Xuseen Cabdi Xalane
  1. Nin Ibraahinow geeskan bari, garani xaalkiisa
  2. Haddii uu dagaal gacal yidhaa, waw guntiyo xeydan
  3. Guuldarriyo inuu ceeb mutaa, waysu garab oole
  4. Bal si aan tusaalooyin gara, kuugu gada sheego
  5. Goobjoog wixii dhacay ka qorey, geeddi socodkeeni
  6. Aan taariikhda guud mare, gabaygan feenfeeno

 

  1. Boqorkii galbeed iyo sharqiba, gaadhay magaciisu
  2. Gumeystaha adduunkiyo ninkii, Yurub la guureeyey
  3. Googoynti Barliin ninkii, gobolki loo daayey
  4. Rabbi baan gaboobine ninkii, boqol gu’ noolaadey

 

  1. Galabtuu cadhoodaa ninkay, Xabashi guulaantay
  2. Gabla loo sujuudiyo waxay, rag u gurguurtaanba
  3. Ninkuu gacanta saaraa waxay, guul u noqotaaba
  4. Nabsi guradka kibir geedankiyo, geeda sare fuulka
  5. Garta eexo waa wixi Mansiga, gaday duqoodiiye

 

  1. Eritriya inay gaar tihiyo, gobanimow diidki
  2. Oromadi garaac iyo karbaash, gibil madoobaatay
  3. Qotidii waxay badar gureen, garabku naafoobey
  4. Ogaadeenka geeluu lahaa, gibirka loo oodey
  5. Shucuubtaa gu’yaal iyo gu’yaal, cadho guhaadootey
  6. Ee ciilku gaawihi madhnaa, buuxa gabi dhaafshay
  7. Geerida horteed bay ku ridi, maanu garaneyne

 

  1. Ha gafaba nafluhu waa yaqaan, gabi dhacleyntaase
  2. Ha ku go’aba jeelkii sidii, geesiyaal hore e
  3. Inaan aaski galabtii cid tagin, go’aha yaw sheega

 

  1. Mingistihi dagaalkaa galee, libin ku geeraarey
  2. Dadweynihii gadoodee xornimo, meel fog laga geeyey
  3. Garanwaa waxay goconayeen, si ay ku gaadhaane
  4. Gacan adag wuxuu beegsadoo, kuman gumaadaaba
  5. Guutooyin Ruushoo hubliyo, gaasas wada heegan
  6. Gun la soo kidheystiyo wuxuu, Kuuba galiyaaba
  7. Haba joogto guul uu dhashiyo, gacan sareynteeda
  8. Car ha gaadho Casmara haduu, kibir nin meel geeyo

 

  1. Gole shacabku doortiyo haddey, guurti talin weydo
  2. Way sii gadoodaan markaad, ganaf la jiidhaaye
  3. Inaan gumucu aadmiga bedelin, go’aha yaw sheega

 

  1. Giir weyni iyo xoog hadduu, giijin taladaada
  2. Geeda weynidiisii Amiin, galab ma luudeene
  3. Wuxuu gananaf leeyiyo wuxuu, shacabka guulaaba
  4. Gadaafiyo wuxuu gabadh rag dhalay, xumo u geystaaba
  5. Meel dumarka gaadh laga hayoon, gees la dhuganeynin
  6. Gunba niman u haystaa wixii, gibil madow oo dhan
  7. Maantuu go’doon Carab ku yahay, gacal la’aaneede

 

  1. Isagaa dalkiisii ganbiyey, gurubsi eedeede
  2. Gurmad iyo in hiil loo galiyo, garab warkii daaye
  3. In gabaahiirtaa uu ku dhiman, go’aha yaw sheega

 

  1. Intaa gogoldhac waa tusmiyo, guud u hadalkiiye
  2. Ninka gurigii horayaa mid kale, siini waa gacane
  3. Gudaheena hoosiyo balaan, gacalki faalleeyo
  4. Gadhwadeenkii aan taabacniyo, macallinkii geeskan
  5. Waa labaatan guuradi Siyaad, gu’gan la joogaaye
  6. Guul iyo wuxuu libin dhashiyo, horumarkaan gaadhnay
  7. Dhanna gaabiskiyo wiiqmadiyo, dib-u-gurkii muuqday
  8. Labadaa inaan kala gurraa, saw wax gar ah maaha

