Ilma Samatar (Maalinguur) iyo ilma Warfaa (Reer Warfaa) oo Reer Cabdille, Ogaadeen ah, ayaa waxaa ka dhexeeyey loolan ku saabsan xagga curadnimada, ugaasnimada, laandheeranimada iyo gobanimada. Waxaa la sheegaa in loolankaasi billowday aabahood Xirsi oo nool, dabadeed wuxuu yeeshay waji suugaaneed markii dad xidid ahaa ay yarad, dhibaad iyo martigalin ku kala eedsheegteen gabayana isugu tiriyeen. Gabayadaasi waxay ka tallaabeen xididkii wax kala tirsanayey, waxaana laysula gudbay loolankii dhabta ahaa ee Warfaa iyo Samatar. Suugaantan baaxadda weyn yeelatay ee ka billaabatay guurkii Canbaro Dheel waxaa qaybtii hore iyo qaybtii dhexeba weerar cuslaa Maalinguur.
Mar dambe, Reer Warfaa waxay maleegeen shirqool laba abwaan oo ruug caddaa ahaa inan-layaalna u ahaa ay Maalinguur kaga horgaynayaan. Labadaa gabayaa waxay kala ahaayeen Maxamuud Cali Beenaleey iyo Cali-dhuux Aadan Goroyo. Reer Warfaa waxay ku hormareen Cali-dhuux oo waxay u direen niman seeddiyaddii ah waxayna ku yidhaahdeen waxaa Reer Cabdille noo soo kaa faray: “waxaan ku go’naa Calidhuux ee ha kala caddeeyo Reer Warfaa iyo Maalinguur midka gobsan” Cali-dhuux shirqoolkii Reer Warfaa ma fahmin, godkii ay u saynsaabeen ayuuna dalaq ku yidhi, wuxuuna soo faray gabay ay ka mid ahaayeen meerisyadan hoose:
Xawadayda kuma iibin karo, maraggii xeeleede Midna ima xigoo labadan qolo, waan xaq simayaaye Allaylehe waxaa ila xadhaadh, sida xiniintay ah Ninka xididkii oo soo martiyay, xeedho la cuslaatay — Xaashaa lillee Reer Warfaa, kaa xarrago roone
Maaliguur uma jawaabin Cali-dhuux, waxaana lala wada yaabay laba jilib oo laf hoose, Reer Ugaas Xirsi, isku ah waxa soo dhex galiyay.
Abwaanka labaad oo ahaa Maxamud Cali waa lagu kari waayey dhawr jeer oo laysku dayay in madaxa loo galiyo Maalinguur. Markii ay ka samreen Ina Cali Beenaleey ayey Reer Warfaa dabin kii hore ka khatarsan dhigeen. Nin Gaani Madoobe la odhan jiray oo Reer Dalal ahaa ayaa tiriyey gabay masabid ah oo uu ka dhigay wax Maalinguur tiriyey isagoo ujeedkiisu yahay inuu Maxamuud Cali gabaygaa qoonsado weerarna ku qaado Maalinguur. Gaani gabaygiisa waxaa ka mid ahaa:
Inta Bari degtiyo Reer Warfaa, ha is bahaysteene Ballan qabaha Doolaal Jiciir, haysku biirsheene Bar hadduu u tari Muumin Cali, haysku badiyeene
Dadka qaarbaa meeriska u dambeeya u wariyey: “bar hadduu u tari Beenaleey, hasyku badiyeene”
Si kastaba ha ahaatee, gabaygaa ayaa Maxamud Cali gaadhay horayna wuxuu ula socday shirqoolladii kale ee Reer Warfaa ay Maalinguur ugu col sameeyeen. Wuxuu qaadan waayey in Maalinguur wixii Bari dega oo Maxamud Cali ku jiro ay wada gaadhaan! Wuxuu sidoo kale qaadan waayey in Maalinguur aagga isku ballaadhiyo oo ay gabayga kusoo jiidaan rag uu isagu ka mid yahay oo gabay loo qiray, sheekadanse aan lug ku lahayn. Shakiba ha galo, laakiin Maxamuud ma hubin cidda gabayga tirisay, inan-la-yaalna wuu yahay, wuxuuna iska dhawrayaa isagoon hubsan inuu Maalinguur gabay u mariyo. Haddaba wuxuu tiriyey gabay qaali ah oo la baxay Baxnaano. Waa gabay afeef iyo goodi miidhan ah, wuxuuna yidhi:
Gabaygaan buruudka u lahaa, waan ka baalidaye Ma billaabin meeshiyo intay, baladu oognayde Kolkii dunida baasuhu galaan, baafiskii dhigaye
Nin bandiiradii tiiriyeyoo, beylahshaan ahaye Barmiiseeye[1] maansada raggii, baasha hayn jiraye Xalaybaa basada la ii akhriyey, goor habayn badh ehe Aan boosteeyo caawaan hayaa, burunjidiisiiye[2]. Bullaxaar magaalada Barbara, Buulyar iyo Awdal Beerihii Shabeeliyo Busliyo, webiga baaciisa Burco iyo Baargaal Hobyiyo, badaha liilkooda Balad Weyne Baydhabiyo Xamar, Baydisle[3] iyo Koonfur Bilaad Sheekh Xuseen iyo arlada, bilaha loo jeedo Boholaha Hawaasiyo illaa, badhaha Nayroobi Barrin Carabka beydkiyo Kabcada, lagu bishaaraysto Basriyo Xudaydiyo Sanciyo, Cadan bataaxeeda Baallaha intaa naga jirtee, bada Islaameeda Dadka badani waa ii ogyahay, baabka maansada e Badweyn iyo anaa lay yaqaan, bilicdii geeraare
