Home

Ajinimaan u dhalanaye haddaan kaa istixyoono

                                         Saahid Qamaan Cali

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Cali Faarax Dalal, oo Cali Baqalyo lagu naanaysi jiray, Ogaadeena ahaa abwaankii weynaa ee Saahid Qamaana ay isu oday xigeen, ayaa waxaa layidhi beri reerahoodoo Gal-Duur kasoo guuray Bannaanna soo dagay nirig ka guryo noqotay, casarkii dib ugu noqday jabadii laga soo guuray.  Cali ayaa baadi-doonay nirigtii.  Ciiddaa colaadi kama dhammaatee waxaa layidhi, wuxuu u tagay guryahay kasoo guureen oo col Dhulbahante ahi fadhiyaan, show dakanaa horaysaye ciidankii Cali caymo uma galin.

 

Haddii fiid-dambeed lagaadhay Calina soo noqon waayey, ayaa waxaa layidhi ay dhawr nin u direen si ay u soo hubiyaan waxa Cali helay, dhawrkii nin raad-gooyay sameeyeen waxayna kor kala wareegeen guryahay kasoo guureen, haday arkeen raadka fardaha iyo colka maray meeshana, garwaaqsadeena inaan Cali noolayn, dibayna u soo noqdeen.

 

 Rag talo kama dhammaatee markii ladhagaystay warbixintii nimanka, lana gorfeeyey xaajada, waxay talo ku ibbo-beeshay inaan ragga Cali dilay aaro mooyee aydin geel laga qaadan, waxayna qoyskii Cali ka dhashay isku af garteen inaan ciidan loo qaylo dirsado la sugin ee barito duhurka dharaareed Dhulbahante la weeraro, baaquna waa “Cali Baqalyo yaa arkayeey.”

 

Hadday weerarkii kasoo noqdeen, ayaa waxaa layidhi Xirsi Cali oo dhulbahante ahaa, Saahid walaashiina qabay, inan-layaala ahaa ayaa u yimid colkii soo rogmaday.  Xirsi  arag in colku soo libaystay, tuhunna in Saahid oo weerar bixiyey reera dhan oo Xirsi tolkii ahna digo iyo danbas kasoo yeelay uusan gabay la’aan ahayn.  Tuhun waa halkiisee, Xirsi isagoo raba inuu yaqiinsado af-kale oo uu ku dhaho jabkii reerkanaga aad soo gaadhsiiseen iiga waramana aan garanaynin ayuu wuxuu  yidhi:  Saahidow ii tiri gabaygii?  

 

Saahid oo ka xishooday seedigii oo waliba inan-layaal ah inuu gabay dhaadasho ah u sheegana diidan ayaa ku jawaabay, “gabay aan kuu sheego ma hayo Xirsow.”  Haddii dhawr jeer la isku celceliyey ii sheeg iyo waxaan kuu sheego ma hayo, raggii meesha fadhiyeyna ku qoddeeyeen in abwaanku gabayga mariyo ayuu Saahid yidhi:

  

·        Ilma Raage liig uma godlaan, sidigtii loolaade

·        Lurka-kacay Bah Iidoor, sow leexa kama duulin

·        ……….. ladaadyada hurdada, sow ma ladi waayin

·        Lug intuu ka jabay Gaaruf, sow low ma kala haadin

·        Laagaha Reer Jaamac, sow lugi ma naafoobin

·        Libaaxaan ka dilay Reer Mataan, sow uma laddaadyoonin

 

Ma dhanna...

 

Halkaa ayuu Saahid gabayga joojiyey.  Raggii hore wax il dheer buu ahaayee markuu Saahid gabayga halkaa joojiyay ayuu Xirsi Cali yidhi “waar gabaygu ma dhannee dhamaystir?” Saahid oon markan wax badan la daahina wuxuu gabaygii ku soo xidhay:

 

·        Xirsi Cali ma laylyamay haddaan, lumiyay Reer Jaamac

 

Xirsi hadduu gabaygii dhagaystay, arkayna sida xaal noqday ayuu talo kuma rafane awrtiisii caynka hoosta ka gashaday, laba caano-maal kaddibna ciddoodii ku furtay.

 

Colaadiba ha jirtee dadku qaraabo iyo ehel wada dagan buu ahaaye, Xirsi wuxuu reerkoodii ugu tagay shan nin ooy Saahid isu xigaan inan-layaala u ah reerka.  Dhaqanka Soomaalidu wuxuu ahaa inaan maganta, maatida, musaarfurka, cullimada mudan, maxasta oo ay soo hoosgalayaan dumarka iyo da’du, inan-layaalka, iwm la dilin haddii ay ilaaliyaan xeerka magan-galyada siiyey.  Xirsise xeerkaasi ma celinee wuxuu si degdeg ah u tusmaystay in aaro kobtii ugu dhawayd ay tan tahay, shantii nina halkii baa loogu guduudiyey.

 

Haddii muddo la joogay colaaddiina aysan weli qaboobin, ayaa waxaa la yidhi wiil Xirsi dhallay oo Baynax la yidhaahdo, Saahidna abti u ahaa isla markaana gabadh ka qabay Saahid qolodooda ayaa soo aaday Ciid iyo Carro Ogaadeen.  Saahid baa yimid reerkii arkayna Baynax oo reerka jooga, isagoo dareensiinaya wixii aabihii falay, iyo sidaan dhalyo gabdheed loogu bariinin kuway iyagu dhalleen ayuu Saahid yidhi:                                               

 

·        Arinkaad la timid Baynaxoow, wayla amakaage

·        Waa amar Ilaahay xukmiyay, imashadaadiiye

·        Wayla akeek adiga oo, meesha aaminaye

·        War sow aabahaa kuma ogayn, inan yar baad tahaye?

·         

·        Orod naga tag aaqibo nin lihi, nama ag-joogeene

·        Ajinimaan u dhalanaye, haddaan kaa istixyoono

·        Oon awlaxyada kaaga ba’o, olol siraadaaya

·        Oogada sideed gogoshayada, ugu ibaaxaysay?

·         

·        Sow inuu anfaacigu ku gubo, uurka kama yaabtid?

·        Hadayse gabadhi eed yeelatee, aana noqonayso

·        Abtiyoowda wiilkii lahaa, guriga Reer Aadan

  • Aboodigu intuu cuno tukuhu, orr uma qaadeenee

 

Ma dhanna

 

Saahid wuxuu Baynax u jeediyey inay gobonimo u dhalasho tahay wiil uu abti u yahayna aysan gacantu u qabanaynin.  Wuxuuse durayaa aabihii dhalay wiilka ee tii horena falay wiilkiisiina warhooy aayar joogoo  Ogaadeen ha aadin ku odhan waayey.  Wuxuu Saahid wiilka ku leeyahay haddii aanu ku dayno sideed gogol iyo gasiin gabadhanadu kuu fidisay ugu leddaa una luumataa, miyaadan sariiganaynin.

 

Biixi Aw-Cumar ayaa ku deeqay.

  

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.