Home

Gaal la Joog(1976)

                                                  Yuusuf Colaad

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

    Gabaygan Gaal la joog wuxuu abwaanku tiriyey isaga oo u jawaabayey nin Muuse Aaye la yidhaahdo oo gabay mucaarado ah oo uu ku calbabaasayo  jabhadihii gobonimo doonka ahaa tiriyey.  Wuxuu Muuse tiriyey gabayga isagoo safar ugu sii jeeda Jabuuti.  Jabuuti muxuu ka doonayey haddii la weydiiyey Yuusuf Collad wuxuu ku  jawaabay inuu Muuse u af-miinshaaro tageyay Jabuuti kadib markii uu maqlay inay xornimo qaadanayso.  Waxay munaasabada gabaygani ahayd dagaal dhexmaray jabhadii xaq u dirirka ahayd ee Soomali Galbeed (WSLF) iyo gumaysiga Itoobiya 1976.

    Waxaan ku horaynaynaa halalkii uu tiriyey Muuse Aaye oo Isaaq ah kadibna waxaan ku xijinaynaa jawaabtii Yuusuf Collaad oo Ogaadeen ah:

    Wuxuu yidhi Muuse:

    • Ninyahoow go'a madoow soo xidhay, ee geestana caddeeyey
    • Waagii guduutaba ninyahow, guraya mayd been ah
    • Ninyahoow lacago badan oon is gayin, jeeb isugu geeyay
    • Odayada wargayska ah ninyahow, galabta soo taagay
    • Guyaal iyo guyaal badan ninyahow, goodir midabeeyay
    • Gabaldaye siddiisii ninyahow, galinba layn raacay
    • Ninyahow galabta ila joogay, ee Godey ka sheekeeyay
    • Ninyahow go'a balcad ah soo xidhaye, gaabsantana haystay
    • Mar unbaa la garan tuug hadduu, gudo habaynkiiye
    • Gobonimo haddaad jeceshahay, ooy gocoto laabtaadu
    • Gurmadka sidda Jabuuti yaa, dagaal loo girgiriyaaye
    • Wallee geesh afmiinshaar noqday, yaan gool ka dhalin meella
    • Wallee laba gacmoodshoow anigu, kaama guro sheeko

    Jawaabtii Yuusuf:

    • In dhawaydba gabaygii ka tagay, gaaxsanaan jiray
    • Waa taan ka gaabsaday inaan, golle ka sheegaaye
    • Waxa uu Muuse gaystiyo, halka uu gacan togaaleeyey
    • Gar yaqaanadaan doonayaa, inay gorfeeyaane
    • Guddi yahay i maqal waxaad, tihiin gacaladaydiiye
    •  
    • Go'yaashaba ninyahoow soo dhigtee, geelasha uun didiyey
    • Kolka reerku guuraba ninyahoow, gudub u waydaartay
    • Sidda raadka gaadhiga ninyahoow, gees walba u jeeda
    • Kol haddaanan geesh aad dirtaa, gaal la diriraynin
    • Gaas xoogle daayoo adoon, gaado bixinaynin
    • Maxaa godobta nimankaa, xarbiya garabka kuusaaray?
    •  
    • Taariikhda guunka ah iyo haddii, aad guntaba eegto
    • Geeska Afrikaad uumiyaha, Guulle ku abuuray
    • Gumaysiga dadbaa lagu yiqiin, inay garaacaane
    • Axmed Gureey rag badan baa, la go'ay geesigii horre e
    • Sayidkii guyaal badan dagaal, soo galaa bixiyey
    • Kol hadaadan gaban kaa dhintay, iyo gabadhna sheegaynin
    • Gobonimada inaad taabataa, kuu gar ma ahayne
    •  
    • Girigirida maantay ahayd, Adari guudkeeda
    • Goonyaha Jigjiga maalintuu, gallowgu dhiilaabay
    • Gunburi iyo Cagaar Weyne iyo, gowdii Daratoole
    • Af-bakaylihii la isku go'ay, labada geesoodba
    • Gidbaale iyo Beerdhiga, ragguu haadku geganaayey
    • Geestaad kasoo jeeday waad, garan karaysaaye
    • Kol hadaadan gaban kaa dhintay, iyo gabadhna sheegaynin
    • Gobonimada inaad taabataa, kuu gar ma ahayne
    •  
    • Kollayse adigu Gadar baad u kici, gooshkan dabadeede
    • Shanta inay gobeeyaan ragbaa, goostay waa horre e
    • Gayiga iyo ciidaad nacday yey, gaadhka ka hayaane
    • Maxaa godobta nimankaa xarbiya, garabka kuu saaray?
    •  
    • Geerida af-miinshaar ma tago, goobta dirireede
    • Goonyaha maxkamadaha iyo baararkuu, galalafaayaaye
    • Ama geesta Carabtuu tagaa, ku gabadaa diine e
    • Nin garowsho daran naarta, waa lagu gufeeyaaye
    • Kol hadaadan meel rag isku go'ay, gumuc ka tuuraynin
    • Maxaa godobta nimankaa xarbiya, garabka kuu saaray?
    •  
    • Ninkase lacago badan oon is gayin, jeeb isugu geeyay
    • Waagii guduudataba ragbaad, guri ka saartaaye
    • Gogosha iyo caruurtaad dhigtaa, gegi habaas weyne
    • Gushigaagan daar uu galiyo, gole ka weegaarto???
    • Gobonimada waad neceb tahay, oo waad ka gubataaye
    • Geestaad ka joogtaa kufrigu, guul ka dhaliyaaye
    • Kol haddaan gumaysiga aqaan, gacan inaad siiso
    • Wallee gaal la joog yahoow, anaan garab ku waydiisan 
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.