Billaadada wax laga naadiyaa, beydadkaan dhigaye Bukuluu ninkii ii yidhaa yaan, baddaan galine Sidii Buluk Talyaani oo xarbiyey oo Xabashi baandheeyey Burmadiyo siddii miinadaan, wax u baduugaaye Bastooladaha meeshaan ku rido, laga banjoogowye Bukurow facay lama tartamin, amase bayd-gaabe Nin aan meel ka wada beeranahay, baaquliyo caydi Iyo aniga baandhaha tol waa, layga badiyaaye Umana baran bahdeey iyo in aan, bi’iyo Daaroode Shisheeyaha kolkaan baratano, yaan anigu beyshaaye
Gaaniga balaayada dhigayee, huriyey baaruuda Iyo buugaguu Maxamed Cumar, badiyey kiiskooda Barri waxaa la weydiin ninkii, bowlahaa furaye
Basarxumo inuu Reer Warfaa, budulka qaadsiiyey Iyo inay bacdii Maalinguur, baanisanhan keentey Oo ani intii Bari fadhiday, la igu laan buubshay Beentiyo runtuba waadhow bay, kala baxaayaane Aan baxnaansho xaajada halkii, badhida loo saaro
Sida Baalidii dumarka ee, baqarta maalaysey Ee caanihii uga bateen, baq iyo faarowga Ee boqorka aaddan u tagtee, baabada u sheegey Ee yidhi lo´dii kala badh oo, baal u kala qaabi Ee inuu barooduhu fidnayn, Baafiyuhu sheegay Dabadeed billaawaha afka leh, baydda lagu gooyay Ee kureygu buraduu jeclaa, looga soo bixiyey Ee baabadhuuryadu dabkii, beerka kala boodey Ee dhuxusha baal kaga nabnayd, baqalyadii qaaday Ee baladka weyn ee camiran, saartay badhihiisa Dabadeed bandarigii gubteen, beesad laga qaadin Armuu gabaygu baabkaa noqdaa, dunida baaweeya
Sumalkii barriga daaqayee, cunayey baadkiisa Ee wiil badraan ihi wankii, badhida weyn taabtay Ee kii lahaa ee ba’naa, beerka kala gooyey Dabadeedna laysugu baxee, boqol ku ruux weyday Armuu gabaygu baabkaa noqdaa, dunida baaweeya[4]
Barkad iyo naagtii Bah Ararsame, eeday bilicdeeda Ee badhaladii[5] dirirtay iyo, baarcadii lee’atay Tafadhiig dabeed loo baxshee, beelihii rogatay Armuu gabaygu baabkaa noqdaa, dunida baaweeya
Nirigii baloobayee cadhadu, dhinaca boogaysay Ee baatirtuu nuugi jiray, baasihii galiyey Dabadeedna geelii badnaa, wada balaayeeyey Armuu gabaygu baabkaa noqdaa, dunida baaweeya
Midgihii bakhtiga jiitayee, baydhay sabankii xun Ee in ay bidciyo ceeb faleen, buugga lagu jiiday Ee siday dadkii uga baxeen, loo badalin haybka Armuu gabaygu baabkaa noqdaa, dunida baaweeya
Bahdii iyo xigaaliyo ninkii, baradii weydaarta Bilo saad ku qaybiyo hadduu, baad la tagi waayo Ama wuu bakhtiyi amase waa, loo buraanburiye Saw inii barwadan[6] loo akhriyo, buugga kuma taalo?
Marti balashi loo daadiyaa, waa bakhtiyo duufe Buuri iyo sunbaa lagu daroo, layska bi’i soore Balaayaa dhacdaye yaa haddaba, beel u hoyan doona!
Danjire Cabdullaahi Xasan, Maxamed-rashiid Sheekh Cabdullaahi iyo Deeq Sayid Kaariye ayaan ka saxay.
Maalinguur iyo Reer Warfaa gabayo badan oo kala daran ayey isu mariyeen, sheekaduna way fogaatay. Waxa ilaa iyo haatan naga soo gaadhay waa tixo teelteel ah iyo meerisyo halqabsi ahaan loo soo qaato oo kaliya. Waxaa la odhan karaa gabaygan iyo midka Maxamed Cumar Dage http://www.doollo.com/mainpage/boggasuugaanta/dage/suurogooniah.htm ayaa ah kuwa kaliya ee inay dhammaystiran yihiin u eg. Wixii aad ka hayso noo soo gudbi.
[1] Barmiseeye waa eray af Talyaani ah oo u qorma Permesso laakiin gabayaagu uu Soomaalyeeyey. Wuxuu ujeedaa fasaxe ama farahay ka qaadeen raggii maansada lagu yaqaan [2] Burunji waa jiidh, wuxuu ujeedaa caawa ayaan hayaa xooggiisii [3] Baydisle Saransoor tol tolalka Soomaaliyeed ka mid ah. Waxay wada dhasheen Dagoodiga [4] Qisadani waxay ka dhacday Ciidagale, Isaaq ah dhexdii. Rag badan baa ku go’ay sida gabayaaguba sheegay. Maalintii u horraysay kaliya waxaa qudhbeeshay 24 nin. [5] Badhal; waa eray asalkiisu Af-carabi yahay oo la macne ah geesi. [6] Barwaan waa xaashi |
Authorization