Home

Cumar Fakad

                                                              Gantaal

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Waa gabaygii 3aad ee Fakad uu ku lahaa Silsiladda Daarood ku Fuul.  Wuxuu ugu jawaabayaa Cali Banfis oo ah ninkii gabayda billaabay. Gabayga uu Fakad ka jawaabayo waxaa ka mid ahaa meerisyadan hoose:

 

Cali Banfis ku ye:

  • Goobtii Mandheeriyo halkii gaadhka laga toogtay

  • Sow buuralaydii aan galay gacan libaax ma aha

  • Gariirshaha qalalan sow wadnaha kaan u galay ma aha

  • Giddigiiba Daaroodku sow kaan genbiyey ma aha.

Haddaba, Fakad ayaa Cali Banfis gabaygan jawaabta ah u dedejiyey, wuxuuna Fakad yidhi: 

 

  • Sidii Goodirtii geela iyo gaani rimi weyday
  • Oo awr garuun ahi habeen gunuca soo saaray
  • Oo Eebahay u guntayoo goojo la amaartay
  • Oo geesigii maali jiray gudimo weyn qaatay
  • Oo ganaha laga gaaga tiray gurina loo diiday
  • Oo meel aan geed qaaq lahayn garagaraynaysay
  • Oo guga gugeedii galayoo kurusku giig beelay
  • Oo waxay u gaadgaatisaba galab ku fool qaaday
  • Oo meel gabbood ahoo bannaan gilin yar soo tuurtay
  • Oo gudaha uurkii ku jira gorofka loo qaaday
  • Ooy soo godleen wiilsahii gaydha celinaayey
  • Oo gorafka weyn iyo markaa abur ku geyngeyntay
  • Oo gaajadii lagaga baxay yaan gadeed ahaye
  • Iga gura gufaacadanu waa godoladaydiiye
 
  • Geeraraday soo direen labada guuguule
  • Garranka iyo isyeelyeelku waa gad ay yaqaanaane
  • Garaadxumada waa lagu yaqaan goxoshka Iidoore
  • Abidkoodba gaal urahayey daba gucleeyaane
  • Geeddiga halkaanu u rarnaye gibilka loo taagay
  • Guga da’ay gudgudahaa unkaday galalka doogoobay
  • Bal inay gartaan baan lahaa godolka Maandeeqe
  • Kol hadday Gamaareey noqdeen goysay ibaheeda
  • Gaar howga joogeen bulshada gaajo iyo oone
  • Waxa maanta loo gabagabayn galabsigoodiiye
  • Gafuurka xun day waa kaan wax badan gaabsadaay idhiye
 
  • Afartaa garnayl kugu dhiciyo gumuc rasaaseed dheh
  • Gebagebada meel laysku helay gaylan dirireed dheh
  • Gudcur dam’ ah habaynkoo galiyo galab colaadeed dheh
  • Good iyo mas meel ay galeen godo abeesaad dheh
  • Gebi dumay waraar kugu gu’iyo geylo soo jabay dheh
  • Geeraaradaan tirin jiriyo gabayadaydii dheh
 
  • Caliyow garrida aan tuntiyo guuxa iyo faanku
  • Gacmo madhan adoo taagan baad wali galaydhyeyne
  • Horta eeg aan googaatanee laba godlow heedhe
 
  • Ma garaabayahow Eebahay gooyey xadhigiisa
  • Guushaad ku faanayso iyo goolka aad dhalisay
  • Asgari jeelka aad ugu gashayoo gaaday saw ma aha
  • Saw laba nin ood gawracdayoo gama’sanayd ma aha
  • Gashi aanu kugu yeelaniyo godob xun saw ma aha
  • Guuguulayhow saw rag aydun u gafteen ma aha
  • Gacanqaad xun ood eeday ood gubatay saw ma aha
  • Geesaha markaan kaa mareen gaadhka kugu meershay
  • Saw buuralaydii aad gasheen gacan libaax ma aha?
 
  • Goobtaad ku ceebawday eed gorortay saw ma aha
  • Saw haadka gooraamayaa meydka gegan ma aha
  • Gulufkaydun nagu weerarteen galalaf saw ma aha
  • Saw geenyadiinii xumayd taa galgalan ma aha
  • Gaashaamo Habar Yoonis saw taan ganbiyey ma aha
  • Gaagaabantii Habar Jecliyo Arab go’een ma aha
  • Guryahay dageen Ciidagale galangal saw ma aha
  • Sacad Muuse saw kaa gudban ee gaal u tagay ma aha
  • Gariirkaad maqlaysaayi saw geeshkayaga ma aha
  • Soomaali waad kala gurtaye saw gobtii ma aha
  • Gantaalooyinkay ridahayaan gacaladay ma aha
  • Saw geesiyaal ila dhashoo gaani wada ama aha
  • Gaashaanbuurta Waarsiyo Amxaar geed xunkii ururay
  • Garba-rogane Iidoorkiyow gubaya saw ma aha
  • Galaayuuska qayladani saw ii gurmada ma aha
  • Gabaygaagu oohin saw go’e baroor ma aha
  • Kayguna gantaal kugu dhaciyo, gumacyo saw ma aha

 

Banfis I

Banfis II

Yuusuf Colaad I

Yuusuf Colaad II

MakayteI

Makayte II

Makayte III

Fakad I

Fakad III

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.