 

  1. In qabiilku cudur guuna yahay, go’iyo hooggeena
  2. Googooyey oo shacbigu, meel fog kala geeyey
  3. Gomadaha dabrani waxa xujuray, een la guran weynay
  4. Inuu yahay guntii boogta ee, guuldarrada keentay
  5. Durba garayey geesigu inaan, godad ku aasnaaye

 

  1. Ha yeeshee go’ii waa madhnaa, iilka loo galaye
  2. Gabashada intuu laba sabaan geedo, madax saarey
  3. Wallee Golihii Sare waa fadhiyey, dhawr gu’ dabadeede
  4. Inay shacabku taa garanayeen, go’aha yaw sheega

 

  1. Garoomiyo jidkaa wada goglanee, baal walbaba gaadha
  2. Safarkaa la soo gaabiyiyo, galabba meel jooga
  3. Ummadaha sancada heer ka galay, samada loo guuro
  4. Aqoon bay ku gaadheen cilmiga, dhaaxa gaamuraye
  5. Bal inoo geddoodaa hiigsado, shacabkan gurguurta
  6. In tacliinta loo wada guntado, laysu garab yaacye

 

  1. Guddigii af Soomaaligiyo, guurti taladeeda
  2. Farta guri guddoonkii la qorey, mudane waa guule
  3. Garashada jahliga wiiqeyoon, goyno cidhibtiisa
  4. Gurmad iyo waxaan geedi dheer, gibilka yuuqnaaba
  5. Ololihii miyiga gaadhay iyo, kureyga geel raaca
  6. Ololihi guryaha loogu dhigay, odeyga guurguurta
  7. Gurdan raacii meel fogi ma geyn, galalaftiisiye
  8. Tayadii ma giigsamin sidii, tirada guudkaaye

 

  1. Ustaadkaan gunnada loo qararay, reerka gelin deeqin
  2. Gabankii sidee wax u baraa, waa ninkaa gubane
  3. Xiisaddii inuu soo galaa, way gabaabsidaye
  4. Shahaadadan ninkii gini hayaa, gadan karaa maanta
  5. Gundhaceedu waa kaadir aan, hawsha garayneyne
  6. Gaasiryaye inuu gudhay cilmigi, go’aha yaw sheega

 

  1. Gunta weel haddaan laga unkamin, gadow adkaan waaye
  2. Gobannimiyo ruux gaaja qaba, waa ged kala dheere
  3. Dhaqaaluhu intuu gaabis yahay, guul la hanan waaye
  4. Galley iyo hadhuudh noo go’iyo, geeda midhahooda
  5. Gool dibada loo dhoofiyiyo, giiro wanankeeda
  6. Kalluunkaa baddeenaa gudban, buuxa gudhaeeda
  7. Khayraadkeena gaaxsani inaan, guranno yoolkiise
  8. Gabbal dhaciyo waa bari khudbado, lala galiilyoodey
  9. Gu’yaashaa cusbaa waa isagii, gooha laasimaye

 

  1. Guubaabadiisiyo hankaa, wadarba loo guuxye
  2. Garri iyo gurbaan iyo ammaan, lagu galaydhyeeye
  3. Guclihii hongow iyo hirkaan, gaadh lahayn shalaye
  4. Garow iyo gasiin noo baxoon, guranna beenowye
  5. Bariis doolar lagu soo gediyo, gini la soo deyntay
  6. Guduudey galbeed laga baryiyo, gacanta loo hoorsho
  7. Dib-u-guurka dhacay ceebahaa, saaran guradeenna
  8. Gadaafooyin dheer baa jiroo, gubaya laabtiiye

 

