siiyaa dadkii gaananaan jiraye
    • Siddii gabar intay doonanayd guuyo laga dhiibay
    • Oo waayo loo guuray oo garac ka yaabaysa
    • Ama geesi laga hiiliyey ooy gocoshadii hayso
    • Ama aar gantaal qaba hurdadu waygu gabileeye
    • Allahayoow gumaystaa ku hadhay goboladii qaar e
    • Gobanimadii way kala dhimeen gaaladuu Yurube 
    • Gayigaan lahayn bay Amxaar gacan ku siiyeene
    • Galab qudha ma joogeen hadduu gooni noo yahaye
    • Waataan gorofta ceebeed ku raray gaayo alifley e
    • Galinbay ka yaaceen dhulkay ganacsanaayeene
    • Waa taan gaasaskoodii ka dhigay goosan weer helaye
    • Waa tuu birgaydhku u go'ay gaajo iyo oone
    • Gorgorka iyo waraabuhu ka dharag guduridoodiiye
    • Garadarada ma qaateen haddaan Ruushku soo galine
    •  
    • Caawana midbaan goconayaa gaban kalaan baanay
    • Allahayoow gunimo waa xun tahay gaal ku dhaansado e
    • Ma garowsni Eeboow inuu igu gabraartaaye
    • Anoo geeshka aan heli karaa toban malyuun gaadho
    • Oo calanka garabkayga sudhan gacan i siinaayo
    • Waa ii garaad xumo inaan gibil u loogaaye
    • Allahayoow go'aankuna adunbuu gooni kuu yahaye
    • Guulloow waxaan kaa codsado galabta ha i seejin
    •  
    • Garbo iyo Malaykaa qalbigu gaadh is lee yahaye
    • Galadiid ayaamaan jeclaa geel ku dhalayeeye
    • Oo labadii geed baan lahaa gacanta sii saar e
    • Qabri Dahare galinbaa lahaa guusha maqashiiye
    • Goglo iyo Banaan baan lahaa daawo Garasley e
    • Halkii nugulka goonida u ahayd gaararkiiwabiga
    • Goonyaha Qalaafaan lahaa gacamada u jeexe
    • Beeraha Godey baan lahaa cagafta gaadhsiiye
    • Gaaskiyo batroolkan lahaa riigaga u geeye
    • Macdantaa gadhoodhaan lahaa ganacso aashaaye
    • Gaajada la diri baan lahaa laysku gaylamaye
    • Dhaqaalaha gabaabsiyey baan lahaa soo gadaal kiciye
    • Garlowgube iyo Faaf baan lahaa guluf ka heenseeye
    • God Cusbiyo Ganaaniyo halkaa geela lagu beero
    • Gaaris iyo Wardheer baan lahaa ha isu guureene
    • Gujun iyo Wajeer baan lahaa gaadhi wada saare e???
    • Gubniyaal ka qodo baan lahaa godanka Ciideede
    • Guraawe iyo bidix baan lahaa gaardis ku cayaare???
    • Gunagada iyo Nogob baan lahaa geeshku ha is xidho e
    • Gaashaan dhigeenaan lahaa samada gaadhsiiye
    • Garaadaha maarshaal baann lahaa ha isku giijeene
    • Dadkii kala go'doomaan lahaa meel isugu geeye
    • Afrikadan guracan yaan lahaa howsha garansiiye
    • Gumaysiga ka saar baan lahaa ha is gargaareene
    • Siyaad ha u gudoonshaan lahaa gabi ahaantoode
    • Gadhwadeen u noqo baan lahaa yaan lasoo galine
    • Godiga Hawaas iyo Jigjiga Adari guudkeeda
    • Gindhidh waxa kasoo rogan anay gabantu ii taale
    • Xidigtaa shan geeska ahaan lahaa wadar u gaadhsiiye
    • Haddii labada geesood xornimo laysu wado guuro
    • Kuwan guura bahalaynayaa gacan ma qaadeene
    • Soomaali kala geeyaha iyo kii la garan waayo
    • Intaad geed ku xidhataan lahaa toogo galabtaase
    • Jabuutina intay gaar noqdaan nagama goosteene
    • Waxaan ahay nin garab daar leh oo gaado weyn jira e
    • Hashey gaagaxsheen baan rabaa gorof u aabeeye
    • Intuu Gabiyoow iyo ciidankiyo geeshku na hogaansho
    • Gumuc lagu helyaa iyo si kale loo garbixiyaaba
    • Geediga dhow baan doonayaa inaan ku guuraaye
    • Allow nagu gargaar maanta waa go'bodii weynayde
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.