Home

Suuro Gooni ah!

                                                  Maxamed Cumar Dage

 

 

 

Gabaygani wuxuu ka mid ahaa gabayo ay Maalin-Guur iyo Reer Warfaa (oo labaduba Ogaadeen ah) isu tiriyeen xilli horre.  Gabayadan oo silsilad dheer ahaa mudana socday, rag badan oo gabay-ruug ahna ay ka qeyb qaateen waxay soo gabagaboobeen badhtamihii qarnigii aynu soo dhaafnay.  Haddii aad qaar ka mid ah hayso ama meel laga heli karto og tahay nala soo xidhiidh: 

 

  • Sunihiisa gabay waayaan, saayiq ku ahaaye

  • Indhawayd ka saahiday codkaan, suuradayn jiraye

  • Sa’da kama akhriyo meeshiyo, subucii dheeraaye

  • Ma sifeeyo meeshii kal horre, sarumadiisiiye

  • Sanahaabadii baan ku hadhay, salowgii shaydaane

  • Markaan saxana eed iyo danbaa, iiga saa’idiye

  • Markaan samir idhaahdana ragbaa, kicine sooyaane

  • Xalunbaa saqdii dhexe hurdada, saar la ii tumaye

  • Sidii aniga oo suufiyaa, layla soogsadaye

  • Sa’da bal aan ku dhigo caawa, taan siinka ka higaadsho

 

  • Afartaa suddaan odhan jiriyo, saani ma u sheegay

  • Sida sadarka diintiyo cilmiga, soohdin ma u yeelay

  • Ma ku simay sutaac xariir lihiyo, soohan midabkeeda

  • Sumad lagu aqoodiyo bidhaan, soocan ma u yeelay

  • Sa’daan kaga bilaabiyo miyaan, surin ka leexsiiyey

  • Hadal lama sariigee caddaan, seef ma ugu gooyey

  • Saldho lagu fadhiistiyo rakaad, sare ma gaadhsiiyey

  • Sowda kalana waa xalay halkaan, seexasho u diiday

 

  • Haddii sahan rag loo diro dadkoo, sano abaaraad ah

  • Oo suud madow iyo cagaar, siibtay la arkoodo

  • Sune weeye xoolaha haddii, saaca loo raro e

 

  • Nimaad sagal lahaydeen haddii, saymo lagu sheego

  • Oo sawd xun laga keeno iyo, si uu ku iimoobay

  • Sune weeye maalintaa inaad, suubisaa gabaye

 

  • Sahal waxaad ka dhigataa gadaal, wuu ku sababaaye

  • Sabanaba ninbaa Eebaheey, magac xun saaraaye

  • Sifo foolxunbaa laga waramay, Samatar Guuleede

  • Wiilkii af saa’ida lahaa, sawdkan laga keenay

  • Iyo seexashaba waa u caad, suu u hadi waayey

  • Iyo siduu anfaacigu u sabay, silligu noo keenye

 

  • Xagganaga sidduu yeelay waa, laga sadqaystaaye

  • Waa suuro gaani ah nimay, dheefu sixirtaaye

  • Sunba nooga daran dhuunigaan, sooryo noo galine

  • Sabta iyo midguhu way nacaan, silicii ceebeede

  • Sawjadaha naaguhu kollaba, kumaba soocdaane

  • Ka subxaanalaa laga hayaa, suuqii Cadameede

  • Saajin iyo nin boqoruu ahaa, saatan ka horowe

  • Markaan saajucnimadii la waa, magacu saaraaye

  • Allay lehe salaankii ka duul, sanadan Qoorleexe

 

  • Afartaa sarbeeb lama hadlee, saxarka ma u diiday

  • Sida sadarka diintiyo cilmiga, soohdin ma u yeelay

  • Ma ku simay sutaac xariir lihiyo, soohan midabkeeda

  • Sumad lagu aqoodiyo bidhaan, soocan ma u yeelay

  • Sa’daan kaga bilaabiyo miyaan, surin ka leexsiiyey

  • Hadal lama sariigee caddaan, seef ma ugu gooyey

  • Saldho lagu fadhiistiyo rakaad, sare ma gaadhsiiyey

 

  • Sibbi iyo Sanaagyaha Galbeed, Sabadii Booraale

  • Sarta Adari suuqyada Jigjiga, salabkii Ceel Ciire

  • San Cadaad ma laga naadiyiyo, Sugub afaafkeeda

  • Ma sayaxay safkii Reer Burciyo, sawjarkiyo gaalku

  • Siidhiga miyey kaga tunteen, Sugule Caynaanshe

  • Sow kalana waa Maalin Guur, socotadii gaadhay

 

  • Niman subax gadoomaa ka tagay, surinkii Ciideede

  • Salaad iyo salaadeeda kale, saa’id iyo caawa

  • Intaaseey sudaha maaxayeen, sool qar oodan ahee

  • Sibraar iyo ma sidan wiilashii, sahaydii caanoode

  • Saamaale awr iyo ma wadan, hilaygii saaraaye

  • Iyagoo sadoodo leh la gaadh, qeyro saraf weyne

 

  • Sinaad looma maaxine la fahan, yaan ku simanaaye

  • Samaan ina adeer iyo tolnimo, laga sokeeyoowye

  • Niman seediyaashi ah yuu u tagay, suramadiisiiye

  • Salka dhiga markay sugahayeen, sii socduu yidhiye

  • Iyaguba samuudlow horweyn, ma ay su’aaleene

  • Sangaha xoogga weyn iyo mindhaa, sumal ma doonayne

  • Xeedhyaha sanuunadan iyo barnidan, Saaxil laga keenay

  • Wanka saabarka weyniyo goolalkii, sibir kusoo naaxay

  • Waxba yuusan sogobyaalka u qalin, seero-daaqyada e

  • Waxba yuusan sadkii gobi taqaan, yaraha saaweyne

  • Suruq iyo harraad baa dilee, badhax kol uu siiyo

  • Allay lehe surquun kalama tagin, seediyaaladiye

  • Bal aan sugo sancadan la ii waramay, waxay ku suurowday.

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.