Home

Saahid iyo Feetin

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Waa suugaan googoos ah oo ku saabsan Saahid Qamaan Cali oo inan-la-yaal u ahaa Feetin Maxamuud Shirwac iyo reerkooda oo saluugsanaa gabadha lagu daray.  Tixdan shax dusheed ayuu ugu mariyey Feetin isagoo u danno sheeganaya.  Wuxuu yidhi: 

  • Gamaankiina badan Feetinoow, gabalba waa cayne

  • Qaarbaan garmaamada la barin, gaalibna aqoone

  • Qaarbaan kagoor iyo kagoor, godalka daynayne

  • Gabxa lagu shakaalyoow sanguhu, gaabi oradkiiye

  • Gacalnimo haddaad naga rabtaan, go'aha noo doorsha

Feetin oo gabadha difaacaya Saahidna u qarinaya in uu isagu garan la'a yahay xaalka gabadha ayaa ku jawaabay:

  • Hal garawsho leey Saahidoow, gobi la yeedhaaye

  • Waa gu' iyo laba deyr jiroo, neefku waa gibinee

  • Nin gamaan yaqaan dhal wuu, gaaso bixiyaaye

  • Haddii nadigu gubo neef yar, waa jaro gariiraaye

  • Waataa gankeedii guryaha loogu caws guriye

  • Maxaad nagu galaysaa haddaad, fuuli garan weydey?

Intaasi markay sidaa u dhex maratay Saahid iyo Feetin, ayaa waxaa gadaal ka cadaatay in gabadhii uu Saahid dhaliilsanaa ay tahay gabadh qiimo badan oo dumar lagala bax ah.  Saahid ayaa haddaba amaan ku mariimay gabadhii waano dheerna u soo jeediyey.  Gabaygani wuxuu u muuqdaa in Saahid maslaxaynayo xaaskiisa oo uu ka xaal marinayo wixii qadaf u ekaan kara ee kasoo gaadhay maansadii dhex martay isaga iyo Feetin:  Wuxuu yidhi Saahid:

  • Afka Adari reer Ugunji iyo, nimanka Eedoole

  • Isahaaq irdaha Maalinguur, Edega Ceel Dhiinle

  • Abasguul Bartire reer Garaad, ururta reer Kooshin

  • Aw iyo Ogaadeen Absame, amaro waaweynta

  • Ilig iyo Awaare iyo Jeed, aradka Buuhoodle

  • Oodweyne reeraha ku jira, nimanka Iidoor ah

  • Afarta beynujaho uumiyaha yaal, odayga Daarood ah

  • Intaasaan ilaalo u dhexmaray, dumarna eegaayey

  • Asli midabkii leeyeey haddaan, adiga kaa doortay

  • Oon wada anfiyey naago kale, odayna kuuraacay

  • Arday iyo siddii macallin baan, kuu af-barayaaye

  • Naahooy aan eray kuu dhigee, qaado odhaahdayda

  • Ma udgoona naag inan-gumeed, uudna shidan mayne

  • Kol haddii ay ubad yeelatana, lagaba aanyuus ye

  • Afka iyo ilkaha cadayga mari, oo indha kuulo

  • Arwaaxdaada oogada biyaha, abid ha moogaynin

  • Usgag naag leh waan necebnahaye, yuusan kugu oolin

  • Nin udgoonka jecel baan ahaye, uunsiga hadaynin

  • Kolla haddaadan iga maarmihayn, idan ha moogaanin

  • Haddii arad la guursado tolkay, waw  abtiriyaaye

  • Abjad iyo waxay kuula iman, agabo naagoode

  • Afarta inqadood iyo murriyad, aqalka kuu taala

  • Aradbaxa asliga kuusha iyo, xidho alaabtaada

  • Adigoon ilwaad quruxsanayn, yaanay kuu imanin

  • Aqalkiyo ardaagiyo qoryaha, ilinta aad joogto

  • Aqlibiyo awaare isku kacay, sidatan geel ooddi

  • Yuusan kaa ahaanine kurtiis, ha isku awdnaado

  • Isku iditib oo wada adkee , ilaxidhkaan jiifo

  • hana igu itaaline ka yeel, meel ergada deeqda

  • Ilma adeeraday iyo kuwaan, oday wadaagayney

  • Niman urursanoo ila fadhiya, haw irdha la’aanin

  • Uurkaygu suu damacsan yahay, anigoon sheegin

  • Aqligaa wax lagu fiiriyaaye, garo ixtaajkayga

  • Amin galab ah aaskoo dam' yidhi, niman aguugaaya

  • Adduunyadu halkay soo martiyo, adhiga raadkiisa

  • Irraday fadhiistaanoo reer galbeed, kama ajoodaane

  • Arwaaxooda way uga ba'aan, Reer Ugaas Magane

  • Alaabtaada oo idil adoo, urursadoo qaatay

  • U tag oo il garo inay yihiin, awrta Bah Xawaadle

  • Dadka uma ekee yaan la odhan, lama aqoonaynin

  • Anoo maqan islaan idin martiyey, niman i aanaystay

  • Ha ku odhan Illaah baa jiroo, aabahood ma hayo

  • Arli durugsan yey iigu iman, inaad asbaaxowday

  • Anigoon ogayn yey anfaco, igaga eed sheegan

  • Naagaa Ugaaslehee dadkiyo, ururi waayeelka

  • Ayaan noolba tii qaylisaa, waa ibliis falane

  • Irdho qaado aashaana soco, aayar haddalkaaga

  • Is ogow afkaagana yasiro, edebi waa doore

  • Ul haddii aan kula dhaco adoo, meelo ka ilduufay

  • Hana ooyin aaboow ha odhan, hana ugaadhoobin

  • Ayaan iyo ayaan naag xunbaan, umalka daynayne

  • Adoo uubatayn reero kale, yaanay ku ogaanin

  • Intaasaan afeef kuu dhigoo, waana kuu idhiye

  • Haddii Eebaheey kugu anfici, waa kitaab idile

  • Haddii aadan aqbalin waanadaa, lagu ogaysiiyey

  • Midkaloo Illaah kuu idmaba, kalaba eedoownay

  

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.