Home

Saahid Qamaan Cali

                                                  Saddex magac wallee 

Saahid iyo Feetin
Ajinimaan u dhalanay.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  • Dubbadoow nin maansood i yidhi, waa i moog yahaye
  • Waa iga madoobayd tan iyo, maalintii Sirow e
  • Minjo gooye sidduu noogu dhacay, maadis bay galaye
  • Murti iyo addaan kugu ogaa, miiganaan gabay e
  • Ha yeeshee haddan maago hadal, waan mutihiyaaye
  • Iga maqal hal aan xalay mir kacay, ama la muusooday
  • Waa kii shir laynagu makalay, madaqsigii jaanne
  • Hadba waxaa mudh soo odhan adduun, mid aan la eegayne
  • Maantana maxay noqon siddii, Maxamed loo yaabye
  • Middan kalana waa wiilashaan, maanka laga qaaday
  • Hadday sado macaan tahay ninkii, maadiyaa cune e
  • Nin mudmuday dharkayn hoosna maray, mudhuxyey shaaleeye
  • Miyir waxaad ku wayden iswaal, kuma mihiibtaane
  • Muslin kuma cabiidsamo walaan, madaxa kaa goyne
  • Muggii weel ma dhaafee Alloow, mooska yaan jabinin
  • Midan kalana waa aniga iyo, mid iska sheegayga
  • Inaan malab rag kale loo shushubi, wax uga miideeyo
  • Magowshaha haddaan layga siin, maax la dhuranaayo
  • Oon meesha taagnahay anoon, murudna la i siinin
  • Oon maydhax aan igu xidhnayn, maylimo u haysto
  • Oon waliba mood iyo salaan, ugu maleegnaado
  • Saddex magac Allee xaajadaa, layma marinsiiyo
  • Haddiise dooga muruqiisu go'o, mirayga jiilaalka
  • Mawiga ceel haddii loo kacoo, maalku ku arooro
  • Waw miila qeyb niman hadday, magac wadaagaane
  • Masoow aabahay iyo halkii aan, Magan kasoo gaadhay
  • Rag waxaan ku maamuli aqaan, amaan ku maamuusi
  • Masaa in aanu nahay ooy tolnimo, meerto noo tahaye
  • Oon waliba kaga miil cadahay, maydhta diidaniye
  • Masalaha ninkaan ii dhigayn, midig ma saaraayo
  • Kii aniga iga maarmi kara, uma muraad sheegto
  • Inuu aabihii madar yahay, yuu muuno ku lahaaye
  • Muska Ina-Afeey galay aralada, kama miciin moodo
  • Siddii koran xiniiyaha la muday, uma maluugnaado
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.