  1. Hantideeni guud daakhliga, qaranka soo gaadha
  2. Sharcigii ku gaarraan jiriyo, gaadhyaha eega
  3. Xil u gaar ah ooy gudan karaan, ruuxba garan waaye
  4. Nin waliba godkii uu fadhiyey, gurey intii tiile
  5. Gacan dhaafka goorada sariyo, kaaga yimid guudka
  6. Gunta seed gufeys ugu xidhaa, saw ku guban meysid

 

  1. Garbo siman dadweynihii ahaa, maanta kala guurye
  2. Markuu qaar gofane naaxay yahay, gaajo qaar godaye
  3. Kuwa gacan togleeyaa markay, war ula guureyni
  4. Inay qaarka goomani arkaan, go’aha yaw sheega

 

  1. Caafimaad geddiisaba la daa, dhawr gu’yoo tagaye
  2. Cisbitaaladii guudi waa, meel galgalineede
  3. Gurmad iyo alaab loo gadiyo, daawo laga guurye
  4. Laydhkii ka go’an oo biyuhu, galin ma joogaane
  5. Takhtarkii ma soo galo shaqada, goorti loo qoraye
  6. Ninba goob yaroo ganacsata ah, galabtii loo aadye
  7. Marka dibadda qaar gooshayaan, geed markay xigato
  8. Qaar baa sariirtii ku go’ay, guri dhexdiisiiye
  9. Inay gacalka xiga ciil gubteen, go’aha yaw sheega

 

  1. Geeshkuu abaabulay colkii, guulay dariskoo dhan
  2. Inuu shacabkan googa’an midnimo, goob isugu geeyo
  3. Ciidnakii gu’yaal iyo gu’yaal, loo carbiyey guusha
  4. Gaatan socodka xeel loo gabado, gaadistiyo shiishka
  5. Gurdan raaca gaardiga ruclaha, geeddan socodkooda
  6. Ciidankii Galbeed iyo Sharqiba, tababar loo geeyey
  7. Ciidankii markay geylamaan, fiintu gama diidey

 

  1. Ciidankii habeen qudha ganbiyey, Xabashi geeshkeedi
  2. Iyo maanta goobtuu habsaday, guuldarrada haysa
  3. Sida loo gabbaanaday nin ogi, ciil gondaha ruugye
  4. Marka geesigii lagu bedelay, guulwadiyo daacad
  5. Garaadaha Islaan laga gurtiyo, eexda kala geysey
  6. Markay qaar garabaha buuxsadeen, gooman badidoode
  7. Tusbax go’ay inuu Geeshkii yahay, go’aha yaw sheega

 

  1. Afka beesha layskuma gashee, waad ku gubataaye
  2. Shacabkaa la kala geeyey iyo, gacalka eedoobay
  3. Nabaddii gabaabsidey gayiga, gabi ahaantiisa
  4. Gawaadhidu war guban wadaan, geeri iyo hooge
  5. Afartiisa geesood dalkii, la isku guulaanye
  6. Budhcad yari halkay goosataa, loogu gali waaye
  7. Guuxa Xamar ku jira wuu hayaa, Gaalkacyiyo Bay e
  8. Gadoodkii Woqooyi jirey u gudub, Gediyo Dhoobley e
  9. Dabka gobol ka soo bixi hayaa, gaatan socodkiisa
  10. Inuu Xarunta soo gaadhayaa, go’ah yaw sheega

 

  1. Qarankaa garwaaxsaday dalkaa, gabi ka laadlaada
  2. Guulamo dhiigliyo anoo garan, wax soo muuqda
  3. xaggeed galabta aadaa anoo, gama’ lileyn waayey
  4. Gardarrada wuxuu Ina Shabeel, godobta ii taaran
  5. Wuxuu iigu goodinihayaa, iga gab weeyaane
  6. Eedda gaaxsantaa marbay, ganac dillaacdaaye
  7. Godka aad qodeysaa abtoow, gurubsigaa eedda
  8. Gunta hoos u dheeree, ninkii gala u joognee

 

 

Recommend to friends
  • gplus
  • pinterest

About the Author

Leave a comment